Archive | April, 2010

Madaxda ugu sareysa dowladda oo manta kulan albaabada u laaban ku qaatay Madaxtooyada (War-Murtiyeed)

Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Sheikh Aden Maxamed Nuur iyo Ras’iisul Wasaaraha Xukuuadda FKMG, Cumar Cabdirashiid Cali-Sharmaarke waxay mahad ballaaran u soo jeeddinayaan dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo ergeyga Madaxweynha Jabuuti ahna Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee dalka Jabuuti Mudane Xaamud Cabdi Suldaan oo gacan weyn nagu siiyey xallinta khilaafka baarlamaanka soo dhex-galay.

Madaxda Qaranku waxa ay ku midaysan yihiin dareenka ah in dhammaan hay’adaha dastuuriga ah iyo xubnaha Baarlamaankuba ay ku dadaalaan hir-gelinta waajibaadka qaran ee loo wada dhaartay.

Madaxda Qaranku waxay gar-waaqsan yihiin in sii socoshada khilaafka soo dhexgalay baarlamaanka aysan xamili karrin hay’adaha curdanka ah ee dastuuriga ah ee DFKM iyo shacabka Soomaaliyeedba.

Sidaas darteed ayay Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaruhu u go’aansadeen in ay u caddeeyaan shacabka Soomaaliyeed, mudanayaasha Baarlamaanka, xubnaha golaha Wasiirada iyo bulshada caalamka, gaar ahaan saaxiibada Soomaaliya, in masuuliyiinta sare ee Qaranka Soomaaliyeed ay midaysan yihiin, una taagan yihiin in ay ku shaqeeyaan kana mira dhaliyaan mabaadiiddii iyo himilooyinkii loo soo dhisay DFKM.

Madaxda sare ee Qaranku:

1)Waxay isla garteen in khilaafka lagu xalliyo si waafaqsan sharciga iyo maslaxadda Qaranka,

2)Waxay isla garteen in baarlamaanku uu bilaabo fadhiyadiisa caadiga ah, si uu u guto waajibaadka horyaalla,

3)Waxay ballan-qaadaysaa xukuumaddu in ay gacan ku siiso baarlamaanka sidii uu u gudan lahaa hawlihiisa,

4)Waxay adkaynayaan in ay lagama maarmaan tahay xoojinta wada shaqaynta xukuumadda iyo baarlamaanka,

Sidoo kale, masuuliyiinta Qaranku, waxay ballan-qaadayaan in loo xaliyo wixii ka dhashay khilafka si ay ku jirto niyad-sami iyo masuuliyad.

Madaxda Qaranku waxay uga mahad-naqayaan mudanaayasha baarlamaanka duruufihii adkaa ee ay ku shaqeeyeen iyo gacanta ay ka geysanayaan xallinta khilaafka, waxaanna ugu baaqaynaa in ay sii laban laabaan dadaalka si marxaladdaan adag looga gudbo.

Mar labaad, waxaan si weyn ugu mahad naqaynaa Mudane Xaamud Cabdi Suldaan oo kaalin aad weyn ka geystey is-fahamkii la gaaray.

Sharif Sheekh Axmed
Madaxweynaha Soomaaliya

Sheekh Aden Maxamed Nuur
Guddoomiyaha Baarlamaanka

Cumar Cabdirashid Cali-Sharmaarke
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

Muqdisho, Soomaaliya, Jimce, April 30, 2010

Posted in DhacdooyinComments (0)

Wadada Suuqa Bakaaraha oo saaka dib u furantay iyo Ahlu Sunah oo wali u gur-guuranaya

Wadada kaliya ee gasha Suuqa Bakaaraha ayaa saaka dib u furantay, kadib muddo labo maalmood oo ay xirneyd, isla markaana jahwareer gelisay ganacsigii Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Dib u howl gelida Wadadan oo xilligan ah halka isku xirta qeybaha ay Muqdisho ugu kala qeybsan tahay dhinacyada iska soo horjeeda ayaa waxaa soo dhoweeyay darwalada gaadiidka Bl-ka.

