Archive | April, 2010

Ciidamada turkiga oo gacanta ku dhigay 13 Burcadbadeed Soomaalia ah

Ciidamada dalka Turkiga ee qeybta ka ah ciidamada Caalamiga ah ee ilaalada ka haya xeebaha Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay 13 Soomaali ah oo watay 2 Doomood kuwaas oo laga soo qabtay gudaha badweeynta India, isla markaana looga shakiyay in ay ahaayeen Burcad Badeed sida uu qoray wargeeyska lagu magacaabo Today’s Zaman oo ka soo baxa Dalka Turkiga.

Markabkan oo lagu magacaabo TCG Gelibolo isla markaana ay leedahay Dowlada Turkiga ayaa ka shaakiyay Labada Doomood oo marayay gudaha Badweeynta India,waxaana ciidamada markabkaasi  saarnaa ay joojiyeen Labadaasi doomood,waxeeyna gacnta ku dhigeen 13 burcadbadeeda Soomaalida ah.

Meleteriga Turkiga ee gacanta ku dhigay Burcadbadeedda ayaa sheegay in ragaasi ay hubkoodii ku daadiyeen Badda, ka hor inta aan la qaban laakin ay sawirro ka qaadeen markii ay hubka daadinayeen.

Tan iyo wixii ka danbeeyay sanadii 2009-kii Maraakiib farabadan oo caalami ah ayaa ilaalo ka hayay xeebaha dalka Soomaaliya si ay uga hortagaan kooxaha Burcad badeedda ah ee qafaasha maraakiibta Ganacsi ee isticmaasha Badweeynta India iyo gacanka cadmeed.

Posted in DhacdooyinComments (0)

K’Naan Wins Artist of the Year at Juno Awards

K’Naan, the Somali-Canadian rapper whose ‘Wavin’ Flag’ was recently re-recorded by 50 of Canada’s best musicians for a Haiti fundraiser, was honoured once again by the Canadian music industry — taking home Artist of the Year at Saturday’s Juno Awards gala — and beating out Michael BubleDiana Krall, Jann Arden and Johnny Reid.

“It’s really so much easier not to win these things,” K’Naan said from the podium, perhaps referencing his current album ‘Troubadour’s loss to F—ed Up at last fall’s Polaris Prize. “You can just sit there and your friend say, ‘you should have won.’

But if he worried about having to make a speech, he wasn’t at a loss for words.

“I came here to Canada when I was 15-years-old from Somalia and I didn’t know what I was going to do to deal with my emotions and my past and my life. Writing songs was just what I did to try and survive my own internal issues.”

He thanked Canada for “[giving] me a home” and his mother, “because when I was depressed and supposed to sleep she would let me stay up til 5am and write songs.”

K’Naan is still up for best songwriter and rap recording of the year on the Sunday televised ceremony, the latter of which would mark his second best rap Juno. “My brother keeps these in his room, he likes them.”

Source: Spinner.com

Posted in DhacdooyinComments (0)

Xildhibaanada Baarlamaanka oo muqdisho ku sii qulqulaya

Magaalada muqdisho ayaa labadii maalmood aynu soo dhaafnay waxaa ku soo qulqulaya xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda KMG ah ee Somaliya kuwaas oo ku kala aragti duwan xiisada siyaasadeed ee hadda ka dhex taagan baarlamaanka iyo madaxda Dowladda KMG ah.�

Xildhibaanadani oo badankood ka soo kicitimay garoonka Joma Kenyata Airport ee magaalada Nairobi ayaa ka degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaana tiradoodu ay ahayd ku dhowaan 40 mudane oo dhamaantood kawada tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada Maanta yimid ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax, xildhibaan Gabyoow, xildhibaan Afaraale iyo kuwo kale oo  badan kuwaasi oo mudo bilooyin ah dalka ka maqnaa.

 

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo kamid ahaa xildhibaanadii maanta ka soo degay Muqdisho ayaa sheegay in sababta ay u yimaadeen ay tahay in ay gutaan waajibaadkooda qaran ee ka saaran Baarlamaanka, taasi oo uu ula jeeday in ka qaybgalka fadhiyada Baarlamaanka ee dhowaan ka furmi doona magaalada Muqdisho.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in fadhiyada baarlamaanka ka bilawdo xaruntii golaha shacabka ee Dowladdii hore soomaaliya, iyadoo laga cabsi qabo in xubnaha Baarlamaanka dagaal siyaasadeed kulul isku qaadan.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Wasiirka Amniga DKMG ah”Waxaan wadnaa abaabul ka dhan ah Shabaabka”

Wasiirka Amniga Qaranka C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ku sugan Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in abaabulo ka dhan ah kooxaha dowladda ka soo horjeeda uu ka wado Gobolka.

Wasiirka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu u joogo gobolka Hiiraan sidii looga xoreyn lahaa, waxaa uu ugu yeeray cadawga, isagoo farta ku fiiqay in dadka gobolka ay diyaar u yihiin in ay iska qaadaan culeyska iyo dhibaatada ay ku hayaan kooxahaas.

“Kuwa cadawga ee gobolka ku sugan, ayaan dooneynaa inaan ka xoreyno, qorshaheygana waxaa uu ku wajahan yahay arrintaas”ayuu yiri C/llaahi Sanbaloolshe oo horay uga tirsanaa Hey’adaha Sama falka, balse markii uu xilkaas ka geeriyooday Cumar Xaashi loo dhiibay.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada dowladda ay diyaar u yihiin in ay howl galaan, isla markaana dalka oo dhan gacanta ku qabtaan, inkastoo uu ka gaabsaday xilliga arrintaas la filan karo.

Mr Sanbaloolshe oo ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu ku dhinto wadada uu ku socdo, isagoo soo hadal qaaday in howsha uu hada wado uu horay ugu geeriyooday Wasiirkii hore Amniga Cumar Xaashi Aadan.

Dowladda KMG oo dhistay Ciidamo fara badan ayaa mudooyinkii u dambeeyay waday abaabul dagaal oo ka dhan ah Xoogaga ka soo horjeeda.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Boqore “Aniga markii hore magac u yaal ayaa ahaa, waana iska casilay xilkii aan hayay, Gudoon cusub hala doorto”

Gudoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Baarlamaanka Cusmaan Cilmi Boqore ayaa shaaca ka qaaday inuu iska casilay, xilkii uu hayay, isagoo si rasmi u cadeeyay inuu idlaatay mudadii gudoonka baarlamaanka.

Isagoo ku sugan magaalada Tehran ee dalka Iiraan ayaa waxaa uu sheegay inuu yahay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka, isla markaana uu ka tanaasulay xilkii gudoonka baarlamaanka ka hayay.

“Aniga markii hore magac u yaal ayaa, ahaa waana iska casilay, xilkaas, waxaan leeyahay baarlamaanka ha doorteen Gudoon cusub”ayuu yiri Cusmaan Cilmi Boqore.

Waxaa uu ku eedeeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe inuu maroorsaday awoodii baarlamaanka, isla markaana ka dhigay Baarlamaanka mid fadhiid ah sida uu hadalka u dhigay.

Khilaafka ka dhex aloosan baarlamaanka ayaa ku wajahan sharciyada waqtiga Gudoonka baarlamaanka oo xildhibaanada qaar ay sheegeen inuu dhamaaday, halka kuwa kalena ay ku doodayaan inuu sii shaqeynayo.

Guuxa ka dhex jira baarlamaanka ayaa u muuqda mid uu dib ugu laabanayo xaaladihii fowdada ee uu horay u soo maray, baarlamaanka, waxaana xildhibaanada yihiin kuwo kala qeybsan

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shabaab oo markii u horeysay soo bandhigay muuqaalka ninkii isku qarxiyay C/llaahi Yuusuf + Sawiro iyo Video

Maleeshiyada Alshabaab ayaa markii u horeysay soo bandhigay muuqaal muujinaya ninkii isku qarxiyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed 18-kii September ee sanadkii 2006-da ee magaalada Baydhabo

Muuqaalkan Videoga, oo ay ka dhex muuqdaan Afhayeenka Shabaab Cali Maxamuud Raagge iyo Abuu Mansuur Al-Amriika ayaa ugu horeyn lagu daah furay muuqaal kooban oo dar daaran ahaa, ninkii isku qarxiyay Magaalada Baydhabo.

Video-ga oo soconayay 27-daqiiqo ayaa ka dhex muuqatay C/salaan Xersi Maxamuud Lugey oo ahaa ninkii u horeeyay ee Soomaaliya ka fuliya weerar is qarxin ayaa waxaa uu ahaa qof dhoola-cadeynayay, isla markaana tababar qaadanayay.


Muuqaalka ayaa sidoo kale lagu soo daray Xaflad loo sameeyay caruurtii ay ka geeriyoodeen raggii Soomaaliya isku qarxiyay intii u dhaxeysay 2006-dii ilaa 2009-kii, waxaana caruurta ahaa kuwo lagu gubaabinayay in ay raacaan wadada aabayashooda.

Abuu Mansuur Al-Amriiki ayaa kula dar daarmay hooyooyinka dhalay caruurtaas in ay tubta jihaadka ku hogaamiyaan caruurta oo ay raacaan dhabihii ay mareen aabayaashooda.

Sidoo kale caruurta ayaa la tusiyay sawirada Abuu Muscab Al-Zarqaawi iyo Aadan Xaashi Ceyrow, waxaana caruurta qaar ay wateen qoryaha ay ku ciyaaraan ilmaha sida bastooladaha iyo qoryaha caagagta ah, taas oo lagu tusaaleynayay in ay ku daydaan.

Muuqaalkan ayaa ah tii u horeysay oo Shabaab ku soo bandhigaan ninkii u horeeyay ee isku qarxiya Soomaaliya, iyo caruurtooda oo ay u sameeyaan xaflad mahrajaan ah.

Daawo Filimka

http://www.megavideo.com/?v=466C63BC

Posted in DhacdooyinComments (0)

Madaxweyne Shariif iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo saaka mid walba goonigiisa ugu sii jeeda Muqdish

Madaxweynaha Dowladda KMG ah Shariif Sh Axmed iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sii jeeda saaka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Shariif Sh Axmed oo maalmahan ku sugnaa Caasimadda Uganda ee Kambala ayaa xalay ku soo hoyday Magaalada Nairobi, waxaana la filayaa in uu saaka u gudbo Magaalada Muqdisho sida uu sheegay Danjiraha Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali America.

Dhinaca kale Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Sh Aadan Maxamed Nuur (Sh Aadan Madoobe) oo isna Maalmahan ku sugnaa Nairobi ayaa saaka u duuli doona magaalada muqdisho isaga iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Markab laga badbaadiyey burcad Badeed Soomaali ah

Weerarkuna waxa uu ku aaddana markab la yidhaa MV Thor Traveller oo watta calanka dalka Thailand oo marayey khooriga Cadmeed. Waxana lagu weeraray qoryaha basuukayaasha iyo kuwa darandooriga u dhaca oo kooxaha hubeysan soomaali lagu yaqaano.

