Curashadii Dowladdii Kacaankii Maxamed Siyaad Barre ka hor waxaa dalka ka jiray Ururo Islaamiyiin ah oo ku xernaa Culumo Carbeed, dhaqaalena ka heli jireen, hase ahaatee Kacaankii Oktoobar markii uu dalka ka curtay waxaa gebi ahaanba la mamnuucay oo albaabada la isugu dhuftay asxaabtii Islaamiyiinta ee dalka ka jirtay, kuwaasi oo fursad u heli waayay in ay faafiyaan hadafkooda.
Kacdoonkii Culumada ee ka dhashay soo saaristii xeerka Qoyska (Sinnaanta Ragga iyo Dumarka) ee dhaqan galay 11 Janaayo 1975-kii ayaa sababay in Culumada ay si cad ugu horyimaadeen Dowladdii Kacaanka, waxaana xiligaasi ilaa maanta abuurmay Islaamiyiin seef la bood ah oo doonaya in dalka Soomaaliya laga hirgeliyo Dowlad Islaami ah, hase ahaatee ma dhicin, welina waxaa socda ka mira dhalinta hadafkaasi.
Markii ay burburtay Dowladdii Kacaanka waxaa soo shaac baxay Xisbiyo Diineed taageero ka helayey dalalka Carabta, ujeedadooduna aheyd in xididada u siibaan hidde dhaqanka Soomaalida lagu yaqaan, waxayna qandaraas ku soo qaateen in Soomaalida jaan rogaan oo baraan dhaqamada Carabta.
Kooxahaasi waxay la wareegeen oo gacanta ku dhigeen waxbarashada dalka iyo goob walba oo bulshada ka maarmin sida ganacsiga, iyagoo meesha ka saaray in ubadka Soomaaliyeed baraan Taariikhdii Sooomaaliya, kuna badalay taariikhda halyeeyo Carbeed oo dalka u soo halgamin, waxayna badaleen magacyadii Iskuulada loogu magac daray halgamayaasheena, kuna badaleen magacyo Carbeed oo la soo minguuriyay sida Usama Secondary School, Eyman Al-Dawahiri, Umal Qura iyo kuwo kale.
Ururo hor leh ayaa soo shaac baxay kuwaasi oo intooda badan awood ku lahaa gobolada Jubooyinka iyo Puntland, waxaana ugu xooganaa Ururkii Al-Itixaad oo awood ciidan lahaa, dagaalo dhowr ah oo Puntland ay kula galeen Dowladdii Cabdullaahi Yuusuf kadib noqday kuwo kala jabay oo u soo hayaamay dhinaca Koonfureed ee Soomaaliya, markii danbna burburay, xubnihii ugu cadcadaana ay ku biireen Ururadii Diineed ee dalka ka jiray.
Guul-darooyinkii Siyaasadeed ee Qabqablayaasha dagaalka Soomaaliya waxay fursad u noqotay Kooxo Diineedyo cusub oo dalka ka hana qaaday, kuwaasi oo shacabka u arkeen in ay sal ka dhigan doonaan Kitaabka Alle iyo Sunnada Nabigeenna NNKH, fursadaasi ay shacabka siiyeen Islaamiyiintii kama aysan faa´iideysan, waxayna noqotay rajadii laga qabay Midowgii Maxaakiimta ee abuurmay 2006-kii mid horseeday colaad iyo dhibaato hor leh.
Burburkii Maxaakiimta kadib waxaa curtay oo dhegaha shacabka ay maqleen Ururo Islaamiyiin u muuqaal eg (Al-Shabaab) oo awoodii dalka inta badan la wareegay laakiin aan mideysneyn, ujeedadooduna waxay u muuqataa in ay doonayaan Xukun Islaami ah oo laga hirgeliyo dalka, waxayna martiqaadeen Islaamiyiin dalalkoodii ka soo cararay si ay ugu badbaadaan ugaarsiga lagu haayo, kuwaasi oo xiriir iyo wada shaqeyn ay kala dhaxeyso Ururka Al-Qaacida ee uu hoggaamiyo Osama Bin Laden.
AL-Shabaab oo ah urur ka feermay Maxkamaddihii Islaamiga, dagaalo xooggana la galay ciidamadii Itoobiya ilaa hadana wada, dad badan kuma qanacsana hab-dhaqanka kooxdaasi, mana lahan culumo diineed dadka dhageysta marka laga reebo dhalinyaro la maran habaabiyay oo maskaxda laga galay kuwaasi oo wixii la fara si fudud u fuliya.
Dad badan waxay aaminsan yihiin in Ururkan uu u adeega ajaaniib dooneysa in ay helaan meel ay gabaad ka dhigtaan, danahoodana ku fushadaan, dhaqaalaha ugu badana waxay ka helaan Shabakadda Al-Qaacida oo unug ka mid ah ay yihiin sida ay qireen saraakiishooda oo dhowr jeer ku cel celiyay in ay xiriir la leeyihiin Osama Bin Laden, cid kasta oo sheegata Diinta Islaamkana ay ku marti qaadayaan dalka si ay ugu qeyb galaan dagaal mindhicireedka ay ugu magac dareen Jihaad.
Waxba yeysan ila dheeraan qormadan waxaan ku soo gunaanadayaa shaki kuma jiro in Al-Shabaab yihiin Owlaada Osama Bin Laden, waxaanse sugeynaa mustaqbalka dhow guusha ay doonayaan in ay hirgasho ama in xididada loo siibo oo dalka laga suuliyo, walow arintaasi u baahan tahay waqti iyo taageero rasmi ah oo laga helo dalalka caddowga u arka Al-Qaacida sida Mareykanka iyo xulufadiisa.
Cali Muxiyaddiin Cali
Muxiyaddiin@hotmail.com