Mid ka mid ah Darwalada Gaadiidka ayaa sheegay in xaalad shaqo la’aan ah ay soo wajahday labadii maalmood ee u dambeysay, kadib markii ay wadadaas xirantay, waxaana mararka qaar gaadiidka uu isticmaali jiray wadada warshadaha oo uu ka geli jiray Bakaaraha.

Gudoomiyaha Gudiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad ayaa ugu baaqay dhinacyada isku hor fadhiya nawaaxiga Suuqa in ay ka weeciyaan dagaalada Suuqa oo ah goob ganacsi.

Shabaabka iyo Ahlu Sunah ayaa isku hor fadhiya meelo isu muuqda oo kala ah Isgoyska Bakaaraha iyo agagaarka Biyo dega Dabka, taasoo keentay in Gaadiidka saameyn ku yeesho labadii maalmood.

Ahlu Sunah ayaa wali u gur-guuranaya Suuqa Bakaaraha, kadib markii dhowr jiho ay ka kubaareeyeen, waxaana la ogeyn sida Ahlu Sunah xilligan ugu guuleysan karaan la wareegida Suuqa Bakaaraha

Posted in DhacdooyinComments (0)

Cadaalad Darada Alshabaab Canbaareyn uma Baahnee Cudud ayay u Baahantahay iyo Ciidan iska Celiya!!!

Waxaan doonayaa inaan maanta qoraalkayga ku soo qaato bulshada soomaaliyeed oo maraysa marxalad aad u adag oo aan laga gaabsan Karin una baahan inay dhamaantood iska kaashadaan maahee aan qof iyo laba maarayn Karin sidii caddowgii shalay ee itoobiya iyo kii ka horeeyay ee cadaa ee talyaaniga iyo ingiriiska ahaa looga midoobayna hadaan looga midoobin dhamaan saamayn doonta cariga soomaaliyeed iyo inta ku hadasha afka soomaaliga oodhan.

Waxaa muddo dheer dadka degan deegaamada ay xoog ku haystaan ciidamada alshabaab ku mashquulin jireen naftooda kuna maaweelin jireen inay iman doonaan ciidamo maraykan iyo ruush iyo reer yuruba kana kaxayn doonaan oo iyaga oo aan far qaadin lala dagaalami doono

Argagixsada caalamiga ah nasiib daro way dhici wayday taasi.

Waxaan u sheegayaa bulshoweynte reer koonfureed goboada dhexe ciidan afrikaana iyo mid ameikaana kama dagaalamin ee soomaaliya ayaa ka dagaalantay banaankana iska dhigay alshabaab ma hawaysan karaan alshabaab maamul goboleedka puntland iyo jamhuuriyada soomaaliland waayo shacabkooda ayaa isku duuban oo karti iyo dedaal muujiyay ay kaga hortagaan aafada iyo dhibaatada colaadeed ay nimankaasi ku caanbaxeen

Markaa alshabaab mar hore ayuu sahansaday gobolada koonfureed iyaga oo loo adeegsaday dad iyaga ka dhashay oo aaminsan fekerka gaalaysiinta muslinka iyo fulinta awaamiirta

Buuraha afgaanistaan laga soo abaabulay

Waxaana la dhameeyay intii noolayd ee wax fahmaysay iyo intii xooga lahayd ee aan amarkooda qaadan waxaa lakala qaybiyay mayd midba laami la dhigay waa ka doodi waayeen deegaamada dhibkaasi ka jiray waxaa la dilay duqeey iyo waxgarad way ka doodi waayeen kuwii noolaa markii sidii la doono laga yeelay waxaa dib loogu soo noqday kuwii dhintay oo xabaalaha laga soo saaray maydkoodana badwaynta hindiyaa lafahooda lagu shubay qaarna la gubay.

Hadaba waxaan maqli jiray ilaa maalintii aan garaadsaday falastiin ayaa dad lagu xasuuqay oo israa,iil dhamaysay carabina way canbaareysay kuwo kalena waxay sameeyeen baroordiiq

Qaarna waxay ku mudaharaadeen safaaradaha reer galbeedka oo ay u muujiyeen sida ay uga xun yihiin.

Tirade israa,iil waa 2,000,000 waxayna xoog ku dhex joogaan 500, 000,000 taas waxay u saamaxday inaysan wax naf ah lahayn ama quwada ama talo ah ama tawfiiqa umada carbeed oo sidii la doono lag yeeli karo.