Helikobtarrada dagaalka ee markabka Maraykanka ayaa ka dib weerarary burcad-badeeddii, waxayna ka qaadeen hubkii iyo saanaddii kale ee ay wateen.

Ciidamadu waxay sheegeen in burcad-badeeddu ay u sheegteen inay yihiin kalluumaysato, laakiin makii la qabtay lagama heli wax qalab ah oo kalluumaysi.

Waxa qudaha ee laga helay waxa ahaayeen hub, rasaas iyo shidaal fara badan oo kooxahaas burcad badeeda wateen.

Ciidamadau waxay intaas ku dareen in burcad-badeeddii iyo doonidi ay wateenna dib loogu celiyey dhinaca xeebaha Somalia.

Dhibaatada ka taagan burcad-badeedda la soo qabqabto waxay tahay sidii loo dhilahaa – halka la geyn lahaa ee lagu saari lahaa maxkamad iyo cidda masuul ka noqonaysa.

Dhawaan Kenya waxay diidey inay aqbasho burcad badeed Somali ah oo la soo qabqabtay, waxayna sheegtay inay culays ku yihiin maxkamadaha Kenya, wax kharash ahna aan loo hayan.

Laakiin waxa jira iyaguna koox ilaa 10 qof ah oo dhawaan lagu qabtay iyaga oo isku deyayey inay afduubaan markab Jarmal ah, haatanna lagu hayo dalka Holland, loona gudbin rabo Jarmalka, si maxkamad loo saaro. Waxa iyaguna jira burcad-badeed kale oo lagu hayo dalalka Yemen iyo Maldives.

Dhacdadan uu danbaysey, waa markii afraad toddobaadyadani ee laga hortago weerarro burcadbadeed, lana adbaadiyo maraakiib.

Bishan gudaheedana, ciidamada caalamiga ee ilaaliya xeebaha Somalia iyo badweynta Hindiya, waxay qaqabteen ilaa dhawr iyo labaatan ka tirsan burcad-badeedda Somalida oo wax weerarayey.

Khamistii dhaweydna, markab dagaal oo laga leeyahay dalka Spain ayaa qabtay oo burburiyey doonni ka mid ah kuwa burcad-badeeddu adeegsato.

In kasta oo la rumaysan yahay in hawl-gallada burcad-badeeddu inay kor u kaceen bilahan danbe, haddana ciidamada caalamiga ahi waxay aaminsan yihiin inay yaraatay tirada maraakiibta ay ku guulaystaan burcadaasi inay qabsadaan. Sababtana waxay ku sheegeen ka hortagga ciidamadau ay ku sameeyaan burcad-badeedda inta aanayna gaarin budweynta fog ee ay maraakiiba gooshaysa ka ugaarsadaan iyo doonyaha ay adeegsadaan oo laga burburiyo.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Dagaal u dhexeeyay ciidamada AMISOM iyo kooxaha kasoo horjeeda oo ka dhacay Muqdisho

Dagaal u dhexeeyay ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya oo isku dhinac ah iyo kooxaha kasoo horjeeda ayaa saakay ka dhacay degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Iskahorimaadkan oo socday daqiiqado ayaa bilowday markii maleeshiyada Shabaab iyo Xisbul Islaam ay weerar ku qaadeen guriga Shaqaalaha oo saldhig u ah ciidamada AMISOM iyo xaafada taleex oo ay dagan yihiin ciidamada Dowlada.

Khasaaraha dagaalka ee la ogyahay ayaa lagu sheegay dhimashada hal qof iyo dhaawaca laba qof oo kale, kuwaasoo dhamaantood ahaa rayid aan dagaalka qayb ka ahayn, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha labada dhinac kala gaaray.

“Dagaalku wuxuu bilowday saakay aroortii hore, qof walba wuxuu kusoo kacay hugunka rasaasta iyo madaafiic culus oo la isdhaafsanayo, waxaan arkay hal qof oo dhintay iyo laba qof oo dhaawacmay” ayuu yiri Axmed Cali oo ka mid ahaa dadka ku harsan degmada Hodan.

Goobjoogahan wuxuu sheegay in madaafiicda ay labada dhinac adeegsanayaan ay ahaayeen kuwo dhacayay goobihii ay ku dagaalamayeen, iyadoo dagaalku uu saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadiidka ee Jidka Makka Al-Mukarama.

Dagaalka ayaa kusoo beegmay xili ay xalay oo dhan ka socdeen Muqdisho roobab xoogan oo sababay inay biyo badan fariistaan wadooyinka, taasoo keentay in socodka gaadiidka uu aad u yaraado.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Mareykanka oo sheegay in dabagal lagu sameeyo lacagta burcad Badeeda Soomaalida

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka badda ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in loo baahanyahay in dabagal lagu sameeyo, kadibna xannibaad lagu soo rogo lacagaha madaxfurashada loo siiyo burcad badeedda Soomaaliya.

Admiral Mark Fitzgerald, oo Pentagon-ka kula hadlayey weriyaasha ayaa ku taliyay in Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ay hormuud ka noqdaan sidii loo baari lahaa loona xannibi lahaa lacagaha madaxfurashada ah ee burcad badeeda ay ka qaataan maraakiibta.

Sarkaalka ayaa sheegay in hadii la doonayo in horumar laga gaaro ama lagu guulaysto dadaalada caalamiga ah ee ku aadan dabar-goynta falalka burcad badeedda oo uu sheegay in ay maalgashanayaan sida uu sheegay dalka Kenya iyo Ethiopia oo uu sheegay in ay guryo ka iibsanayaan halkaasi

Posted in DhacdooyinComments (0)

Madaxweyne Shariif oo tababar ugu xiray ciidan Soomaaliyeed dalka Uganda. SAWIRRO

Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif sh Axmed ayaa tababar u soo gabagabeeyay Ciidamo ka tirsan Dowladda oo dhawaan tababar ku dhameystay dalka Uganda.

Tirada ciidamadaas waxay ahayd ku dhawaad 2000 oo askari, waxaana tababarka siinayay saraakiil Uganda, USA iyo Yurub isugu jirta.

Munaasabaddii gebogebada waxaa ka qeyb galay madaxweyne Shariif, Taliyaha Ciidanka XDS, wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Safiirka Soomaaliya ee Uganda iyo saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa munaasabdaas ka qeyb galay wasiirka gaashaandhigga dalka Uganda, Taliyaha Ciidamada Uganda, Saraakiil ka socota dalka Maraykanka iyo Yurub.

Khudbada ayuu madaxweynuhu halkaas ka jeediyay isagoo abaalmarino gudoonsiiyay qaar ka tirsan Ciidanka Soomaaliyeed ee tababarku u soo dhamaaday.

Daawo sawirada xafladda oo dhameystiran





Posted in DhacdooyinComments (0)

Talooyin ku socda Guddoomiyeyaasha kooxaha ee doorta XSKC.

Waxaan la soconaa in dhawaan la filayo in la qabto doorashada XSKC (waa haddii aay xilkooda iyo waajibaadkooda ka soo dhalaalaan Guddiga fulinta XSKC), haddii kalase waxaa laga sugayaa GOS iyo Wasaaradda Sportiga in aay Soomaali u sheegaan waxa aay doorashadu u qabsoomi la’dahay.

Waxaa kaloo islamarkiiba  maskaxda inta wax fahamsan ku soo dhacaysa mas’uuliyadda saaran Guddoomiyeyaasha kooxaha oo aan halkaan lagu soo koobi Karin, taasoo aan manta diirada qoraalkeygaan aan saari doono.

Waxaan xasuusanaa haddii aan in yar dib ugu noqono doorashadii afar sano ka hor lagu qabtey magaalada Baydhabo, waxaan xasuusanaa ama aan heynaa wixii laga dhaxley, taasoo dhibkii ugu badnaa uu ku dhacay awalan Kooxihii wax doortey, ka dibna umadda inteeda kale, taasoo mas’uuliyadeeda aay dusha u ridan doonaan Gudoomiyeyaasha kooxaha.

Waxaan xog-ogaal u nahay in kooxihii wax doortey afar sano ka hor, in doorashada ka dib aay waayeen xuqooqdoodii ugu yareyd oo aheyd dhaqaalo iyo qalab sport aay ku hormariyaan kooxahooda, waxay waayeen aqoonsigii koox ahaaneed oo laga gooyey xiriirkii, waxaa loo qaban-qaabin waayey cayaaro aay cayaartooyda aay layliyaan ku tijaabiyaan.

Waxaan ku soo koobayaa waxay waayeen xuquuqdoodii oo dhan (ogoow haddii kooxdu xaqeedii weysey, waxaa halkaas xaqoodii ku waayey Cayaartooydii oo aan cayaaro loo qaban, oo laga yaabo in aay waqti u helaan waxyaabo aan wanaagsaneyn, garsoorayaashii oo aqoontoodii meel aay ku fuliyaan waayey, taageerayaashii oo cayaaro aay daawadaan waayey iyo Soomaali shaqo ama dhaqaale ka heli laheyd).

Waxay ila tahay in kooxuhu gartaan mas’uuliyadda saran, dhibkii ku dhcay afartii sano ee la soo dhaafeyna iyo ka horba aay u noqoto waayo-aragnimo, waxaa kaloon loo tilmaameyn muhiimadda aay leedahay in dadka aay shaqadaan u qorayaan ( waayo Somali oo idil ayey mas’uul uga yihiin in aay u soo xulaan shaqsiyaad ku sifoobeywaxyaabahaan soo socda;  

  1. Alle- ka- cabsigooda.
  2. Daacadnimadooda.
  3. Aqoontooda.
  4. Waaayo-aragnimadooda.
  5. Ogol in lala xisaabtamo.
  6. ogol inuu shaqaale yahay.

 

Waa in iyagoo isku duuban aay diidaan in mid-mid loo kala xodxoto ama la kala qeybiyo amaba loo balan qaado aduunyo.

Sida ugu haboon ee aay ku heli karaan Guddi fulin (Executive committee) oo ka saara dhibka aay ku jiraanna;

  1. Waa iney imtixaan ka qaadaan qofkasta oo codkooda raba, u saaraan guddi horfariista, iyagoo weydiinaya CV, aqoontiisa sport iyo waliba waxa uu ku kordhin karo XSKC iyo wadada uu u marayo.
  2. Waxaa kaloo muhiim ah in guddigaas aay weydiiyaan qofka codkooda rabaa, inuu soo hordhigo qorshiiisa horumarineed ee Kubadda cagta oo qoraal ah, ee waqtiga dhaw iyo kan waqtiga dheer.

Waxay ila tahay in  indhaha bahweynta Soomaaliyeed ee jecel Kubadda cagta aay idin eegayaan, waa inaad garataan in markaan aan la idinka aqbali doonin inaad doorataan qof aan u qalmin shaqada aad u xuleysaan.

Waxaa laga yaabaa in aad wali waqti u heysataan oo aad iska ilaalisaan in aaney markaan wax idinka qaldamin, muujisaan isku duubni iyo inaad isku dan tihiin, Ogaataan inaad wakiil u tihiin bahweynta Soomaliyeed Kubadda Cagta jecel.

