Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ansixiyay Qaraar qabyo ah oo ay soo jeedisay Dowladda Rushka kaasoo lagula dagaalamayo Kooxaha Burcadbadeedda ee ka qowleysata Biyaha Soomaaliya.
Docoment Qoraal ah oo looga codasanayo Xoghayaha Guud ee Qareamada Midoobay Bankin Moon inuu ku soo diyaariyo Qaab sharci ah oo caalami ah, islamarkaasna ku aaddan warbixintaan Qabyada ah si loola dagaalamo Kooxda Burcadbadeeda muddo Saddex bilood ah.
Sidoo kale Qaraarkaasi qabyada ah ee ay soo jeedisay Dowladda Ruushka Golaha ayaa si loo dhan yahay isugu raacay in la ansixiyo, waxaana la codsaday in lagu dhawaaqo Tallaabo ka dhan ah kooxaha burcadbadeedda Soomaalida oo qaraarku ku sifeeyay Dambiileyaal.
Wadamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobe ayaa horay u bilaabay inay la dagaalamaan Kooxaha Burcadbadeedda Soomaalida, kuwaas oo Maraakiib dagaal keenay Biyaha Soomaaliya, waxaana dalalkaasi ka mid ah Mareykanka, Ruushka, Shiinaha Ururka gaashaan buurta NATO iyo Midowga Yurub, kuwaas oo Maraakiibtooda dagaalka Xarun uga dhigay Gacan biyoodka cadmeed, halkaas oo si wayn saameyn ugu yeesheen Kooxaha burcadbadeedda Soomaalida iyo Geeska Afrika.






