Wararka ka imaanaya Deegaanada Galcad iyo Messega-way oo ka tirsan Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaalo ay ka qarxeen, kadib markii deegaanadaas ay gudaha u soo galeen maleeshiyada Alshabaab.
Sida ay wararku sheegayaan dagaaladan oo goor dhow bilowday ayaa ka dambeeyay markii Shabaab oo ka soo duulay dhinaca Sh/Dhexe ay galeen deegaanadaas, waxaana saaka lagala hortagayu iska caabin adag.
Wararka laga helayo Deegaanka Messega-way ayaa sheegaya in rasaas culus ay ka dhaxeyso nawaaxiga deegaankaas, waxaana soo rogaal celiyay Ciidamada Ahlu Sunah oo deegaanka ku sugnaa, kuwaasoo sida la sheegay isaga baxay markii Shabaab soo galeen deegaanka.
Dagaalka oo xowli ku socda ayaa la soo sheegayaa in la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dadkii deegaanka ay bilaabeen in ay isaga qaxaan, iyagoo ka baqdin qaba in ay ku waxyeeloobaan dagaalka.
Haweeney ka mid aheyd dadka deegaanka oo caruurteeda kala carartay ayaa sheegay in deegaanka Galcad aanu wax dagaal ah ka jirin, hase ahaatee meel u dhow Messega-way, taasoo muujineysa in Shabaab laga soo saaray.
Muddo haatan laga joogo 10-bilood ayaa dagaalo lagu hoobtay ka dhacay deegaanka Galcad, waxaana dagaalkaas ahaa mid Shabaab jab culus lagu gaarsiiyay