Wuxuu qoraalkeygaan kooban hordhac u yahay, talooyin badan oo aan filayo in badan oo jecel horumarka Kubadda Cagta Somaliyeed aay idiin soo gudbin doonaan, waxaan kugula doodayaa khristoow ( I challenge you) in aan fikirkaaga ku soo darto qoraalkaan.

Caqliga iyo maskaxda fayoow haddii la isku geeyo, waxaan isleeyahay waxaa ka soo bixi kara, waxyaabo badan oo dhalinta iyo wadankuba u aayaan.

N.B.

Qoraalkaan ujeedadiisu waxay tahay oo kaliya sidii loo hormarin lahaa Kubadda cagta Soomaliyeed, cidii si kale u aragtaa waxaan u qadimayaa raaligalin buuxda.

Wabillaahi Tawfiiq.

 

 

Mr. Ahmed-nur Hassan Abdulle

Posted in DhacdooyinComments (0)

Dowladda oo soo dhaweysay Xayiraadii la saaray Maleeshiyaadka Soomaaliya ka dagaalama

Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa soo dhaweysay xayiraadii ay dowladda Maraykanku saartay Horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyaadka Shabaab iyo Xisbul Islaam.

Wasirka lacagta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in Dowladda Sooaaliya ay soo dhaweynayso Talabo kasta oo yareyn karta ama hoos dhigi karta qatarta ay kooxaha Argagixisada ah ku hayaan dalka Soomaaliya iyo wadamada ku xeeran.

Wuxuu sheegay wasiirku in Dowladda Maraykanku ay go’aan wanaagsan sameysay ayna muhiim tahay in lala xisaabtamo kooxaha dhiigga shacabka Soomaaliyeed Baneystay ee dagaalada ka wada Soomaaliya.

Eng. Yariisoow ayaa tilmaamay in tallaabadani ay tusaale u noqon korto kooxaha ku dhiiran burburinta Shacabka iyo dalka Soomaaliyeed, ee xiriirka la leh argagixisada caalamiga ah.

Wareegtada Madaxweynaha Obama ayaa lagu sheegay in nabadgalyo xumada ka jirta soomaaliya iyo burcad badeeda waxay khatar gelinaysa siyaasadda Wasaaradda arrimaha dibadda.

 

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shabaabka oo laga eriyay degaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe

Degaano ka tirsan degmada Aadan Yabaal ayaa waxaa ka socda kacdoon ka dhan ah Maleeshiyada Al shabaab iyadoo tuulada Cali Axmed ee Degmada Aadan Yabaal laga eriyay dablayda shabaab kadib dagaalo shalay halkaasi ka dhacay kuwaas oo u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo Maleeshiyada Shabaab kaa oo bilowday Aroornimadii hore ee shalay socdayna illaa gabaldhicii xalay iyadoo maleeshiyada Shabaab si qasab ah looga saaray tuuladaasi.

Dagaalada shalay tuuladaasi ka dhacay ayaa maleeshiyada shabab ee duulaanka halkaasi ku tegay waxaa ay la kulmeen qasaaro xoogan oo soo gaaartay maleeshiyadii kooxdaasi u dagaalamaysay kuwaa oo 17 ka mid ah ay dagaalka ku nafwaayen islamarkaana ay maydadooka ay qaadan waayeen .

Sida ay sheegayan dadka degaanka ilaa iyo 40 dablay oo dhaawac ah ayaa lagu argay degaanka Cali Axmed oo inta badan dagaalka ka dhacay dhamaan ragas dhaawacmay waxay ka tirsan yihiin kooxda shabaab.

Dagaalka ka soconaya qaybo ka mid ah gobolka Sh/dhexe ayaa ah mid kacdoon ah oo ay dadku kaga soo horjeedaan falalka maleeshiyaadkaasi ay dadka kula dhaqmaan kuwaa oo dadka shacabka ah carra gelisay . waxana maleeshiyada shabaab ay haatan dagaal iyo qorri caaradiis looga saaray deegaano iyo tuulooyink dhowr ah oo hoosyimaada gobolkaasi.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya”Waa been aan sal iyo Raad lahayn in Saraakiil Mareykanka ah ay ka howlgalaan xarunta Safaaradda”

Ka jawaabid qoraal been abuur ah oo ku soo baxay qaar ka mid ah Web site soomaalida, qoraalka jawaabta oo dhameystiran hoos ka fiiri

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa ku talaabsatay horumar dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin in Safaaradda dib u soo celiso  adeegyadii guud ee ay qaban jirtay iyadoo muujisay karti iyo aqoon dhinaca diblomaasiyadda ah,waxayna bilawday toddobaadyadii la soo dhaafay ama aan iraahdo bilihii la soo dhaafay in dadka ajanabiga ee u socdaala soomaaliya ay siiso fiisooyin dal ku gal ah.

Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi oo aan shalay booqday ayaan ku arkay dad ajanabi ah oo u badan Suxufiyiin kuwaas oo qunsuliyadda Safaaradda ka qaadanayen Fiiso ama dal ku gal sharci ah.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali Nuur (America) uu ku wargeliyay dhamaan dadka u socdaala Soomaaliya in ay fiisaha dal ku galka ka soo doontaan xarunta Safaaradda.

Hase yeeshe tallaabadaas horumarka ah oo la qaaday ayaa waxaa jira dad faafiyay qoraalo been abuur ah oo laga qoray Safaaradda kuwaas oo qoray in Saraakiil Mareykan ah lagu soo biiriyay Safaaradda kuwaas oo ay ku sheegeen in ay dabagal ku sameeyan dadka u socdaala soomaaliya.

Sida lagu qoray mid ka mid ah Bogaga wararka Soomaaliya, Saraakiishan Mareykanka ah ayaa waxay ka tirsan yihiin laanta la dagaalanka Argigixisada, warkaas oo runtii la soo been abuuray oo dad ka soo horjeeda horumarka Safaaradda faafiyay.

Haddii Safaaradda Soomaaliya ka shaqeysay in ay ogaato ama baaris ku sameyso dadka u socdaala soomaaliya ujeedada socdaalkooda taasina ay qeyb ka tahay sugida amaanka dalka isla markaana ay ahayd in lagu amaano waxqabadkaas Safaaradda ma waxaa taa bedelkeedu la faafinaya warar been abuur ah oo ka soo horjeeda qaranimada soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Maxamed Cali America isagoo kaashanaya howl wadeenada kala duwan ee Safaaradda ayuu ballaariyay waxqabadkiisa, xataa waxaa uu gaarsiiyay in dadka Soomaalida ku xuquuq noqdaan ajanabiga kale ee ku dhaqan Kenya, taasina waxay ku timid dadaalka diblomaasiyadeed ee Safiirka iyo kaalayaashiisa.

Danjire America ayaa ku wargeliyay soomaalida Kenya ku dhaqan haddii ay dareeman dhib iyo xaalado adag in ay ku soo wargeliyaan Safaaradda si wax looga qabto.

Marka aad eegto Waxqabadka Safaaradda ma aha oo kaliya arrimo dhinaca Siyaasadda ah, waxay Safaaraddu gacan ka geysataa daaweynta Caruur soomaaliyed oo gudaha dalka wax looga soo qaban waayay kuwaas oo la jiifa cuduro kala duwan, sida labo cunug oo isku taalay, Safiirka isagoo ka turjumayay Dowladda Soomaaliya ayuu baaq u jeediyay beesha Caalamka in wax laga qabto ama la badbaadiyo caruurtaas.

Sidoo kale Safiirka Soomaliya Kenya waxaa uu dadaal weyn ugu jira sidii waxbarasho casri ah u heli lahaayeen boqolaal Caruur Soomaaliyed oo ku nool xeryaha Qaxootiga ee ku yaala dalka Kenya, taasina waxay ka dambeysay socdaal Safiirka ku tagay xerooyinka qaxootiga, isagoo ballan qaaday in caruurtaas ka taageeri doono dhinaca waxbarashada.

Balse dadaaladaas faraha badan ee is barbar socda ka sokoe waxaa jira qaar ka mid ah Warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay oo lagu faafinayo warar iyo qoraalo been abuur ah.

Dadkaas sida qaloocan wax u arka waxay doonayaan iyagoo dano siyaasadeed leh in ay bedelaan aragtida shacabka soomaaliyed isla markaana doonaya in ay ka bixiyaan Safaaradda Soomaaliya Kenya muuqaal qaab daran.

Xarunta Safaaradda waxaa ka howlgala dad soomaaliyed oo u taagan danta guud, waxayna doonayaan in ay ilaaliyaan sharafta iyo Magaca Soomaaliyed.

Dhinaca kale talaabada Safaaradda Soomaaliya qaaday ee ah in la ogaado ujeedooyinkooda dadka u socdaalaya soomaaliya waxay ka mid tahay waxyaabaha lagu adkeyn karo amaanka dalka isla markaana lagu joojin karo dadka dibada ka yimaada ee ka qeyb qaata dagaalada ka socda Soomaaliya.

Ma jiro dal caalamka ka tirsan oo fiiso la’aan lagu tago, dal kasta xishmad ayuu leeyahay haddii la ilaaliyo xishamada dalkeena ma qalad baa mise waa wanaag lagu dhaqaaqay.

Ugu dambeynta dadka soomaaliyed waxaa looga baaqaya in ay gacan ka siiyaan Safaarada Soomaaliya Kenya ilaalinya iyo jiritaanka dalkeena soomaaliya.

Posted in CaafimaadComments (0)

Ahulu Sunna oo la wareegay Degmada Ruun Nirgood.

Cumada Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa saakay la wareegay gacan ku heynta degmada Ruun Nirgood ee Gobolka Sh/dhexe ka dib dagaal ay la galeen Maleeshiyada Shabaab oo maalmahaan ku sugnaa degmadaasi.

Subaxninadii hore ee saakay ayaa Xoogagga Ahlu Sunna waxa ay weerar ku qaadeen Degmada oo dhawaan ay Shabaabku kala wareegeen dadka deegaanka, waxana goobta ka dhacay dagaal culus oo sababay in Shabaabku ay isaga cararaan Ruun Nirgood.

Mid ka mid ah Madaxda Xoogagga ASWJ eek u sugan Ruun Nirgood ayaa sheegay in dagaalka saakay ay ku dileen inta ay arkeen afar qof oo uu ku jiro Horjoogaha ay Shabaabku u magacaabeen Degmadaasi oo lagu magacaabo cabdi Xuseen kana soo jeeda deegaanka ceelbacad.

Sidoo kale wuxuu sheegay mas’uulkaan ka tirsan Ahlu Sunna in ay la wareegeen hub iyo Rasaas badan oo ay Shabaabku uga carareen saldhigga degmada Ruun Nirgood, waxayna Shabaabku ku carareen Jihooyin kala duwan oo deegaanka ku xeeran.

