Iyadoo ay cirka isku sii shareereyso khilaafka u dhaxeeya Xubnaha Baarlamaanka ee ku aadan sharci ahaanshaha Xilka Gudoonka ayaa waxaa saacadihii u dambeeyay magaalada laga dareemay dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed.
Xarunta Golaha Shacabka oo berri lagu madlan yahay inuu ka furmo kalfadhiga Baarlamaanka ayaa waxaa la geeyay Ciidamo fara badan, kuwaasoo sugaya ammaanka xaruntaas.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada ay qeyb ka yihiin kuwo Nabad ilaalinta AMISOM, waxaana xarunta Baarlamaanka laga dhigay goob ciidan sida ay soo sheegeen wariyeyaasha oo maanta booqday.
Kalfadhiga berri lagu madlan yahay ayaa laga cabsi qabaa in ay ka dhacdo fowdo iyo rabshado dhex mara Mudanayaasha dhexdeeda, kadib markii qaar ka mid ah Xildhibaanada ay sheegeen in ay dagaalami doonaan hadii kulanka shir gudoomiyo Aadan Madoobe.
Aadan Madoobe oo maanta saxaafada Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay soo fara gelisay khilaafka, isagoo sheegay in hada ay jirto isu soo dhowaansho, isla markaana laga gudbi doono khilaafka Baarlamaanka sida uu hadalka u dhigay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Xildhibaanada qaar ay diyaarsadeen Bakooradooda, si ay uga dhiidhiyaan xeeladaha u degsan Gudoonka Baarlamaanka, waxaana Xildhibaanada ay yihiin kuwo aad u kala qeybsan.
Dadka reer Muqdisho ayaa il gaar ah ku haya kulanka berri Baarlamaanka oo ah maalin cabsi u ah, maadaama qolyaha Mucaaradka laga cabsi qabo in ay weeraro madaafiic la dhacaan.
Ka sokow xaaladaha iminka jira waxaa dad badan ay dhagahooda ku soo dhacayeen dhacdadii sanadkii 2005-tii Bishii Maarso ee Magaalada Nairobi ka dhacday, xilligaasoo Xildhibaanada Baarlamaanka ay isla dhaceen Kuraas iyo Bakoorado.
Laakiin dadka qaar ayaa sheegaya in xaalada hada taagan ay ka xun tahay sidii Nairobi ka dhacday, waxaana jira Xildhibaano badan oo Bastoolado heysta, kuwaasoo hadii aan kulanka berri loo ogolaan in ay la soo galaan Xarunta laga yaabo in fadhiga Baarlamaanka toogasho ka dhacdo.
Xiisada Baarlamaanka ka dhex holceysa ayaa waxay sii xoogeystay markii shalay in ka badan 300-xildhibaan ku dhawaaqeen in aanu shir gudoomin karin Aadan Madooba






