Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay wada hadalo uga furmaan magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Sida ay sheegayan wararka hordhac ahaan looga helayo kulankan waxyaabaha la filayo in kooxda ay ka wada hadlaan waxaa ka mid ah xaaladaha qalafsan ee ka taagan gudaha dalka Soomaaliya iyo sida ay u taageeri karaan dawladda KMG ah ee Soomaaliya.
Kooxdaas oo uu shir gudoominayo Wakiilka Qaramada Midowbay ee arrimaha Soomaaliya Axmad Walad Cabdalla, ayaa dood adag ka yeelan doona xaalada dalka Soomaaliya, taageerada Dowladda KMG ah, waxyaabihii ka qabsoomay fadhigii kan ka horeeyay ee ka dhacay dalka Sacuudiga, kulan looga hadlayo dib u dhiska dalka soomaaliya oo bisha soo socota ka dhici doona dalka Turkiga iyo heshiis dhex maray Dowladda iyo kooxda Ahlu sunna.
Dawladda KMG ah ee soomaaliya ayaa waxaa uga qeybgalaya shirka Wasiirkeeda arrimaha dibada Cali Axmed Jaamac, isagoo halkaas ka jeedin doona hadal ku aadan taageerida Dowladda.






