Maareeyihii hore ee Dekeda Muqdisho Cabdi Jiinow Calasow ayaa maanta xilka ku wareejiyay Maareeyaha cusub ee dhowaan lagu badalay, kadib munaasabad xil wareejin aheyd oo ka dhacday gudaha Dekeda Caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho.

Xaflada Xil wareejinta oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Dekedaha C/casiis Maxamed, Wasiirka Lacagta Eng. Yariisow, Taliyaha Booliska iyo Nabadsugida ayaa waxaa halkaas xilka ku kala wareegay Maareeyaha cusub iyo Maareeyihii hore.



Cabdi Jiinow Calasow oo ka hadlay Munaasabada xil wareejinta ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo xilka ka qaadista lagu sameeyay, waxaan uu tilmaamay inuu la shaqeyn doono Maareeyaha cusub.
Mr Jiinow ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah Idaacadaha iyo warbaahinta qeybaheeda kale duwan in ay ka been abuurteen, kadib markii ay baahiyeen in Ciidamada AMISOM si qasab ah uga kaxeysteen Dekeda.
Xasan Macalin Cali oo ah maareeyaha cusub Dekada magaalada Muqdisho ayaa hadal uu ka jeediyay munaasabadda ayaa wuxuu sheegay in uu si daacad ah u gudan doono waajibkiisa shaqo,
Dowladda KMG ayaa dhowaan waxaa ay qaaday talaabo u muuqatay mid ay kula soconeyso dhaq dhaqaaqa Dekada, iyadoo halkaasi looga dhawaaqay gudi xukuumadda ugu xil saaran Dekada howlaheeda.



Maalin ka hor ayay aheyd markii wareegto ka soo baxday Xafiiska R/wasaaraha xilka looga qaaday Cabdi Jiinow Calasow, oo tan iyo sanadkii 2007-dii xilkaas haayay, kadib markii ay magacowday Xukuumadii Cali Maxamed Geeddi uu madaxda ka ahaa






