Dadka degan degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho ayaa ka sheegtay hab dhaqanka maleeshiyada shabaab, iyagoo ku tilmaamay kuwa aan wax naxariis ah lahayn iyagoo rasaas isaga furo dadka rayidka ah ee degmadaas ku nool.
Maxamad Cali Nuur oo ka mid ah dadka degmada Boondheere ayaa sheegay in labadii maalmood ee ugu dambeysay gudaha degmada ay rasas haboow ah ku dishay illaa sadex ruux oo guryahooda ay xabaduhu ugu yimaadeen.
Maxamad Cali ayaa sheegay in Dowlada K.M.G ee Soomaaliya ay ka codsanayaan in ay qaado talaabo dag dag ah oo wax looga qabanayo dhibaatooyinka kooxaha Dowladda ka soo horjeeda ay ku hayaan shacabka ku dhaqan gobalka Banaadir.
Wararka ayaa sheegaya in dablayda shabaab ay rasaas ku fureen dad rayid ah ama qoysas degan degmada Boondheere kuwaas oo aan waxba galabsan balse naftooda la dhaafsiiyay iyagoo aqaladooda ku sugan.