Hadaba bulshada ku dhaqan waqooyiga muqdisho iyo dhamaan gobolka shabeelada dhexe hiiraan qaybo ka mida galguduud iyo shabeelada hoose waxaa la soo deristay qisadaan hore uga soo hadlay ee ahayd mudaaharaad iyo canbaarayn.

Alshabaab maaha niman mowqifkoodaa la gabanayaa cid ay ka baqanyaana ma jirto ama canbaareeyaa ama calaacala ama ciil la ooyaa mid dhintay iyo mid nool midna ma dhaafayaan.

Waxaan u soo jeedinayaa bulshoweynta soomaaliyeed ee deegaamadooda gumaysiga lagu haysto laba arimood midkood.

Dadka caalamku waxbay diidaan waxay diidaana way ka dagaalamaan o oaf iyo adin ayay kala hortagaan guul iyo guuldarana way u adkaystaan.

Ama dantoda ayay eegtaan oo naftooda siday ku badbaadayso ama gumaysi ha noqoto ama gunimo kale ha noqotee way sameeyaan muran iyo qaylana way iska dhawraan

Labadaa arimood shacabka reer muqdisho iyo gobolada kale midna kama muuqdo

Waxaanay taagan yihiin dhexdoodaa waana hana dhiman hana noolaan waana mawqifka aduunka ugu xun, qof aan waxna diidi Karin waxna doonayn.

Kooxda alshabaab waxaa ka go,an qof kasta oo aan mawqifkooda taageersanayn ama inuu dhinto ama inuu qaxo wax u dhaxeeya ma leh.

Markaa waxaan usoo jeedinayaa bulshada daljirka dahsoon ku banaanbaxday ciidan dibad ka yimaada oo idinka celiya alshaabaab ha sugina cudud aan tiina ahayna haku xisaabtamina

Canbaarayn iyo cay iyo cilaaqtana waxba idinka celin maayee ciidankiisa iyo curadadiina laba daran mid u dooraa in alshabaab dilo oo gaalo ku xukumo inay raacaan uu qarxiyo.

Labadaa waxaan ahayn waa inuu iska celiyaa markaa waqti calaacal iyo canbaareyn lama joogee cududiina ku tashadaa ciilkana kaga baxa waxaan qoraalkan oo aan si cadho leh u qoray ku soo afjarayaa .

Ciilka iyo murugada
Calooshu ay la oloshee
Cindigiina gubayaa
Canbaareynta shalay
Ceebaynta maantuba
Cilad saaari maayee
Cududiina kaashada
Iyo ciidan iyo xoog

Calmadoobe waraniyo
Birta ciilka kaga baxa
Isku caynsha baaruud

Caaradhuubka aakaha
Cudoonoow dhashiikaha
Ciiltaroow ah dabajeex
Intaad caynsataanoo
Rasaasta u camirataan

Suuga cagaha kaga jara
Shilkaha ku cabudhiyoo
Ku cajiima bee teen
Cadibaada uga dhiga
37 ku cawdhiya
Cabsi oodhan iga dhiga

Halkaad caawa joogtaan
Cadceed soo baxeediyo
Cadaadkeeda waaberi
Dib yaan looga cararine

Cagta hore usii wada
Ciidan dowliya iyo shacab
Caanaha ka daba sida
Cudud qaran ahaadoo
Cajabee difaac gala
Iyo weerar caymiya
Shacabkaa cidlada yaal
Cirooliyo caruuriyo
Cadrada iyo wiilkaba
Cisho qaadan maysee

Cududiina xoojoo
Caqligiina kaashada
Ciilku hayna daayoo
Ceebtu hayna dhaaftoo

Cadowguna ha jaba oo
Calanku ha xorooboo
Caruurtuna samaaniyo
Cisi iyo wanaagiyo
Caafimaadba way heli

Culumada ilaahay
Caaqil iyo odayaal
Dumarkiyo caruurtuba
Carigoo nabadiyo
Cisi bay sugayaan

Canbaaraynta iga jira
Sida carabta oo kale
Caagado ha tumanina
Cududiina maalooo
Cadawgiina jabiyoo
Curadada ku ciil baxa

Wabilaahi tawfiiq

Waa Qalinkii iyo Hall_abuurkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Abdirihiin1@hotmail.com

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shabaab oo soo bandhigay muuqaalka raggii fuliyay weerarkii is qarxinta lala beegsaday Ciidamada AMISOM +Sawiro

Dablayda Shabaab ayaa soo bandhigtay muuqaalka raggii fuliyay weerarkii is qarxinta ee Isniintii lala beegsaday Ciidamada AMISOM, gaar ahaan Xarunta Bankigii Ganacsiga Soomaaliyed ee Degmada Shingaani.