 

Posted in DhacdooyinComments (0)

Mareykanka oo xayiraad ku soo rogay Madaxda Shabaab iyo Xisbul Islaam

Dowladda maraykanka ayaa cunaqabatay dhaqaale saartay Horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyaadka ka dagaalamaya Soomaaliya iyo shaqsiyaad la tuhun san yahay in ay xiriir la leeyihiin kooxaha Argagixisada ah ee Soomaaliya jooga.

Wasaaradda lacagta ee Dowladda Maraykanka ayaa ku warantay in eedeeysanayaashaan oo tobaneeyo gaaraya cunaqabatayntaan lacageed lagu soo rogay ka dib markii ay sheegteen in ay duulaan ku yihiin dadka iyo dalka Soomaaliyeed iyo dunida inteeda kale.

Cunaqabatayntaan cusub ee la dul dhigay kooxahani ayaa si toos ah loogu bartilmaameedsan doonaa hantida shaqsiyaadka Soomaaliya ay ka degi la’dahay ee uu ugu horreeyo hoggaamiyaha siyaasaddu ku adkaatay ee Xasan Dahir Aweys, kaa oo maraykanka, Q/midoobay iyo dadka Soomaaliyeed ugu jira liiska shaqsiyaadka dhibaatada ka wada gudaha wadanka Soomaaliya.

Aweys ayaa lagu eedeeyay in uu mudooyinkii danbe ka shaqaynayay sidii uu ula midoobi lahaa maleeshiyada Shabaab ee diidan jiritaanka Dowladda Soomaaliya.

Warbixintaan ayaa wasaaraddu ku sheegtay in shaqsiyaadka hantidooda la xanibayo ay ka mid yihiin Abshir Cabdulaahi oo da’diisa lagu sheegay 44jir, Xasan Caddulaahi Xirsi  Turki oo 66 sano ah . Axmed Cabdi Aw maxamed oo 33 da’diisu tahay, Yaasiin Cali Baynax 44, sano , Maxamuud Cabdi Garaad 37, Yamani Jabriib oo sanadkiisu yahay 59 jir oo dagaal ugu yimid shacabka Soomaaliyeed, dagaal ooge Fu’aad Maxamed Khalaf, Bashiir Maxamed Maxamuud 28 sano jir ah , Maxamed Saa’id oo da’diisa lagu sheegay 44 iyo Faarax Maxamuud Maana oo Yeman isna dagaal ka dhan ah umadda Soomaaliyeed uga yimid, kaas oo lagu sheegay in baasaboor dimlumaasi Yemani ah   uu haysto.

Arrintaan ayaa imaanaysa xili maleeshiyaadkaan ay soo wajahady dhaqaalo yari ku qasabtay in ay dhacaan hantida dadka shacabka ah ee ku sugan meelaha ay joogaan, taa oo keentay in deegaanada qaar uu ka bilaawdo kacdoon kooxahaasi ka dhan ah.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Wadahadalo Magaalada Muqdisho uga furmay Dowladda KMG ah iyo Ahlu Sunah Waljamaacah (Daawo Sawirada)

Wafdi ka socda Culumaa’udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah oo diyaarad ka soo qaaday Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Aadan cadde Air Port ee Muqdisho.

Wafdigan ayaa lagu wadaa in wada hadalo kula qaataan magaalada Muqdisho Mas’uuliyiinta Dowladda KMG, iyadoo sii ambaqaadaya heshiiskii bishii la soo dhaafay ay ku kala saxiixdeen Magaalada Addis Ababa.

Gudoomiyaha Golaha Fulinta Ahlu Sunah Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa hogaaminaya Wafdigan, waxaana lagu wadaa in wafuudan ay maalmo ku sugnaa daan Magaalada Caasimada Muqdisho.

Diyaaradii waday Wafdigan ayaa markii ay ka soo dejisay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaa halkaas ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda KMG, iyadoo halkaas lagaga soo galbiyay Gawaarida dagaalka.

Xarunta Madaxtooyada ayaa haatan shir albaabada u xiran uga socdaan Xubnaha Wafdigan oo ka kooban 20-xubnood, waxaana kulamo ay la qaadanayaan Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid iyo qaar ka tirsan Golihiisa Wasiirada

Posted in DhacdooyinComments (0)

Gudoonka Barlamaanka oo sheegay waqtiga uu qabsoomayo kal fadhiga Barlamaanka

Gudoonka sare ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa shaca ka qaaday xilliga uu dhacayo kal fadhiga barlamaanka Soomaaliya xilli maalintii shalay la soo gabagabeeyay wajigii hore ee dhismaha Gurigii Umadda ee ay barlamaanku ku shiri lahaayeen.

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ahna ku simaha gudoomiyaha Barlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa shegay in maalinta axadda ah ee 18 abril uu si rasmi ah u  qabsoomi doono kal fadhiga Barlamaanka ayadoo lagu qaban doono xarunta golaha Shacabiga Soomaaliyeed oo diyaar ah waqtigaan.

Prof. Dalxa ayaa sheegay in xaruntu ay diyaar u tahay waqtigaan marti gelinta kulanka Barlamaanka Soomaaliya muddo ka dib, wuxuuna baaq u diray xildhibaanada ku maqan dalka dibadiisa in ay si dhaqsi ah u soo gaaraan dalka si ay uga qeyb galaan kal fadhiyada Barlamaanka.

Golaha Barlamaanka Soomaaliya ma aysan kulmin mudooyinkii la soo dhaafay, sababaha waxaa qeyb ka ahaa in aysan heli goob ay si joogto ah ugu shiri karaan marka laga reebo goobo KMG ah oo dhowr mar ku shireen, hase yeeshee arrintaas ayaa u muuqata in waqtigaan xal loo helay maadaama ay barlamaanku heleen gurigii umadda oo ay fariisan karaan xilli walba oo loo baahdo

Posted in DhacdooyinComments (0)

Maleeshiyada Al Shabaab oo boobay goobo ganacsi oo ku yaala Magaalada Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay dhac saf ballaaran ah u geysteen goobo ganacsi oo ku yaala Magaalada.

Ilaa iyo Labo gaari oo kuwa dagaalka ah ayay la tageen Shabaabka Suuqa ganacsiga Baydhabo kadibna waxay isha la raaceen dukaamada ay is leeyihiin waa ay ladan yihiin waxayna kadibna bilaabeen in ay booban hantida dukaamada yaala.

Mid ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay inuu indhaha saaray shabaabka oo dhacaya goobahaas ganacsi oo ay leeyihiin dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Wararka ayaa sheegaya in sababta shabaabka ku kaliftay in ay boobaan hantida dadka rayidka ay sabab u tahay baahi soo wajahday kooxda shabaab.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Dhimasho, duqeyn iyo warar kale Magaalada Muqdisho

Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhimatay, 46 kalana waa ay ku dhaawacmeen duqeyn iyo qaraxyo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Duqeynta ayaa bilaabatay mar kii ay kooxaha ka horjeeda dowladda iyo ciidamada midowga Afrika ay hoobiyayaal u rideen dhanka xarunta madaxtooyada iyo garoonka diyaaradaha Muqdishu, waxaana xigay duqeyn jawaab ah oo ay rideen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM .

Dadka dhintay ayaa waxaa ay ku dhinteen degmooyin kala duwan oo magaalada ah .

Dhinaca kale galabta ayaa waxaa Muqdishu ka dhoofay wafdi uu hogaaminyay madaxweynaha Soomaaliya, kaasoo sida ay sheegeen madax ka tirsan DKMG ah booqasho gaaban u aaday dalka Uganda, halkaas oo ciidamo Soomaali ah ay ku tababarayaan Midowga Yurub

Labo qarax lagu bartilmaameedsaday ciidamo ka tirsan DKMG degmada Xamar jajab ayaa waxaa ku dhintay afar qof, oo labo ka mid ah ay ahaayeen askar ka tirsan ciidamada dowladda, waxaa sidoo kale isla qaraxyadaasi ku dhaawacmay 9 qof oo kale oo ahaa rayid

Posted in DhacdooyinComments (0)

Kooxaha burcad badeeda Soomaaliyeed oo afdubtay Markab nooca xamuulka qaada ah oo marayay xeebaha Jaziiradda Sishilis

Warar soo baxaya ayaa sheegay in kooxaha burcad badeeda Somalied ee ka qawleyata xeebaha Somalia ay qafaasheen markab xamuul oo marayay meel 520 KM u jirta biyaha Jaziirada Sishilis.

Warku waxaa uu intaa ku darayaa un kooxdaan burcad badeeda ah ay markabkaasu ula soo dhaqaaqeen dhinaca biyahga Soomaaliya iyadoon illaa iyo hadda aan la xaqiijin wadanka laga leeyahay markabkaasi iyo waliba tirada shaqaalaha la socda.

Ciidamada ururka Midawga Yurub ee ku sugan biyaha Somalia ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi uu ka dhacay biyaha Jaziiradda Sishilis waxaana afhayeen ciidamada Yurub ee Somalia jooga John hourbour uu sheegay inay baaritaano wadaan.

Dhinaca kale dawlada Jarmalka ayaa sheegtay in dhibaatada burcad badeeda Somalied ay si weyn u saameysay wadamada caalamka.

Wasiirka arrimaha dibadda Jarmalka Guyiido Westerweele oo haatan booqasho ku jooga wadanka Jabouti ayaa waxaa uu sheegay in burrcad badeeda Soomaaliyeed ay qal qal galiyeen marin biyoodyada caalamka waxaana uu intaa ku daray in loo baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto

Posted in DhacdooyinComments (0)

Abaabulo ka dhan ah Shabaab oo ka socda Gobolada Baay iyo Bakool

Odayaasha iyo waxgardka ka soo jeeda Gobolka Bakool ayaa  sheegay in ay wadaan dadaalo iyo abaabul ay ku doonayaan in ay isaga xoreeyaan kooxaha shabaab ee dhibaatada ka wada deegaanadooda.

Gudoomiyaha degmada Xudur ee Gobolka Bakool Maxamed Macalin ayaa shaaca ka qaaday in ay wadaan dadaalo xoogan oo ay ku doonayaan in ay isaga xoreeyaan kooxaha Dowlada ka soo horjeeda ee dhibaatada culus ka wada deegaanada kala duwan ee Gobolka Bakool.

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in ay diyaariyeen Ciidamo ka tirsan Dowlada KMG ah ee Soomaaliya kuwaas oo gacan ka helaya dadka deegaanka wuxuuna hoosta ka xariiqay in dadka ku dhaqan deegaankaasi ay ka dhiidhiyeen dibaatada xoogan oo ay ku hayaan dadka deegaanka.

Kooxaha dowlada ka soo horjeeda ayaa dhibaatooyin kala duwan ka wada deegaanada ay gacanta ku hayaan iyadoo dadkuna ay bilaabeen kacdoono ka dhan ah kooxahaasi,kuwaas oo ka soconaya Gobolada Baay.Bakool iyo Shabelada dhexe

Posted in DhacdooyinComments (0)

Midawga Yurub oo tababar u furay ciidamo Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa maanta si rasmi ah u billaabay howl-galkii ay ku tababarayeen ilaa 2000 oo ciidan Soomaaliyeed, kuwaasoo oo lagu tababbarayo hawl galka loogu magac daray (EUTM Somali), kaasoo ka caawin doona dowladda KMG ah ee Soomaaliya in ay gacanta ku dhigto oo ay maamusho dalka Soomaaliya.

