Culumada Ahlu Sunna Waljamaaca ee ku sugan ee ku sugan gobolka Gedo ayaa howl gal amaanka lagu xaqiijinayo ka fuliyay degmada Dooloow ee gobolka Gedo.
Howl galkaasi ayaa lagu dilay hal qof oo ay Culimadu ku tilmaameen in uu ka tirsanaa Maleeshiyada Shabaab ee dhibaatada ka wada dalka Soomaaliya.
Madaxa Dacwada ee Ahlu Sunna Sh. Maxamed Abul Qaadi ayaa xaqiijiyay in ninkaan ay toogteen xoogagga ASWJ uu ku hubeysnaa Bastoolad, diidayna in uu u hogaansamo amarka Ciidanka.
Maleeshiyada Shabaab ee ku sugan Beled Xaawo ayaa bilaabay dhaqdhaqaaq noocaan oo kale ah oo ay ku baarayaan dadka shacabka ah.
Degamada Doolow waxaa ku sugan masuuliyiin ka socda ASWJ iyo Dowladda KMG ee Soomaaliya waxaana sidoo kale jooga Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG Soomaaliya iyo Ahlu Sunna Waljamaaca