Afhayeenka Alshabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa saxaafada u soo bandhigay muuqaalka labo dhalinyaro ee fulisay weerarka ismiidaaminta iyo gaarigii lagu fuliyay walxaha qarxa.


Cali Dheere ayaa ka hor inta aan weerarka ismiidaamin lagu qaadin fariisimaha cusub ee Ciidamada AMISOM waxaa uu tusiyay warbaahinta shaxda ay u dajiyeen weerarkaas oo ahaa qariirad halka bartilmaameedku yahay, iyadoo muuqaal Video ah loogu sharaxay dhalinyarada fulisay weerarka is qarxinta.

“Qariiradan aad u jeedaan, waa halka hadafku yahay, meesha baaba’day ee Bankigii Ganacsiga ayuu bartilmaameedku yahay”ayuu yiri Cali Dheere oo intaa ku daray in ay soo bandhigi doonaan qasaaraha kale ee AMISOM ka soo gaaray qaraxaas.

Waxaa uu ku sheegay magacyada labada dhalinyaro ee fulisay weerarkaas Axmed Yuusuf iyo C/llaahi Yaasiin Caraale, waxaana uu yiri “Dhalinyaradaas Istishhaadkooda Alle haka aqbalo”.

Muuqaalka Labada dhalinyaro ayaa ka muuqda iyagoo waraaqo ay ku qoran yihiin magacyada Abuu Cumar Al-Baqaadi iyo Abuu Xamsa Al-Muhaajir ay ahaayeen mid weerarkaas ay ugu aar gudayeen, kuwaasoo todobaadkii hore lagu dilay dalka Ciraaq.

Weerarkan is qarxinta ee lagu qaaday AMISOM ayaa ah kii lixaad oo lala beegsado Ciidamada AMISOM, tan iyo markii sanadkii 2007-dii ay soo gaareen Caasimada Muqdisho, iyadoo qasaarihii ugu cuslaa uu ahaa weerarkii bishii September ee sanadkii hore lala beegsaday Xaruntooda ugu weyn ee Xalane.

Shabaab ayaa horay weeraro ismiidaamin oo ay sheegteen ku dilay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda KMG oo uu ka mid ahaa Wasiirkii hore ee Amniga Qaranka Cumar Xaashi Aadan, iyadoo weeraradan ay calaamad u tahay sida Shabaab xiriir dhow iyo mid soke ula leeyihiin Urur weynaha Al-Qaacida

Posted in DhacdooyinComments (0)

Ciidamada Ahlu sunna oo ku wajahan degaanka Ceelasha Biyaha

Culumada Ahlu SunnaWaljamaaca ayaa sheegay in ay ciidamadooda dagaalo culus ay ka bilaabi doonaan deegaano badan oo ay ku sugan yihiin kooxda mayalka adag ee shabaab.

Madaxa warfaafinta ee Ahlu Sunna Wal-jamaaca Sh. C/llaahi Sh. C/raxmaan Abuu Yuusuf Al Qaadi ayaa sheegay in xooggana Ahlu Sunna ay ku dhow yihiin suuqa weyn ee Bakaaraha iyo meelo badan oo dalka ah, ayna maalmaha soo socda ay bilaabi doonaan howl gallo shacabka lagu xureynayo.

Abuu Qaadi ayaa sheegay in Dagaaladaasi ay ka dhici doonaan deegaano ka tirsan Gobollada Shabeelaha hoose iyo Banaadir, wuxuuna si gaar ah u xusay degaanada Afgooye iyo Ceelasha Biyaha oo ka wada tirsan Sh/hoose iyo Degmooyinka Dayniile, Hodan iyo Wardhiigleey ee Magaalada Muqdisho.