Howl-galkaan oo uu hoggaaminayo Korneel u dhashay wadanka Spain oo lagu magacaabo Ricardo Gonzalez Elul, ayaa waxaa hirgalinaya 141 askari oo ka kala socda 13 wadan oo midowga Yurub ku jira, waxayna ciidamadan ka socdo midowga Yurub si tartiib ah loo geyn doonaa halka uu tababarka ka socdo inta lagu guda jiro bishaan April.

Wadanka Spain oo ah dalka ciidamada ugu badan ku deeqay ayaa hogaaminaya hawlgalkani waxaana ciidamada Spain ee tababarkani ka qeyb qaadanaya ay gaarayaan ilaa iyo 38 askari, iyadoo sidoo kalana ay ciidamada intooda kale kala socdaan Faransiiska oo ku yaboohay 26 askari, halka wadamada Talyaaniga 18 askari, Boortaqiiska 15 askari iyadoo Jarmalkuna ay u soo direen in tababarkani ay uga qeyb qaataan ilaa 13 askari.

Howlgalkaan loogu magacdaray EUTM Somalia, ayaa waxaa uu ka dhici doonaa wadanka Uganda, iyadoo iskaashi ay midawga yurub hawlgalkani kaga helayaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika

Golaha midowga Yurub, ayaa 31kii bishii Maarso oggolaaday howl-galkaan, oo qayb ka ah howlgalka cirka iyo badda ee Atlanta, kaasoo billawday bishii December eee sanadkii 2008da, si loola dagaalamo falalka burcad badeednimada ee ka jira biyaha badweynta Hindiya, iyo xeebaha Wadanka Soomaaliya.

Dowladda Spain oo haysa Madaxtinimada midowga Yurub, ayaa rumeysan in howlgalkaan EUTM Soomaaliya uu door muhiim ah ka qaadan doono xasillinta Soomaaliya, wuxuuna hadafka howl-galkaan yahay in uu dowladda KMG ah ee Soomaaliya lagu siiyo  xoojin, iyo inuu fududeeyo horumarka ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Radio Muqdisho oo saaka baahiyay Idaacada VOA iyo dadka Muqdisho oo ku jahwareersan BBC-da

Radio Muqdisho oo ah Idaacad ku hadasha Codka Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa saaka markii u horeysay sii deysay Laanta Af Soomaaliga ee VOA-da, labo maalmood kadib markii Shabaab ay mamnuuceen dhageysiga Idaacadaas.

Labadii maalmood ee u dambeysay ayaa dadka ku dhaqan Caasimada iyo gobolada kale waxaa jahwareer ka galay dhageysiga Idaacadahaas oo ay si toos uga dhageysan jireen hirka FM-yada, hase ahaatee markii Shabaab soo saareen go’aanka ay ku mamnuuceen Idaacadaas ayaa waxaa yaraaday meelaha aadka looga dhageysto.

Idaacada VOA-da ee Codka Mareykanka Laanteeda Afka Soomaaliga ayaa la sheegay in ay heshiis la gashay Radiyaha Dowladda KMG, si uu u tabiyo barnaamijyadeeda, waxaana saaka ilaa shalay dadka Muqdisho kala socdeen dhageysiga VOA-da Mowjada FM-ka ee Radio Muqdisho.

Laakiin Idaacada BBC-da oo ah tan looga dhageysi badan yahay ayaa dadka ay aad ugu jahwareersan yihiin, waxaana ay si dhib leh ku helaan Mowjadaha gaa gaaban ee SW-ga, taasoo mararka qaar ay ku adkaado helideeda.

Dadka Muqdisho iyo kuwa ku dhaqan Gobolada dalka ayaa ah kuwo dhagaha ka xiran, oo aan sidii hore siyaasada ula socon, waxaana dadkaas ay si fudud u dhageysan jireen Mowjada FM-ka.

Shirkada Warbaahinta Horn Afrik oo lacago badan ka macaashi jirtay sii deynta BBC-da iyo VOA-da ayaa loo aqoonsaday, waxaana tani ugu yaraan keeneysaa in ay ku weyso dhaqaalihii faraha badnaa ee ay ka heli jirtay Idaacadahaas Caalamiga ah.

Inkastoo aan wali BBC-da laga soo deyn Radio Muqdisho, hadana waxaa muuqata inuu jiro is afgarad u dhaxeeya VOA-da oo tartan ballaaran kula jirta BBC iyo Idaacada ay Dowladda maamusho ee Radio Muqdisho.

Cunaqabateynta ku dhacday Idaacadahan Caalamiga ee looga diiday in laga dhageysto Mowjadaha FM-ka ayaa waxaa la is weydiinayaa sida wariyeyaasheeda ka howl gala dalka ay ugu shaqeyn lahaayeen, warbixinada si toos ugu gudbin lahaayeen

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shabaabka oo ku dagaalamay hanti ay ka dhaceen WFP

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya Maleeshiyo ka wada tirsan Kooxda Al-Shabaab uu ka dhacay nawaaxiga degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Dagaalkan ayaa sida ay sheegayaan dadka deegaanka waxa uu salka ku hayaa qaybsiga hantidii ay dhowaan maleeshiyada Kooxdaasi Shabaab ka bililiqeysteen xaruntii hay’adda WFP ay ku lahayd degmada Waajid ee gobolka Bakool, waxaana dagaalkaasi uu sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo wada gaaray maleeshiyadan kawada tirsan Al-Shabaab.

In ka badan 10 maleeshiyada Shabaab ah oo ay ku jiraan horjoogayaal ayaa la xaqiijiyey in dagaalka ay ku dhinteen tiro   intaasi ka badanna ay ku dhaawacmeen maadaama dagaalku uu ahaa mid socday xalay ilaa iyo Saakay.

Maxamed Macalin oo ah gudoomiyaha maamulka degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegay in dagaalkani uu ka turjumayo sida ay maleeshiyooyinkan xitaa waxa ay soo dhacaan aysan u qaybsan karin, isagoona xaqiijiyey jiritaanka dagaalka.

Waxa uu sidoo kale tibaaxay in iminka dhankooda ay wadaan qorshayaal ku aadan sidii maleeshiyada Shabaab dagaal ka dhan ah dhowaan u qaadi lahaayeen ciidamada Dowladda, isagoona rajo ka muujiyey in dadka deegaanku iminka yihiin kuwo ka daalay dhibaatooyinka ay kooxdaasi ku hayaan islamarkaana goboladaasi ay la wareegi doonaan dhamaanba degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Bakool.

Posted in DhacdooyinComments (0)

BBC-da oo jawaab ka bixisay go’aankii Al shabaab

Warbaahinta BBC-da ayaa maanta  soo saartay bayaan ay kaga jawaabeyso shaqo joojintii lagu sameeyay xarumihii FM-yada ay ku laheyd magaalooyinka Muqdisho, Marko iyo Kismayo ee ku yaal koofurta Soomaaliya.

Bayaankaasi  ayaa lagu sheegay in idaacadda BBC-da ay ku sheqeyneso shuruucda caalamiga ee dhanka saxaafadda kuwaasoo dhamaantood ku saleysan dhex dhexaadnimadda, iyadoo BBC-du diyaar u tahay in ay la hadasho cid kasto oo Soomaali ah oo ay ku jiraan Al Shabaab.

Waxa ay is ka fogeysay BBC-du islamarkaana ay waxba kama jiraan ku tilmaantay dhamaan eedeemihii ay u soo jeediyeen Al Shabab.

Madaxa BBC-da Qeybta Africa Ninka lagu magacaabo Jerry Teymenz  ayaa sheegay in ay laga maarmaan tahay in shacabka Soomaaliyeed ay gacan ka geystaan baahinta idaacada BBC-da ee gudaha dalka Soomaaliya.

Shalay ayey aheeyd Markii Warsaxaafadeed ay soo saareen Al Shabaab lagu sheegay in la mamnuucay FM-yada BBC-da ee ka howlgala goobaha ay Maamulaan SHABAB kadib markii ay uu soo jeediyeen eedeymo dhowr ah.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Ciidamada Ahlu Sunah oo dagaal kala bax isu diyaarinaya

Ciidamada Ahlu Sunah Waljamaacah ee Gobolada Dhexe ayaa isu diyaarinaya dagaal kala bax, iyadoo saacadihii u dambeeyay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka bilaabay aagaga dagaal ee Galgaduud.

Sida ay sheegayaan wararka Boqolaal ka tirsan Ciidamada Ahlu Sunah ayaa la sheegay in loo diyaariyay duulaan ballaaran oo ay ku ekeeyaan Galgaduud iyo Hiiraan, iyadoo duulaankan qeyb ka yahay qorshaha ay wado Dowladda KMG.

Iskaashiga ku aadan weeraradaas ayaa isa soo taraya, waxaana Saraakiil ka tirsan Dowladda KMG dhowaan bilaabeen kulamo milateri oo ay la qaadanayaan Saraakiisha Ahlu Sunah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in maalmaha dhow Culumaa’udiinka Ahlu Sunah weeraro ku qaadi doonaan Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud iyo deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Afhayeenka Culumaa’udiinka Ahlu Sunah Abuu Yuusuf ayaa ugu baaqay Xoogaga Ahlu Sunah in ay isu diyaariyaan dagaal ballaaran, oo kala bax ah, waxaana uu sheegay in maalmaha soo socda ay la wareegi doonaan deegaano badan.

Gobolka Galgaduud ayaa laga dareemay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xoogan, waxaana deegaanada ay maamulaan Ahlu Sunah laga soo daad gureeyay ciidamo tababar u soo dhamaaday, kuwaasoo haatan heegan dagaal ku jira.

Qorshaha dagaal ee ay Dowladda KMG gacanta ku heyso ayaa waxaa uu yahay in Gobolada ay gacanta ku hayaan Shabaab iyo Xisbul Islaam meel kasta looga dhifto, waxaana la ogeyn xilliga uu dhici doono duulaanka ay la foolaneyso Dowladda Soomaaliya

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shabaabka oo ku fashilmay in ay taageero ka helaan beelaha Mirifle

Maleeshiyada Al  shabaab  ayaa bilaabay inay taageero iyo gabaad ka raadiyaan beelo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed gaar ahaanna Digil iyo Mirifle.

Xubno Shabaabka ka tirsan oo uu hor kacayo nin lagu magacaabo Sheekh Ibraahim ayna ka mid ahaayeen xubno ajaaniib ah ayaa waxay u baqooleen Magaalada Baydhabo iyagoo kulan dhex dhexaadin ah la qaatay Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ay kala xaajoodeen xurgufta adag ee u dhaxeysa isaga iyo Axmed Godane oo isku maandhaafsan adeegsiga awooda shabaabka kuwooda Soomaalida ah.

