Qarax weyn oo xalay ka dhacay degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa sababay dhimashada xubno ka tirsan Al Shabaab iyo dhaawac soo gaaray Guddoomiyihii Shabaab ee degmadaas.
Wararka ayaa sheegaya in Saraakiil Shabaab oo ka tirsan oo ka soo baxay Masjid ku yaala degmada Diinsoor loo dhigay qarax ay soo abaabuleen isla xubno ka tirsan Shabaab.
Qaraxaas oo dhacay Salaadii cisho kadib ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa iyo 8 xubnood oo uu ku jiro Guddoomiyihii Shabaab ee degmada Diinsoor sidoo kalena waxaa ku dhintay qaraxaas labo sarkaal oo shabaab ka tirsan.
Ilo wareedyo ku sugan Diinsoor ayaa waxay xaqiijiyeen in qaraxan ay ka dambeeyen Xubno shabaab ka tirsan kuwaas oo damacsanaa in la khaarajiyo Guddoomiyaha Shabaab ee degmadaas kaas oo hadda dhaawac culus la jiifa.
Dhacdadan ayaa waxay cabsi ku abuurtay xubnaha shabaab ee degmadaas ku sugan.