“ dagaaladu si isku mid ah ayay hal waqti uga billaaban doonaan Suuqa Bakaaraha, dayniile, Gubta Wardhiigleey iyo deegaanda loo barakacay ee duleedka Muqdisho” ayuu yiri Al qaadi.

Ciidamada Ahlu sunna ayaa ku sii sigaya Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, sida muuqatana shabaabka ayaa cabsi weyn ka soo wajahday xooga hubeysan ee Ahlu sunna.

 

Posted in DhacdooyinComments (1)

Somaliya oo gashay kaalinta sadexaad wadamada falalka argagixisnimo ka dhacaan

Dalka Soomaaliya ayaa galay kaalinta sadexaad ee wadamada ugu falalka argagixisada badan caalamka, waxaana ka sara maray dalalka Afghanistan iyo Pakistan, sida ku cad warbixin ay soo saartay hey`ad Mareykan ah oo lagu magacaabo National Caunterterrorism Center.

Warbixintan oo ka hadleysa falalkii argagixisnimo ee caalamka ka dhacay sanadkii 2009-ka ayaa waxaa ay hey`addu sheegtay in tiro kor u dhaafeyso 500 oo fal argagixisnimo oo noocwalba leh uu ka dhacau dalka Somaliya, halka ay ka kala dheceen dalalka Afghanistan (2126-jeer) iyo Pakistan (1915-jeer).

Sanadkii ka horeeyay ee 2008 ayay warbixintu sheegtay in Somaliya ay ka dheceen 444 fal oo argagixisnimo, sida ku cad sawirka warbixinta.

Warbixinta ayaa kusoo beegmeysa xilli ay laba jibaarmeen sanooyinkii u dambeeyay falalka argagixiso ee Somaliya ka dhacaya kuwaasoo isugu jira isqarxin, bambooyinka wadooyinka la dhigo iyo hoobiyayaasha rayidka lala dhoco.

WARBIXINTA HEY`ADA OO DHAMEYSTIRAN HALKAN KA > -Akhriso

Posted in DhacdooyinComments (0)

Ciidamada Ahlu Sunna oo isku wareejiyay Suuqa Bakaaraha, Shabaabkii oo kala carar ku dhacay

Iyadoo shalay markii u horeysay Magaalada Muqdisho lagu arkay Ciidamo taabacsan Culumaa’udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah, isla markaana si toos uga qeyb qaatay dagaalada ayaa Ciidamada Ahlu Sunah ay yihiin kuwo ku siqaya Xaafado hor leh.

Ciidamada Ahlu Sunah ayaa ka bar bar dagaalamay Ciidamada Dowladda, inkastoo ay kaga sareeyaan xaga moraalka dagaalada, isla markaana ay ku sugan yihiin jiidaha hore ee dagaalada.

Mid ka mid ah dadka fara ku tiriska ee ku haray Xaafadaha ku dhow dhow Suuqa Bakaaraha ayaa sheegay inuu indhahiisa saaray Ciidamada Ahlu Sunah oo madaxa kaga duuban camaamado oo ku sugan Xaafadaha Hodan iyo H/wadaag.

Wadada isku xirta Isgoyska Dabka iyo Suuqa Bakaaraha oo ah wadada kaliya ee looga galo Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa ku sugan Ciidamada Ahlu Sunah, kuwaasoo si aad ah ugu dhowaaday Suuqa.

Sidoo kale Ciidamada Ahlu Sunah ayaa galay xaafado ka tirsan Degmada H/wadaag, gaar ahaan laamiga dhinaca Sayidka looga dago, iyagoo kaabiga u saaran Isgoyska H/wadaag.

Dhaq dhaqaaqyada cusub ee ay bilaabeen Ahlu Sunah ayaa la sheegay mid bilow u ah dagaalo ay Muqdisho si toos uga bilaabaan, iyadoo shalay ay aheyd bandhigii u horeeyay ee gulufkooda dagaal.

Afhayeenka Ahlu Sunay Abuu Yuusuf ayaa sheegay inuu bilaabay dagaalkii ay Muqdisho kaga xoreynayeen dhinacyada ka soo horjeeda, isagoo xusay in saacadaha soo socda ay geli doonaan Suuqa Bakaaraha.