Kulankaasi kaddib waxay Wafdiga oo uu ku biiray Mukhtaar Roobow bilaabeen inay kulamo la qaatay beelo ka mid ah beelaha Digil iyo Mirifle iyagoo si guudna odayaal ula shiray si gaar ahna ula shiray odayaasha beelaha Luwaay, Hubeer iyo Geeledle, kuwaas oo ay u bandhigeen inay soo dhoweeyaan waxa ay ugu yeereen mujaahidiinta gaar ahaanna kuwooda ajaaniibta ah.

Odey ka mid ah odayaasha beelaha Luway ee ku sugnaa Ufurow oo uu ka dhacay kulanka shabaabka iyo Luwayga ayaa yiri, waxaa nala jooga madaxda Shabaabka, waxay nagu yiraahdeen na soo dhoweeya oo gabaad na siiya, anaga dhul beereed uun baan qabnaaye ma heysano hawd iyo buuro aan ku qarino.

Wuxuuna odaygaas oo magiciisa qariyey intaas ku daray inaysan awood u laheyn inay shabaabka ku yiraahdaan idinma soo dhoweyn karno laakiin aysan raali ka aheyn inay deegaankooda soo degaan shabaabka.

Sidoo kale Horjoogayaasha shabaabka waxay odayaasha Beelaha Hubeer iyo Geeledle kula kulmeen deegaanka Raama Caddeey oo u dhow Idaale, halkaas oo ay kaga codsadeen inay soo dhoweeyaan Mujaahidiinta gaar ahaanna kuwooda ay ku tilmaameen muhaajiriinta, hase yeeshee odayaasha ayaa la sheegay inay muujiyeen inaysan damaanad qaadi karin dagaal yahanada shabaab, balse aysan awood u laheyn inay deegaankooda u diidaan maadaama ay yihiin dad beeraley iyo xoolaley ah oo ay shabaabka xoog ku heystaan deegaanadooda.

Markii ay shabaabka ku hungoobeen inay odayaasha beelahaasi ka soo helaan balan qaad ayey magaalada Baydhabo kulan qarsoodi ah kula qaateen odayaal ka tirsan beelaha Leysaan iyo Hadamo, kuwaas oo ay ka codsadeen inay gabbaad siiyaan, hase yeeshee waxay odayaashaasi shabaabka ku xireen shuruud adag oo ah in marka hore maamulka gobaladooda iyaga ku wareejiyaan oo u madax baneeyaan.

Odey ka mid ahaa odayaashii kulanka ka qeyb galay oo magiciis u qariyey sababo ammaan ayaa sheegay inay Shabaabka codsi u soo jeediyeen laakiin ay shuruudo ku xireen.

WUXUU yiri, waxaan ku dhahnay haddii aad dooneysaan inaan idin soo dhoweyno marka hore deegaankeena maamulkiisa nagu soo wareejiya, maamul gobaleed ayaan u dhisaneynaa, anagaa maamul u dooraneyna, markaas ayaad marti noo noqoneysaan, haddase idinkaa na heysta oo aan deegaankeenii marti idin kugu nahay.

Isku day ay shabaabka ku doonayeen inay kula kulmaan beesha Hariin ayaa fashilmay kaddib markii odayaasha Hariin ay ka cudur daarteen inay la kulmaan horjoogayaasha shabaabka.

Shabaabka ayaa waxay doonayeen inay beesha Hariin ka codsadaan in mucaskar laga siiyo deegaanka Saydheelow oo u dhow xabsigii caanka ahaa ee labaatan jiroow hase yeeshee odayaasha oo waxa laga codsan doono ka sii war helay ayaa waxay ka cudur daarteen kulankii ay shabaabka la qaadan lahaayeen.

Shakiga ay beelaha Soomaaliyeed ka qaadeen kooxdan shabaabka ayaa wuxuu salka ku hayaa iyadoo ay beel walba ka baqeyso inay shabaabka ka dilaan wax garadka sidii ay ku sameeyeen Deegaanada Raaskambooni, Dhoobley, Afmadoow, Ceelbuur iyo Dhuusamareeb oo markii lagu soo dhoweeyey ay bilaabeen inay dadkii soo dhoweeyey ka dileen odayaashii dhaqanka, Culumaa u diinkii iyo aqoon yahankii.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Al Shabaab oo mamnuucis ku soo rogtay Idaacada BBC-da

Maleeshiyada mayalka adage e Al Shabaab ayaa ka mamnuucay degaanada ay gacanta ku haayan dhageysiga Idaacadda BBC da sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay shabaab,qoraalkaas oo sidan u qornaa.

laga bilaabo maanta dhamaan FM-yada BBCda ee ka shaqeeya gudaha Wilaayaatka Islaamiga ah hawada ayaa laga saarayaa, wixii qalab ah oo ay leedahayna waa lala wareegayaa.

Xafiiska Warfaafinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa gaaray go’aankan kadib markii si qoto dheer leh loogu kuur galay arimahan:

  • Idaacada BBCda oo ah warbaahin laga leeyahay dalka Ingiriiska islamarkaana ah codka koowaad ee qaabilsan fulinta ajandaha gumeysiga Saliibiga ee ku aadan dunida Muslimka.
  • Dagaalka xoogan ee BBCdu kaga soo horjeedo Islaamka iyo Muslimiinta, iyo u ololeynteeda inaan maamul Islaami ah ka hanaqaadin dalka Soomaaliya.
  • Waxyeelada ay sababeen wararka iyo warbixinnada ay baahineyso ee xaqiiqada ka fog iyo buunbuuninta fikradaha saliibiyiinta reer galbeedka kuwaas oo qeyb ka ah jahwareerinta shacabka muslimka ah.
  • Ku dhiiranaanshaha faafinta erayo aflagaada ah oo ka dhan ah mujaahidiinta, iyo hurinta colaadaha saameeyay dadka Soomaaliyeed.
  • BBCda oo barobagaando u samaysa dowlada riddada iyo hay’adaha saliibiga ah.

 

Sidaa daraadeed waxaa xaqiiqa ah in la joogo xilligii ugu munaasabsanaa ee la soo afjarilahaa hawlaha BBCda si looga bogsado dhaawacyadii fikradeed ee ay u geysatey Shacabka Muslimka ah ee Soomaaliyeed, islamarkaana loo heli lahaa aragtiyo ka madax bannaan kuwa saliibiga ah kuna dhisan mabaadi’da Islaamka.

Ugu dambeyntii waxaa shabakadaha warbaahinta ee qandaraaska kula jira hay’adaha BBC iyo VOA lagu wargelinayaa in wixii maanta laga bilaabo ay soo afjaraan qandaraaska ay ku tebiyaan wararkooda.

Xafiiska Warfaafinta

Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab

 

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shabaabka oo dhaawacay Macalin Xaashi

Qarax xooggan ayaa lala begsaday gaari uu watay horjoogaha Xisbul-Islaam u qabilsan gobolka Banaadir Macalin Xaashi oo marayay qeybo ka tirsan degmada Yaqshiid.

Wararka laga helayo Agagarka saldhigga Yaaqshiid ayaa sheegaya in gaariga Macalin xaashi oo marayay agagaarka Saldhigga lala eegtay Miino qaraxeeda laga maqlay meelo badan oo woqooyiga Muqdisho ka mid ah, waxaana halkaas ku burburay dhamaan gaarigii uu lahaa Horjoogahu.

Wararka ayaa sheegaya in Macalin Xaashi uu ku dhaawacmay qaraxaas laakiin lama oga halka uu la eg yahay dhaawaciisa.

Rasaas xooggan ayaa ka dhacday agagaarka Saldhiga Yaaqshiid halkaas oo ah goobta miinada kula kacday Macalin Xaashi.

Macalin xashi wuxuu hadda ka tirsan yahay Xisbul-Islaam, waana ninkii maalmo ka hor saxaafadda ku amray in aan suugaan la deyn Karin iyo in aan Ajnabi la dhihi Karin shisheeyaha ka dagaalamaya Soomaaliya

Posted in DhacdooyinComments (0)

Maareeyihii hore Dekeda Muqdisho Cabdi Jiinow oo si quman xilka u wareejiyay +Sawiro

Maareeyihii hore ee Dekeda Muqdisho Cabdi Jiinow Calasow ayaa maanta xilka ku wareejiyay Maareeyaha cusub ee dhowaan lagu badalay, kadib munaasabad xil wareejin aheyd oo ka dhacday gudaha Dekeda Caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho.

Xaflada Xil wareejinta oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Dekedaha C/casiis Maxamed, Wasiirka Lacagta Eng. Yariisow, Taliyaha Booliska iyo Nabadsugida ayaa waxaa halkaas xilka ku kala wareegay Maareeyaha cusub iyo Maareeyihii hore.


Cabdi Jiinow Calasow oo ka hadlay Munaasabada xil wareejinta ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo xilka ka qaadista lagu sameeyay, waxaan uu tilmaamay inuu la shaqeyn doono Maareeyaha cusub.

Mr Jiinow ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah Idaacadaha iyo warbaahinta qeybaheeda kale duwan in ay ka been abuurteen, kadib markii ay baahiyeen in Ciidamada AMISOM si qasab ah uga kaxeysteen Dekeda.

Xasan Macalin Cali oo ah maareeyaha cusub Dekada magaalada Muqdisho ayaa hadal uu ka jeediyay munaasabadda ayaa wuxuu sheegay in uu si daacad ah u gudan doono waajibkiisa shaqo,

Dowladda KMG ayaa dhowaan waxaa ay qaaday talaabo u muuqatay mid ay kula soconeyso dhaq dhaqaaqa Dekada, iyadoo halkaasi looga dhawaaqay gudi xukuumadda ugu xil saaran Dekada howlaheeda.


Maalin ka hor ayay aheyd markii wareegto ka soo baxday Xafiiska R/wasaaraha xilka looga qaaday Cabdi Jiinow Calasow, oo tan iyo sanadkii 2007-dii xilkaas haayay, kadib markii ay magacowday Xukuumadii Cali Maxamed Geeddi uu madaxda ka ahaa

Posted in DhacdooyinComments (0)

Maleeshiyada Shabaab oo la wareegay xaruntii WFP ee Magaalada Waajid

Kooxda Islaamiga ah ee al-Shabaab ayaa xoog kula wareegay xero ay Qaramada Midoobay ku leedahay koonfurta Soomaaliya.

Wararka ka soo baxaya magaalada Waajid ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in maleeshiyada Shabaab ay hubkii ka dhigeen ilaaladii xaruunta WFP ee Waajid.

Shabaab ayaa sidoo kale la wareegay raashin yaallay xaruuntaasi iyo qalabkii ay ku shaqeynayeen shaqaalaha hey’ada WFP sida kombiyuutaro.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale ay la wareegeen garoonka dayaaradaha ee magaalada.

