Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa soo dhaweysay xayiraadii ay dowladda Maraykanku saartay Horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyaadka Shabaab iyo Xisbul Islaam.
Wasirka lacagta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in Dowladda Sooaaliya ay soo dhaweynayso Talabo kasta oo yareyn karta ama hoos dhigi karta qatarta ay kooxaha Argagixisada ah ku hayaan dalka Soomaaliya iyo wadamada ku xeeran.
Wuxuu sheegay wasiirku in Dowladda Maraykanku ay go’aan wanaagsan sameysay ayna muhiim tahay in lala xisaabtamo kooxaha dhiigga shacabka Soomaaliyeed Baneystay ee dagaalada ka wada Soomaaliya.
Eng. Yariisoow ayaa tilmaamay in tallaabadani ay tusaale u noqon korto kooxaha ku dhiiran burburinta Shacabka iyo dalka Soomaaliyeed, ee xiriirka la leh argagixisada caalamiga ah.
Wareegtada Madaxweynaha Obama ayaa lagu sheegay in nabadgalyo xumada ka jirta soomaaliya iyo burcad badeeda waxay khatar gelinaysa siyaasadda Wasaaradda arrimaha dibadda.