Dowladda KMG ayaa u ogolaatay Ahlu Sunah in ay ka dagaalanto magaalada Muqdisho, kaasoo ah qeyb ka mid ah heshiiskii ay ku kala saxiixdeen Magaalada Addis Ababa, oo dhigayay in ay iska kaashadaan dagaalada

Posted in DhacdooyinComments (0)

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ansixiyay Qaraar qabyo oo ku aadan burcad badeedka somalia

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ansixiyay Qaraar qabyo ah oo ay soo jeedisay Dowladda Rushka kaasoo lagula dagaalamayo Kooxaha Burcadbadeedda ee ka qowleysata Biyaha Soomaaliya.

Docoment Qoraal ah oo looga codasanayo Xoghayaha Guud ee Qareamada Midoobay Bankin Moon inuu ku soo diyaariyo Qaab sharci ah oo caalami ah, islamarkaasna ku aaddan warbixintaan Qabyada ah si loola dagaalamo Kooxda Burcadbadeeda   muddo Saddex bilood ah.

Sidoo kale Qaraarkaasi qabyada ah ee ay soo jeedisay Dowladda Ruushka Golaha ayaa si loo dhan yahay isugu raacay in la ansixiyo, waxaana la codsaday in lagu dhawaaqo Tallaabo ka dhan ah kooxaha burcadbadeedda Soomaalida oo qaraarku ku sifeeyay Dambiileyaal.

Wadamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobe ayaa horay u bilaabay inay la dagaalamaan Kooxaha Burcadbadeedda Soomaalida, kuwaas oo Maraakiib dagaal keenay Biyaha Soomaaliya, waxaana dalalkaasi ka mid ah Mareykanka, Ruushka, Shiinaha Ururka gaashaan buurta NATO iyo Midowga Yurub, kuwaas oo Maraakiibtooda dagaalka Xarun uga dhigay Gacan biyoodka cadmeed, halkaas oo si wayn  saameyn ugu yeesheen Kooxaha burcadbadeedda Soomaalida iyo Geeska Afrika.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Axmed Madoobe”Xasan Dahir waa nin fuli ah oo ka cabsada Shabaab”

Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay eedeyntii shalay uu u soo jeediyay Sheekh Xasan Daahir isagoo dhinaca kalana sheegay in uu sii wadayo dagaalada uu kula jiro AL Shabaab.

Axmed Madoobe oo ka tirsana saraakiisha ururka xisbul islaam in mudo ahna dagaalo uu kaga soo horjeedo Al shabaab ka waday qeybo ka mid ah gobalka jubada hoose ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii shalay kasoo yeeray hogaamiyaha uruka xisbul islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys  kaa oo ku eedeeyay Sheekh Axmed Madoobe in uu heshiis la galay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaa uu sheegay in hada oo mudo todobo bilood laga joogo markii ay qarxeen dagaaladii ka dhacay magaalada kismaayo oo uu ku tilmaamay mid iyago looga xaq darnaa in iyaga ay war ka sugayeen hogaanka xisbul islaam si hogaanka Shabaab ay ugala hadlaan meelaha ay wada joogaan danbiga uu tilmaamay in iyaga laga galay maadaama ay u dagaalamayeen ururka xisbul islaam isagoo sheegay in hada ay lama filaan ku noqotay warka kasoo yeeray Sheekh Xasan Daahir Aweys ayna aad uga xumaadeen

Balse waxaa uu  qiray in uu jiro shir uu gudaha Soomaaliya uu kula yeeshay wasiir ka tirsan dowalda KMG ah oo ah wasiirka Gaadiidka cirka iyo dhulka Maxamed  Cabdi Gaandi, Odayaal dhaqameedyo iyo waxgarad kasoo jeeda gobalada jubooyinka shirkaasi oo loo wajahay qaab degaan oo aan lisku soo hadal qaadin  magac dowladeed waxa laga hadlayna ay aheyd gacanta uu ka geysankaro ciidamada dowlada KMG ee lagu soo Tababaray dalka Kenya oo badankood kasoojeeda gobalada jubooyinka kuwaa oo dowldaha soomaaliya iyo kenya ay ku raja dheeryihiin in dhawaan ay soo geliyaan gobaladaasi isagoo dhinaca kalana sheegay in aanu garankarin waxa uu yahay xiriirka kala dhexeen kara dowlada kenya marka laga reebo in dadka ku dhawaacma dagaalada jubooyinka lagu dabiibo gudaha dalkaasi.

