War goordhaw naga soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab aya amar ku bixiyen in muddo saacado ah Idaacadaha Muqdisho ay sii daayaan Barnaamij ayaga u gaar ah, ayna joojiyaan wararka iyo barnaamijyada ka baxa iadaacadahaasi.
Suxufiyiin ka tirsan qaar kamid ah idaacadaha maxalliga ah ee ka howl galo magaalada Muqdisho oo diiday in magacooda la soo xigto ayaa sheegay in maleeshiyada Shabaab ay ku amreen in maanta aaney tabi Karin barnaamijyo iyo warar laga bilaabo 12:00pm (duhurnimo) marka idaacaduhu hawada ay soo galaan illaa laga gaarayo 03:00pm (galabnimo).
Amarkaan oo ka soo baxay horjoogayaasha Shabaab waxaa saxaafadda soo gaarsiiyay nin magaciisa ku sheegay Yoonis laakin magiciisa saxda ah uu yahay Xasan Xanafi, waana ninka u caga jugleeya had iyo jeer idaacadaha madaxa banana ee ka howlgala Muqisho.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Shabaab ay doonayaan in idaacadahu ay saacadahaas ay ka sii deynayaan hadalo ay Horjoogayaal Shabaab ka tirsan ka jeedin doonaan majidka Abuu Hureyra oo ku yaala suuqa Bakaaraha, halkaa oo ay maanta isugu imaan doonaan horjoogayaal badan oo ka tirsan Shabaab.
Amarka alshabaab ayaa meesha ka saaraya Barnaamijyo, warar, Suugaan iyo duruus diini ah oo ka bixi jiray idaacadaha dad farabadana ay ku xirnaayeen.
Lama oga ilaa iyo hadda ujeedada kama dambeysta ah ee Shabaab ay ka leeyihiin Idaacadaha Magaalada Muqdisho balse waxaan ka war sugaynaa xaalada waxay ku dhamaato.