Al-Shabaab ayaa ku amray bishii Febraury WFP inay joojiso hawlaha ay ka waday dalka, isagana baxdo halkaasi , kadib markii ay ku soo rogtay ammar ahaa inay raashinka ka gataan beeraleyda Soomaaliya

Posted in DhacdooyinComments (0)

Al-Shabaab: Owlaada Usama Bin Laden

Curashadii Dowladdii Kacaankii Maxamed Siyaad Barre ka hor waxaa dalka ka jiray Ururo Islaamiyiin ah oo ku xernaa Culumo Carbeed, dhaqaalena ka heli jireen, hase ahaatee Kacaankii Oktoobar markii uu dalka ka curtay waxaa gebi ahaanba la mamnuucay oo albaabada la isugu dhuftay asxaabtii Islaamiyiinta ee dalka ka jirtay, kuwaasi oo fursad u heli waayay in ay faafiyaan hadafkooda.

Kacdoonkii Culumada ee ka dhashay soo saaristii xeerka Qoyska (Sinnaanta Ragga iyo Dumarka) ee dhaqan galay 11 Janaayo 1975-kii ayaa sababay in Culumada ay si cad ugu horyimaadeen Dowladdii Kacaanka, waxaana xiligaasi ilaa maanta abuurmay Islaamiyiin seef la bood ah oo doonaya in dalka Soomaaliya laga hirgeliyo Dowlad Islaami ah, hase ahaatee ma dhicin, welina waxaa socda ka mira dhalinta hadafkaasi.

Markii ay burburtay Dowladdii Kacaanka waxaa soo shaac baxay Xisbiyo Diineed taageero ka helayey dalalka Carabta, ujeedadooduna aheyd in xididada u siibaan hidde dhaqanka Soomaalida lagu yaqaan, waxayna qandaraas ku soo qaateen in Soomaalida jaan rogaan oo baraan dhaqamada Carabta.

Kooxahaasi waxay la wareegeen oo gacanta ku dhigeen waxbarashada dalka iyo goob walba oo bulshada ka maarmin sida ganacsiga, iyagoo meesha ka saaray in ubadka Soomaaliyeed baraan Taariikhdii Sooomaaliya, kuna badalay taariikhda halyeeyo Carbeed oo dalka u soo halgamin, waxayna badaleen magacyadii Iskuulada loogu magac daray halgamayaasheena, kuna badaleen magacyo Carbeed oo la soo minguuriyay sida Usama Secondary School, Eyman Al-Dawahiri, Umal Qura iyo kuwo kale.

Ururo hor leh ayaa soo shaac baxay kuwaasi oo intooda badan awood ku lahaa gobolada Jubooyinka iyo Puntland, waxaana ugu xooganaa Ururkii Al-Itixaad oo awood ciidan lahaa, dagaalo dhowr ah oo Puntland ay kula galeen Dowladdii Cabdullaahi Yuusuf kadib noqday kuwo kala jabay oo u soo hayaamay dhinaca Koonfureed ee Soomaaliya, markii danbna burburay, xubnihii ugu cadcadaana ay ku biireen Ururadii Diineed ee dalka ka jiray.

Guul-darooyinkii Siyaasadeed ee Qabqablayaasha dagaalka Soomaaliya waxay fursad u noqotay Kooxo Diineedyo cusub oo dalka ka hana qaaday, kuwaasi oo shacabka u arkeen in ay sal ka dhigan doonaan Kitaabka Alle iyo Sunnada Nabigeenna NNKH, fursadaasi ay shacabka siiyeen Islaamiyiintii kama aysan faa´iideysan, waxayna noqotay rajadii laga qabay Midowgii Maxaakiimta ee abuurmay 2006-kii mid horseeday colaad iyo dhibaato hor leh.

Burburkii Maxaakiimta kadib waxaa curtay oo dhegaha shacabka ay maqleen Ururo Islaamiyiin u muuqaal eg (Al-Shabaab) oo awoodii dalka inta badan la wareegay laakiin aan mideysneyn, ujeedadooduna waxay u muuqataa in ay doonayaan Xukun Islaami ah oo laga hirgeliyo dalka, waxayna martiqaadeen Islaamiyiin dalalkoodii ka soo cararay si ay ugu badbaadaan ugaarsiga lagu haayo, kuwaasi oo xiriir iyo wada shaqeyn ay kala dhaxeyso Ururka Al-Qaacida ee uu hoggaamiyo Osama Bin Laden.

AL-Shabaab oo ah urur ka feermay Maxkamaddihii Islaamiga, dagaalo xooggana la galay ciidamadii Itoobiya ilaa hadana wada, dad badan kuma qanacsana hab-dhaqanka kooxdaasi, mana lahan culumo diineed dadka dhageysta marka laga reebo dhalinyaro la maran habaabiyay oo maskaxda laga galay kuwaasi oo wixii la fara si fudud u fuliya.

Dad badan waxay aaminsan yihiin in Ururkan uu u adeega ajaaniib dooneysa in ay helaan meel ay gabaad ka dhigtaan, danahoodana ku fushadaan, dhaqaalaha ugu badana waxay ka helaan Shabakadda Al-Qaacida oo unug ka mid ah ay yihiin sida ay qireen saraakiishooda oo dhowr jeer ku cel celiyay in ay xiriir la leeyihiin Osama Bin Laden, cid kasta oo sheegata Diinta Islaamkana ay ku marti qaadayaan dalka si ay ugu qeyb galaan dagaal mindhicireedka ay ugu magac dareen Jihaad.

Waxba yeysan ila dheeraan qormadan waxaan ku soo gunaanadayaa shaki kuma jiro in Al-Shabaab yihiin Owlaada Osama Bin Laden, waxaanse sugeynaa mustaqbalka dhow guusha ay doonayaan in ay hirgasho ama in xididada loo siibo oo dalka laga suuliyo, walow arintaasi u baahan tahay waqti iyo taageero rasmi ah oo laga helo dalalka caddowga u arka Al-Qaacida sida Mareykanka iyo xulufadiisa.

Cali Muxiyaddiin Cali
Muxiyaddiin@hotmail.com

Posted in DhacdooyinComments (0)

Qayli dhaan ka soo yeertay dad ku xiran Xabsiga maleeshiyada Shabaab ee Suuqa Bakaaraha

Xabsi qarsoodi ah oo maleeshiyada shabaab ka furteen gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay ka buuxaan dad rayid ah oo aan waxba galabsan isla markaana lagu haayo dhibaatooyin isugu jira jirdil, koronto oo lagu qabto dadkaas iyo qaarkood oo sida la sheegay lagu xukumay dil. 

Warka ayaa intaa ku daraya in Maleeshiyada Shabaab ay saaka ku soo yaaceen gudaha Suuqa Bakaaraha waxeyna qabqabteen dad halkaasi ka adeeganayay,iyadoo  tiradii ugu badneyd ay ka qabqabteen qeybta Daawada ee Suuqaasi, lamana oga sababta ay dadkaasi u kaxeeysteen,iyo sida ay ula dhaqmi doonaan.

Dad goobjoogayaal ahaa ayaa xaqiijiyay qabqabashada dadkaasi in kastoo aan si dhab ah loo ogeyn tirada dadka ay shabaabku kaxeeysteen.

Wararka ayaa sheegaya in dadkaas ku xiran xabsiga Shabaab ee Suuqa Bakaaraha xataa ay ku jiraan Dumar iyo caruur, waxaana la soo sheegaya in qaarkood marka la jirdilayo qaylidooda laga maqlayo banaanka xabsiga.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Saraakiil Al qaacida ah oo la xaqiijiyay in ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho

Wasiirka Lacagta Dowladda Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan (Injineer Yariisow) oo la hadlay wakaaladda Wararka ee Reuters maalintii arbacada ah ayaa sheegay in dalka Soomaaliya ay ku sugan yihiin 12-xubnood oo ka tirsan Ururka Al-Qaacida.

Yariisow wuxuu sheegay in hadalkan ay ka heleen sirdoonkooda ayna xubnahaas u kuurgalayaan in Al-Qaacida ay u soo guuri karto Soomaaliya kaddib dagaalo qaraar oo ka dhacay dalalka Afgaanistaan iyo Ciraaq.

“Waxaan wararka ku haynaa in 12-sarkaal oo ka tirsan Al-Qaacida ay Soomaaliya soo galeen labadii todobaad ee ugu dambeeyay, kuwaasoo kasoo tagay dalka Yemen” ayuu yiri Wasiirka Lacagta Soomaaliya.

Ururka Al-Qaacida ayuu sheegay Eng. Yariisow inuu dhinaca dhaqaalaha iyo tababarka ciidamada ay ka taageeraan al shabaab, kuwaasoo dagaal kula jira Dowladda Soomaaliya.

Wasiirku ma sheegin jagooyinka ay saraakiishan ka hayaan Ururka Al-Qaacida sidoo kalena wuxuu ka gaabsaday inuu sheego dalalka ay kasoo jeedaan, iyadoo hadalka wasiirka uu kusoo beegmayo kaddib markii dalka Yemen uu dhawaan sheegay in Al-Qaacida bariga dhexe ay u guurtay Soomaaliya.

Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in saraakiishan ay ka dageen garoomo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya, laba ka mid ahna ay haatan ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Somaliland ayaa joojisay shir uga socday magaalada Hargeysa hey’adda UNDP

Somaliland ayaa joojisay shir uga socday magaalada Hargeysa hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca horumarinta ee UNDP.

Joojinta shirka UNDP ayaa waxaa sal u ah kadib markii la isku khilaafay qorshaha barnaamijka UNDP uu ka wado Somaliland.

Wasiirka Qorsheynta ee Somaliland Axmed Xaashi ayaa sheegay inay go’aansadeen inay joojiyaan shir maanta uga furmi lahaa UNDP magaalada Hargeysa, kadib sida uu sheegay markii ay ku socon waayeen qorshihii ay ku heshiiyeen oo ahaa in aan la isku darin hawlaha Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiirku waxa uu sheegay in aanay aqbali doonin inay ka hawlgalaan Somaliland ilaa ay wax ka beddelayaan qorshahooda, oo sida uu sheegay ay u hogaansamaan waxa Somaliland ay dooneyso.

Hey’adda UNDP ayaa waxa ay gacan siisaa mashruucyo dhawr ah, sida maxkamadaha, booliiska iyo dib u dhiska

Posted in DhacdooyinComments (0)

Barcelona ayaa ku barbaratay Arsenal

Kooxda kubadda Cagta Barcelona ayaa u awood sheegatay kooxda Arsenal kadib markii ay isaga hor yimaaden 8 dhamaadka UEFA Champions League.

Lionel Messi Ciyaaryahanka reer arjantiin ayaa afar gool ka dhaliyay kooxda Arsenal cayaartii ka dhacday garoonka Barcelona ee Nou Camp.

In kastoo Arsenal goolka ku hor martay haddana sidii daad oo kale ayaa goolka Arsenal loo taabsiyay afar Gool oo dhamaantood wada dhaliyay Lionel Messi.

