C/qaadir Abuukar Cumar Caddan ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay warar ay faafiyeen qaar ka mid ah bogaga internedyada kuwaas oo shaaciyay in Ganacsade C/qaadir laga soo xigtay in ay bixin jireen lacago laalush ah marka ay cuntada gargaarka ah ay gaarsiin jireen dadka soomaaliyed eek u dhibaataysan muqdisho iyo degaanada ku dhaw dhaw.
Ganacsade C/qaadir Abukar Cumar Caddan oo aan kula kulmay Magaalada Nairobi ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid ka fog xaqiiqda isla markaana laga been abuuray,wuxuuna sheegay in aysan jirin meel uu kula hadlay warbaahinta kuna caddeeyay in shirkadiisu ay lacago siin jirtay Shabaab iyo Xisbul Islaam iyadoo markaasi la gudbinayo raashinka gargaarka ee ay maamusho WFP.
“Haddii aan nahay Ganacsatada daadgureysa raashinka WFP, marna ma dhicin inaan lacag siino ururada Shabaab iyo Xisbul Islaam, waana been la soo abaabulay warkas ay faafiyeen qaar ka mid ah web site-yada soomaalida”ayuu yiri Ganacsade C/qaadir Abukar Cumar Caddan.
“Waxaan la yaabay warkaas, runtii waa mid been abuur ah oo ay faafiyeen dad dhinaca xun wax ka eega,runtii waxaa wanaagsan in laga digtoonaado wararka noocaas oo kale ah”ayuu yiri C/qaadir Abukar Cumar Caddan.
Waa sii hadlay waxaa uu yiri, aniga ma arkin wariye ka socda bogagaas wararka iga qoray, waan la yaabay markii aan arkay warka been abuurka ah ee la iga qoray.
Waxaa uu sheegay Ganacsade C/qaadir Abukar Cumar Cadan in gaarsiinta cuntada gargaarka dadka u baahan ay kala kulmaan dhibaatooyin kala duwan hase yeeshe wax walba ay ku qaatan dhibaatada haysata shacabka soomaaliyed.
“Sidan horey u sheegnay ma jirto wax lacag ah oo aan siino kooxaha shabaab iyo Xisbul Islaam ama kooxo kale”ayuu yiri C/qaadir Abukar Cumar Caddan.
Ganacsadahan ayaa sheegay in Saxaafada looga baahan yahay in ay qoraan warar xaqiiqda ku saleysan balse ay ka fogaadan wararka been abuurka ah ee wax u dhimaya sumcada Saxaafadda madax bannaan.
Mr Cadaan ayaa horey u beeniyay warbixin ay soo bandhigeen guddiga dabagalka xayiraada hubka saaran soomaaliya kuwaas oo soo diyaariyay warbixin jawaabo kulul ka bixiyeen ganacsatada soomaaliyed ,Dowladda KMG ah, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada soomaaliyed.






