Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay eedeyntii shalay uu u soo jeediyay Sheekh Xasan Daahir isagoo dhinaca kalana sheegay in uu sii wadayo dagaalada uu kula jiro AL Shabaab.
Axmed Madoobe oo ka tirsana saraakiisha ururka xisbul islaam in mudo ahna dagaalo uu kaga soo horjeedo Al shabaab ka waday qeybo ka mid ah gobalka jubada hoose ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii shalay kasoo yeeray hogaamiyaha uruka xisbul islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys kaa oo ku eedeeyay Sheekh Axmed Madoobe in uu heshiis la galay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.
Waxaa uu sheegay in hada oo mudo todobo bilood laga joogo markii ay qarxeen dagaaladii ka dhacay magaalada kismaayo oo uu ku tilmaamay mid iyago looga xaq darnaa in iyaga ay war ka sugayeen hogaanka xisbul islaam si hogaanka Shabaab ay ugala hadlaan meelaha ay wada joogaan danbiga uu tilmaamay in iyaga laga galay maadaama ay u dagaalamayeen ururka xisbul islaam isagoo sheegay in hada ay lama filaan ku noqotay warka kasoo yeeray Sheekh Xasan Daahir Aweys ayna aad uga xumaadeen
Balse waxaa uu qiray in uu jiro shir uu gudaha Soomaaliya uu kula yeeshay wasiir ka tirsan dowalda KMG ah oo ah wasiirka Gaadiidka cirka iyo dhulka Maxamed Cabdi Gaandi, Odayaal dhaqameedyo iyo waxgarad kasoo jeeda gobalada jubooyinka shirkaasi oo loo wajahay qaab degaan oo aan lisku soo hadal qaadin magac dowladeed waxa laga hadlayna ay aheyd gacanta uu ka geysankaro ciidamada dowlada KMG ee lagu soo Tababaray dalka Kenya oo badankood kasoojeeda gobalada jubooyinka kuwaa oo dowldaha soomaaliya iyo kenya ay ku raja dheeryihiin in dhawaan ay soo geliyaan gobaladaasi isagoo dhinaca kalana sheegay in aanu garankarin waxa uu yahay xiriirka kala dhexeen kara dowlada kenya marka laga reebo in dadka ku dhawaacma dagaalada jubooyinka lagu dabiibo gudaha dalkaasi.
Waxaa uu sheegay in Xasan Dahir Awalba uu ka aamusnaa dilal loo geystay Saraakiil ka tirsan Xisbul islaam kuwaas oo dilalkooda ay ka dambeeyan shabaab