Haatan waxaa afar dhamaadka UEFA Champions League u soo gudbay kooxaha Inter Milan iyo Barcelona oo is arki doona maadama markii horena hal Groub ku wada jireen Labadan koox, midi badisa ayaa u soo bixi doonta fiinalka UEFA Champions League.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Inter Milan oo u soo gudubtay afar dhamaadka UEFA Champions League

Kooxda kubadda Cagta ee Inter Milan ayaa u soo gudubtay afar dhamaad UEFA Champions League kadib markii ay ka adkaatay labadii kulan oo ay is arkeen kooxda Ruushka ee CSKA Moscow.

CSKA Moscow 0-1 Inter Milan ayaa ku dhamaatay Cayaartii caawa ka dhacday Garoonka CSKA Moscow, iyadoo Inter Goolka ay ku badisay uu u dhaliyay daqiiqadii 6-aad Ciyaaryahanka W. Sneijder.

Lugtii hore ayaa sidan oo kale Inter ku soo badisay 1-0 iyadoo isku dar labada kulan Inter ku badisay 2-0.

Guushan Inter Milan gaartay ayaa waxay ka dhigaysaa in kooxda reer Talyaaniga ay sugayso labada koox Arsenal iyo Bercelona midi soo badisa, markaas oo ay ku kulmi doonaan afar dhamaadka UEFA Champions League.

Inter waxay rajeynaysaa in ay soo gaarto fiinalka UEFA Champions League oo ka dhici doono Magaalada Madrid ee dalka Spain.

Waa markii ugu horeysay oo kooxda Inter Milan ay soo gaarto afar dhamaadka UEFA Champions League tan sanadkii 2002 ilaa iyo 2003 dii

CAYAARTOYDA LABADA DHINACA U SAFATAY

CSKA Moscow 0-1 Inter (HT: 0-1 ; AGG: 0-2)

Scorer: Sneijder 6.

CSKA Moscow: 35 Akinfeev; 6 A.Berezutski, 24 V.Berezutski (15 Odiah 14), 4 Ignashevich, 42 Schennikov; 2 Semberas, 11 Mamaev; 10 Dzagoev, 18 Honda (25 Rahimic 77), 13 Gonzalez; 89 Necid (20 Guilherme 71).
Subs not used
: 1 Chepchugov, 14 Nababkin, 23 Piliev, 26 Oliseh.

Coach
: Leonid Slutsky.

Inter: 12 Julio Cesar; 13 Maicon, 6 Lucio, 25 Samuel, 4 Zanetti; 5 Stankovic, 19 Cambiasso; 27 Pandev (26 Chivu 63), 10 Sneijder (11 Muntari 86); 9 Eto’o; 22 Milito (45 Balotelli 74).

Subs not used
: 21 Orlandoni, 2 Cordoba, 7 Quaresma, 23 Materazzi.

Coach
: José Mourinho.

Referee: Stéphane Lannoy (France).

Booked: Stankovic 16, Odiah 38, 49, Mamaev 63.
Sent off: Odiah 49.

Posted in DhacdooyinComments (0)

City midfielder Abdisalam Ibrahim is re-writing the history books for East African footballers across the globe

The 18-year-old made his full debut at Scunthorpe in the FA Cup in January then came off the bench against Liverpool in February to become the first Somali-born footballer to play at the highest level in England.

Though he represents his adopted country Norway at international level, it is still a great source of pride for Ibrahim that he has put not only Somalia, but East Africa on the world football map.

“I’ve heard that I’m not only the first Somali-born footballer to play in the Premier League, but also the first East African, too,” said Abdi.

“I feel very proud to have achieved this at such a young age – it is the result of a lot of hard work and it just makes me want to do even better.

newsinsidBut Abdi accepts that representing his birth country is highly unlikely – he is already an established youth international for Norway, where he lived almost 10 years before joining City.

He added: “I’ve played at most levels for Norway from Under-15s up to the Under-19s, and if I am ever called up by the senior national side, I would be happy to take the opportunity.

“I would love to give something back to a country that welcomed my family and gave us the chance to build a new life.”

Abdi is hoping for more chances to impress in the remainder of the season, but claims whatever happens in the closing weeks, it’s been an amazing first year with the senior squad.

He said: “I’ve had a terrific season – I only arrived six months ago and I’ve progressed to the first team. Everything has happened so quickly, but I’m loving every minute.”

Source: Manchester City

Posted in DhacdooyinComments (0)

advert

Waaxyaha

fiirin bog

Pictures

PHVsPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZHNfcm90YXRlPC9zdHJvbmc+IC0gdHJ1ZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX2ltYWdlXzE8L3N0cm9uZz4gLSAgaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3VwbG9hZHMvMjAwOS8xMC9zb21hbGktcGlyYXRlczIuanBnPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfaW1hZ2VfMjwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMTAvZmFyb2xlMi5qcGc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF9pbWFnZV8zPC9zdHJvbmc+IC0gIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMTAvc2hhYmFiZGFsa2EyNDEuanBnPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfaW1hZ2VfNDwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMTAvYW1pcl9hcnRzMTIuanBnPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfbXB1X2Fkc2Vuc2U8L3N0cm9uZz4gLSA8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF9tcHVfZGlzYWJsZTwvc3Ryb25nPiAtIGZhbHNlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfbXB1X2ltYWdlPC9zdHJvbmc+IC0gIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMTAvMDUveGFuYWZpMTMtMTUweDE1MC5qcGc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF9tcHVfdXJsPC9zdHJvbmc+IC0gIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vaW5kZXgucGhwLzIwMTAvMDUvYWxsYWhhLXUtbmF4YXJpaXN0by1zaC1udXItbWF4ZWQtYWJrZXktb28tcmFkaW8tbXVxZGlzaG8ta2EtdGlyc2FuYWEtYXlhYS1jYWF3YS1rb294ZGEtc2hhYmFhYi1rdS1kaWxlZW4tc3V1cWEtYmFrYWFyYWhhLzwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3RvcF9hZHNlbnNlPC9zdHJvbmc+IC0gPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfdG9wX2Rpc2FibGU8L3N0cm9uZz4gLSBmYWxzZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3RvcF9pbWFnZTwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMDkvYWQuZ2lmPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfdG9wX3VybDwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cud29vdGhlbWVzLmNvbTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3VybF8xPC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy53b290aGVtZXMuY29tPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfdXJsXzI8L3N0cm9uZz4gLSAgaHR0cDovL3d3dy5hbGxwdW50bGFuZC5jb20vYXJ0aWNsZS9hbm12aWV3ZXIuYXNwP2E9NjI0MSZ6PTI8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF91cmxfMzwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vaW5kZXgucGhwLzIwMDkvMTAvc2hhYmFhYi1vby1hYWQtdWdhLXFhcnNhbmF5YS1zaXJ0b29kYS14aXNidWwtaXNsYWFtLzwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3VybF80PC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy5hbWluYXJ0cy5jb208L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hbHRfc3R5bGVzaGVldDwvc3Ryb25nPiAtIGdyZWVuLmNzczwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2F1dGhvcjwvc3Ryb25nPiAtIGZhbHNlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYXV0b19pbWc8L3N0cm9uZz4gLSB0cnVlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fY3VzdG9tX2Nzczwvc3Ryb25nPiAtIDwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2N1c3RvbV9mYXZpY29uPC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3dvb191cGxvYWRzLzMtZmF2aWNvbi5pY288L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19mZWF0dXJlZF9jYXRlZ29yeTwvc3Ryb25nPiAtIFdhcmFya2Ega29vd2FhZDwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2ZlYXRfZW50cmllczwvc3Ryb25nPiAtIDE5PC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fZmVlZGJ1cm5lcl9pZDwvc3Ryb25nPiAtIDwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2ZlZWRidXJuZXJfdXJsPC9zdHJvbmc+IC0gPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fZ29vZ2xlX2FuYWx5dGljczwvc3Ryb25nPiAtIDxzY3JpcHQgdHlwZT1cInRleHQvamF2YXNjcmlwdFwiPg0KdmFyIGdhSnNIb3N0ID0gKChcImh0dHBzOlwiID09IGRvY3VtZW50LmxvY2F0aW9uLnByb3RvY29sKSA/IFwiaHR0cHM6Ly9zc2wuXCIgOiBcImh0dHA6Ly93d3cuXCIpOw0KZG9jdW1lbnQud3JpdGUodW5lc2NhcGUoXCIlM0NzY3JpcHQgc3JjPVwnXCIgKyBnYUpzSG9zdCArIFwiZ29vZ2xlLWFuYWx5dGljcy5jb20vZ2EuanNcJyB0eXBlPVwndGV4dC9qYXZhc2NyaXB0XCclM0UlM0Mvc2NyaXB0JTNFXCIpKTsNCjwvc2NyaXB0Pg0KPHNjcmlwdCB0eXBlPVwidGV4dC9qYXZhc2NyaXB0XCI+DQp0cnkgew0KdmFyIHBhZ2VUcmFja2VyID0gX2dhdC5fZ2V0VHJhY2tlcihcIlVBLTc1Nzc0Ny0xOFwiKTsNCnBhZ2VUcmFja2VyLl90cmFja1BhZ2V2aWV3KCk7DQp9IGNhdGNoKGVycikge308L3NjcmlwdD48L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19ob21lPC9zdHJvbmc+IC0gdHJ1ZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2hvbWVfdGh1bWJfaGVpZ2h0PC9zdHJvbmc+IC0gNTc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19ob21lX3RodW1iX3dpZHRoPC9zdHJvbmc+IC0gMTAwPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29faW1hZ2Vfc2luZ2xlPC9zdHJvbmc+IC0gZmFsc2U8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19sb2dvPC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3dvb191cGxvYWRzLzQtZGFsa2FfbG9nby5wbmc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19tYW51YWw8L3N0cm9uZz4gLSBodHRwOi8vd3d3Lndvb3RoZW1lcy5jb20vc3VwcG9ydC90aGVtZS1kb2N1bWVudGF0aW9uL2dhemV0dGUtZWRpdGlvbi88L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19yZXNpemU8L3N0cm9uZz4gLSB0cnVlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fc2hvcnRuYW1lPC9zdHJvbmc+IC0gd29vPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fc2hvd19jYXJvdXNlbDwvc3Ryb25nPiAtIHRydWU8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19zaG93X3ZpZGVvPC9zdHJvbmc+IC0gdHJ1ZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX3NpbmdsZV9oZWlnaHQ8L3N0cm9uZz4gLSAxODA8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19zaW5nbGVfd2lkdGg8L3N0cm9uZz4gLSAyNTA8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb190YWJzPC9zdHJvbmc+IC0gZmFsc2U8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb190aGVtZW5hbWU8L3N0cm9uZz4gLSBHYXpldHRlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fdXBsb2Fkczwvc3Ryb25nPiAtIGE6Mjp7aTowO3M6NjI6Imh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC93b29fdXBsb2Fkcy80LWRhbGthX2xvZ28ucG5nIjtpOjE7czo1OToiaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3dvb191cGxvYWRzLzMtZmF2aWNvbi5pY28iO308L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb192aWRlb19jYXRlZ29yeTwvc3Ryb25nPiAtIFZpZGVvPC9saT48L3VsPg==