Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay howlgal ay dad iyo waxyaabaha qarxa ku soo qabqabteen oo maalmihii la soo dhaafay ay ka wadeen qeybo ka mid ah degmooyinka magaalada muqdisho.
Taliyahaha saldhigga Booliska degmada Waabari ee gobolkaan Banaadir Dhamme C/llaahi Cali Calas ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalo ballaaran oo ammaanka lugu xaqijinayay oo ciidamda amaanku ay maalmahaan ka wadeen degmada gudaheeda, kuwaas oo uu tilmaamay in looga hortagayo kooxaha dhibaatada ammaan darrada ah kawada degmada Waaberi ee magaalada muqdisho.
Waxa uu sheegay in howlgal ay ciidamadu ay ka sameeyeen xaafadda Buulo Tigniko ay ku soo qabqabteen daawooyinka lagu dhaqo lacagta doolarka madow ah, miinooyinka waddada hareeraheeda lagu aaso iyo waxyaabo kale oo loo isticmaalo dhibaateynta dadka shacabka ah, kuwaas oo si sharci darro ah guryo ku yaalla degmada loogu haayay, ayadoo uu baxsaday ruuxii falkaasi halkaasi ka maleegayay islamrkaana ciidamadu ay ku raad joogaan .
Sidoo kale Taliyha saldhigga Booliska ee degmada Waabari Dhame C/llaahi ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlahaan amanaka lagu xaqiijinayo, isagoo dadka shacabk ah ka cosaday in ay ciidamada la shaqeeyaan si ammaanka degmada uu u noqdo mid aad u wanaagsan .






