Safiirka dalka Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya Mudane Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa xalay munaasabad casho sharaf ah oo sagootin ah u sameeyay xulka qaranka kubada cagta da`doodu ka yartahay 17-ka sano jirka.

Munaasabada casho sharafta oo ka dhacday hotel Barakaat ee magaalada Nairobi ayaa waxaa kaasoo qeyb galay masuuliyiin ka socotay safaarada Soomaaliya ee Kenya, xubno ka tirsan dowlada Soomaaliya golayaasheeda iyo taageerayaasha kubada cagta ee ku sugan dalka Kenya.

Ugu horeyn waxaa munaasabada hadal ka jeediyay caamir cabdi Xasan ah hogaamiyaha wafdiga Soomaaliya waxaana uu sheegay in safiirka iyo dhamaan xubnaha safaaradu ay wax ka dhaliyeen guusha qaran oo xulku gaaray.
“Safiirku waligiis kama maqnaan cayaar Soomaaliya ka qeyb galeyso oo ka dheceysa dalalka Kenya, taas ayuu kaga duwan yahay mas`uuliyiinta kale ee Soomaaliyeed waana masuulka qaran ee taageerada ugu weyn mar kasta la garab taagan xulka Soomaaliya” ayuu yiri Caamir Cabdi Xasan.

“Mar waliba taageero hiil iyo hooba leh ayuu safiirku nala garab taagan yahay kaalin weyn oo muuqatana wuxuu kasoo qaatay horumarinta isboortiga dalka” ayuu munaasabada ka sheegay hogaamiyaha wafdiga Soomaaliya Caamir Cabdi Xasan.
Tababaraha qaranka Maxamed Cabdulle Farayare oo isna xaflada sagootinta ah ka hadlay ayaa sheegay in diyaarinta xulkan dhibaato badan lagasoo maray, wuxuuna amaan balaaran u jeediyay safiirka, xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo cid kasta oo gacan ka geysatay horumarinta kubada cagta Soomaaliyeed.

Sidoo kale safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) oo munaasbada soo xiray ayaa sheegay intii karaankiisa ah in uu wax kasta la garab taagan yahay xulka qaranka Soomaaliya.



“Magaca, calanka iyo sharafta Soomaaliya ayaad kor u qaadeen waana idinku bogaadinayaa howsha qaranka Soomaaliyeed aad u heysaan, waxaana idin sheegayaa in in dowlada soomaaliyeed ay ku faraxsan tahay kaalinta aad qaranimada Soomaaliya kaga jirtaan” ayuu yiri safiirka oo hadalkiisa ku wajahayay cayaartoyda xulka qaranka Soomaaliyeed.
“Anigoo og dhibaatada dalkeena ka taagan tahay, xaalada Xulka Soomaaliya ku sugan yahay dhan walba waxay qiyaasi waayay farxada guushan”ayuu yiri Maxamed Cali America.
Casha sharaftaas loo sameeyay xulka Qaranka Soomaaliya dadiisu ka yartahay 17 sano jirka una soo baxay wareega 2aad ee isreebreebka tartanka dhalinyaradda qaaradda Africa ee CAF, kadib markii ay guul ka gaareen xulka Kenya ayaa waxaa ka soo qeybgalay marti sharaf kala duwan xubno ka tirsan Dowladda KMG ah, Jaaliyadda Soomaalida ee Kenya, Cayaartoy hore u soo martay Xulka iyo xubno kale oo aad u fara badan ayaa lagu qabtay Hotelka Barakaat ee Magaalada Nairobi.
Xubno ka tirsan Ganacsatada Soomaalida oo ay ka mid tahay haweenayda lagu magacabo Khadiijo Cosoble ayaa ka mid ahaa dadkii lagu casuumay xafladaas.
Tababaraha Xulka soomaaliya Mr Fare Yare oo ka hadlay munaasabadaas ayaa u mahad celiyay taageerayaasha kubadda Cagta ee Soomaaliya, gaar ahaan waxaa uu soo qaatay Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali America isagoo sheegay in Safiirka taageero ballaaran oo la ilaabi Karin u fidiyay Xulka.
Danjire Maxamed Cali America ayaa u sheegay Cayaartoyda Qaranka in aysan is dhigin oo ay sii laba laaban dadaalkooda ku aadan guusha, isagoo u ballan qaaday cayaarta soo socota ee Xulka Masar la yeelan doonaan taageero dhan walba leh, wuxuuna sheegay haddii xulka soomaaliya ay ka badiyaan Masar tababar loo geyn doono dal ka mid ah Qaaradda Yurub.
“Guul taariikhi ah ayaad keenteen, qof kasta oo Soomaali ahna guushaas meesha uu joogo ayuu kula naaloonayaa” ayuu hadalkiisa sii daba dhigay safiirka dalka soomaaliya ufadhiya dalka Kenya maxamed Cali Nuur (Ameeriko) oo ugu dambeyntiina lacago kaash ah oo dhiiri gelin ah guddoonsiiyay cayaartoyda iyo macalinka xulka qaranka Soomaaliyeed






