Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in Al-Shabaab qabuurihii ay faageen oo ay ka soo saareen Mashaa’iiqda caanka ku ahayd faafinta diinta Isaamka ay si qarsoodi ah u iib geeyeen qaar ka mid wadamada caalamka
Sheekh Nuur Cali Aadan ayaa sidoo kale tilmaamay in qabuuro faagistii Al-Shabaab aysan ka ahayn diin, balse ay ka ahayd qandaraas ay soo qaateen waa sida uu hadalka u dhigee Wasiirka.
Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta ayaa hadalkiisa waxa uu ku soo aadayaa xilli qabuurihii ay Al-Shabaab faageen oo ay ka soo saareen lafihii Mashaa’iiqdii caanka ka ahayd dalka Somaaliya ay dhaliyeen murano xaga diinta ah, islamarkaana ay yimaadeen dad si aad ah arrintaasi uga soo horjeeda