Waxaa uu sheegay in Xasan Dahir Awalba uu ka aamusnaa dilal loo geystay Saraakiil ka tirsan Xisbul islaam kuwaas oo dilalkooda ay ka dambeeyan shabaab

Posted in DhacdooyinComments (0)

Bomb ku qarxay Masjidka Abuu hureeyra

Hal ruux ayaa ku geeriyooday laba kalena wey ku dhawacmeen bamba nooca gacanta laga tuuro ah oo galinkii dambe ee maanta ku qaraxay mid ka mid ah albaabada laga galo masjidka Abuu Hureyra ee suuqa Bakaraha.

Qaraxa bamkaan ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay mid ka mid ah maleeshiyada shabaab oo ku sugnaa albaabka Masaajidka.

Ninka geriyooday ayaa goob ganacsi oo lagu iibiyo malabka iyo xabatul sowdada ku lahaa meel ku dhow illinka hore ee masaajidka. Halka labada qof ku dhaawacantay.

Masjidka Abuu Hureyra waa goobta ugu weyn ee ay inta badan iskugu tagan maleeshiyaadka Shabaab

Wararka ayaa sheegaya in qorshuhu ahaa in halkaas lagu dilo sarkaal ka tirsan shabaab, iyadoo falkan uu daba socday mid ka dhacay degmada Diinsoor.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shabaab oo qaraxi ismiidaaminta maanta ugu aaray Abu Cumar Al Baqdadi iyo AMISOM oo ka hadashay weerarka

Kooxda Shabaab ayaa marki ugu horeysay si rasmi ah uga hadashay qaraxi maanta lagu weeraray AMISOM ee ismiidaaminta ahaa iyaga oo ku sifeeyey mid aargoosi ahaa.

Afhayeenka Shabaab Cali Dheere oo shirjraa’id qabtay ayaa carabka ku adkeeyey in qaraxaasi ay ugu aareen laba homaaye oo ka tirsanaa Al Qaacidada dalka Ciraq kuwaas oo kala ah Abu Cumar Al Baqdadi iyo Abu Xamsa oo lagu dilay Ciraaq.

“Waxaan ugu aarnay laba walaal oo ka mid ahaa geesiyaasha Islaamka oo ay gaalada dhawaan ku dileen duqeymo kuwaas oo kala ah Abu Cumar Al Baqdadi iyo Abu Xamsatul Muxaadir, Islaamka meel kasta uu joogo waa walaalo wuuna isu aarayaa, waxaan ka aaryenaa mushrikiinta meel kasta oo ay joogaan” ayuu intaasi sii raaciyey.

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in weerarka uu qeyb ka ahaa sidii ay ugu aari lahaayeen dad Soomaaliyeed oo ay dhawaan ciidamada dowlada ka saareen guryaha ay maanta lagu weeraray AMISOM.

Dhinaca kale Afhayeenka AMISOM Major Brijiye Bohuko oo isna shir jaraa,id ku qabtay Muqdisho ayaa beeniyey in qasaaro xoog leh uu kasoo gaaray qaraxi maanta,wuxuu ku adkeystay in ciidamadoodu ay fashiliyeen qarax ismiidaamin ah.

Cali Dheere ayaa faah faahin ka bixiyey sida uu u dhacay qaraxa iyo qasaaraha uu geystay.

“Waxa ka dhacday Muqdisho camaliyo istishhaadiyo ah oo barakeysan waxaa lagu qaaday bankigi hore ee Ganacsiga oo ay hada daganyihiin gaalada loogu yeero AMISOM, xogta dhabta ah ee aan ka heyno ayaa ah in uu gabi ahaan baab,ay gurigii bankiga, waxaa ku dhintay labaatameeyo ka tirsan gaalada” ayuu yiri Sheekha.

