Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisal wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa xilkii looga qaaday maareeyihii dekadda Muqdisho Cabdi Jiinow iyadoo maareeye cusubna loo magacaabay dekadda Magaalada Muqdisho.
Wareegtadan oo ku asteysan maanta oo taariikhdu tahay 06 April uuna ka war hayo Madaxweynaha Dowladda KMG ah Shariif Sh Axmed, ayaa lagu socodsiiyay wasiirka gaadiidka badda iyo dekadaha, maareeyaha guud ee dekadaha soomaaliyeed iyo taliska ciidanka booliska soomaaliyeed.
“Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Kmg ah ee Somalia, markii uu arkay baahida loo qabo dardar galinta hay’adaha dowliga ah ee halbowlaha u ah ururinta iyo dhowridda dakhliga qaranka.
Markii uu la tashaday madaxda ay khuseeyaan go’aannadani, ayuu soo saaray go’aannada soo socda:
1- Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 06 April 2010, waxaa laga wareejiyay xilkii uu hayay maareeyaha Dekedda Muqdisho Mudane Cabdi Jiinow Calasow, ka sii tirsanaan doona Wasaaradda Shaqada iyo horumarinta shaqaalaha inta loo magacaabayo xil kale.
2- Maareeyaha cusub ee dekadda Muqdisho, waxaa Isla maanta loo magacaabay Mudane Xasan Cali Macallin .
Wareegtadan oo uu ku saxiixan yahay Ra’iisul wasaaraha Somalia Cumar C/Rashiid Cali Sharma’arke, ayaa fareysa dhammaan hay’adaha iyo madaxda ay sida tooska ah ugu socoto in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u fuliyaan xil wareejinta.
Cabdi Jiinow Calasow, ayaa maareeye ka ahaa dekadda magaalada Muqdisho tan iyo sanadkii 2007-dii






