Ehelada gudoomiyaha Hay’adda Isha baydhabo Human Rights oo ay dhawaan afduubteen maleeshiyada Shabab ayaa walaac ka muujiyay xaaladda uu ku sugan yahay gudomiyahaas oo lagu magacaabo caalin Hilowle xasan.
Mid ka mid ah ehelada Gudoomiyaha ayaa sheegtey in markii maleeshiyada kooxda Alshabaab ay afduubka u geysanayeen Caalin ay wateen labo baabuur oo kuwa dagaalka ah, islamarkaana uu ku sugnaa isagu gurigiisa, waxayna sheegtey in ay gacmaha iyo indhaha ka xereen ka dibna sidaasi ay ku kaxeyteen.
Qofka ah ehelka Gudoomiyaha ayaa hadashay waxayna sheegtay in xiligii ugu war danbeysey loo sheegay in maleeshiyada Kooxda Alshabaab ay ula dhaqaaqeen dhanka iyo Magaalada Muqdisho.
Dad badan ayaa ka shakisan xaalada nolol ee uu hadda ku sugan yahay Sarkaalkaas, waayo kooxda shabaab ayaa dhaqan u leh in ay iska dilaan ama gowracaan cid walba oo waxtar u leh bulshada soomaaliyed.






