Dagaalo xoogan islamarkaana u dhaxdeeya Ciidamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo Maleeshiyaadka Al qaacida iyo Shabaab ayaa waxa uu dhacay waaberigii saaka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.
Dagaal culus oo labada dhinaca dhex maray ayaa la sheegay in lagu dilay xubno shabaab iyo Al qaacida ka tirsan,iyadoo ugu dambeyntiina wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ay sheegayan in degaanka Matabaan ay hadda ku sugan yihiin dagaalyahano al qaacida iyo shabaab oo ah koox ay adeegsadaan argigixisada.
Dadka degaanka ayaa sheegay in maleeshiyada shabaab tiro fara badan looga dilay dagaalka saaka.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Ciidamada Ahlu sunna mar kale dib isu soo abaabulayaan oo ay hadda ku soo jeedan degaanka Matabaan.






