Ciidamada Ahlu sunna Waljameeca ayaa heegan buuxa la geliyay kadib markii degaanada ceeldheer iyo Masagawaay la wareegen maleeshiyada shabaab iyo dagaalyahano al qaacida ah.
Maleeshiyada Shabaab ayaa sida la sheegay weerar ku ah Degmada Dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud iyo degaanka Guriceel.
Sida laga soo xigtay Saraakiisha Ahlu suna, waxaa heegan buuxa la geliyay ciidamada ku sugan degaanada Guriceel,Dhuusmareeb sidoo kalena waxaa la diyaariyay ciidamo kale oo iyagana ka saari doonaan degaanka Ceeldheer maleeshiyada shabaab.
�
Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan maleeshiyo alshabaab oo uu horkacayo Sheekh Muqtaar Roobow Abuu masnuur in ay usoo ruqaansadeen dhanka iyo Gobolka galgaduud si uu qeyb uga noqdo dagaalka alshabaab ku doonayaan in ay la wareegaan guud ahaan gacan ku heynta Gobolka
Dadka ka faalooda dagaalada soomaaliya ka socda ayaa waxay sheegayan in shabaabka jab weyn ka soo gaari doono dagaalada gobolada dhexe.






