Ciidamada Ahlu Sunah Waljamaacah ee Gobolada Dhexe ayaa isu diyaarinaya dagaal kala bax, iyadoo saacadihii u dambeeyay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka bilaabay aagaga dagaal ee Galgaduud.
Sida ay sheegayaan wararka Boqolaal ka tirsan Ciidamada Ahlu Sunah ayaa la sheegay in loo diyaariyay duulaan ballaaran oo ay ku ekeeyaan Galgaduud iyo Hiiraan, iyadoo duulaankan qeyb ka yahay qorshaha ay wado Dowladda KMG.
Iskaashiga ku aadan weeraradaas ayaa isa soo taraya, waxaana Saraakiil ka tirsan Dowladda KMG dhowaan bilaabeen kulamo milateri oo ay la qaadanayaan Saraakiisha Ahlu Sunah.
Wararka qaar ayaa sheegaya in maalmaha dhow Culumaa’udiinka Ahlu Sunah weeraro ku qaadi doonaan Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud iyo deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Afhayeenka Culumaa’udiinka Ahlu Sunah Abuu Yuusuf ayaa ugu baaqay Xoogaga Ahlu Sunah in ay isu diyaariyaan dagaal ballaaran, oo kala bax ah, waxaana uu sheegay in maalmaha soo socda ay la wareegi doonaan deegaano badan.
Gobolka Galgaduud ayaa laga dareemay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xoogan, waxaana deegaanada ay maamulaan Ahlu Sunah laga soo daad gureeyay ciidamo tababar u soo dhamaaday, kuwaasoo haatan heegan dagaal ku jira.
Qorshaha dagaal ee ay Dowladda KMG gacanta ku heyso ayaa waxaa uu yahay in Gobolada ay gacanta ku hayaan Shabaab iyo Xisbul Islaam meel kasta looga dhifto, waxaana la ogeyn xilliga uu dhici doono duulaanka ay la foolaneyso Dowladda Soomaaliya