Qaraxan ayaa waxaa fuliyey sadex nin oo watay gaari UD ah waxaana inti aysan gudaha u galin rasaas ku furay askari ka tirsan AMISOM inyar kadibna gaariga ayaa ku qarxay afaafka hore.

Dhinaca kale AMISOM oo ka hadashay waxay beenisay in askar badan ay kaga dhimatay.

Afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa sheegay in laba askari ay kaga dhaawacantay qaraxi ismiidaaminta ahaa.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Qarax Ismiidaamin ah oo lala beegsaday Fariisin ay AMISOM ku leeyihiin Muqdisho

Weerar ismiidaamin ah ayaa lagu weeraray fariisin ay Ciidamada nabad Ilaalinta ee AMISOM ay ku leeyihiin Bangigii hore ee Ganacsiga ee Magaalada Muqdisho.

Weerarkaan ayaa loo adeegsaday gaari nooca 110 loo yaqaano ah, oo lagu soo raray waxyaabaha qarxa, wuxuuna ku qarxay meel ku dhow fariisnka ay ciidamadu ku sugan yihiin.

Sarkaal ka tirsan AMISOM oo ku sugna goobta qaraxu ka dhacay ayaa xaqiijiyay in gaariga ay ka shakiyeen ka dibna ay rasaas huwiyeen ciidamda AMISOM, ka dibna uu is qarxiyay, wuxuuna sheegay in aysan wax dhibaato ah ka soo gaarin AMISOM.

Ciidamadaan dhawaan ayaa la dajiyay Hoteelka Curuba iyo Bangigii Ganacsiga ee Hore, waxaana halkaas looga raray dad barakacaayal ah oo ku soo qaxay.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Saraakiil Shabaab oo dhexdooda is qarxiyay

Qarax weyn oo xalay ka dhacay degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa sababay dhimashada xubno ka tirsan Al Shabaab iyo dhaawac soo gaaray Guddoomiyihii Shabaab ee degmadaas.

Wararka ayaa sheegaya in Saraakiil Shabaab oo ka tirsan oo ka soo baxay Masjid ku yaala degmada Diinsoor loo dhigay qarax ay soo abaabuleen isla xubno ka tirsan Shabaab.

Qaraxaas oo dhacay Salaadii cisho kadib ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa iyo 8 xubnood oo uu ku jiro Guddoomiyihii Shabaab ee degmada Diinsoor sidoo kalena waxaa ku dhintay qaraxaas labo sarkaal oo shabaab ka tirsan.

Ilo wareedyo ku sugan Diinsoor ayaa waxay xaqiijiyeen in qaraxan ay ka dambeeyen Xubno shabaab ka tirsan kuwaas oo damacsanaa in la khaarajiyo Guddoomiyaha Shabaab ee degmadaas kaas oo hadda dhaawac culus la jiifa.

Dhacdadan ayaa waxay cabsi ku abuurtay xubnaha shabaab ee degmadaas ku sugan.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Danjire America oo lacago kaash ah oo dhiiri gelin ah guddoonsiiyay cayaartoyda iyo macalinka xulka qaranka Somaliyed (Daawo Sawirada)

Safiirka dalka Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya Mudane Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa xalay munaasabad casho sharaf ah oo sagootin ah u sameeyay xulka qaranka kubada cagta da`doodu ka yartahay 17-ka sano jirka.

Munaasabada casho sharafta oo ka dhacday hotel Barakaat ee magaalada Nairobi ayaa waxaa kaasoo qeyb galay masuuliyiin ka socotay safaarada Soomaaliya ee Kenya, xubno ka tirsan dowlada Soomaaliya golayaasheeda iyo taageerayaasha kubada cagta ee ku sugan dalka Kenya.

Ugu horeyn waxaa munaasabada hadal ka jeediyay caamir cabdi Xasan  ah hogaamiyaha wafdiga Soomaaliya waxaana uu sheegay in safiirka iyo dhamaan xubnaha safaaradu ay wax ka dhaliyeen guusha qaran oo xulku gaaray.

“Safiirku waligiis kama maqnaan cayaar Soomaaliya ka qeyb galeyso oo ka dheceysa dalalka Kenya, taas ayuu kaga duwan yahay mas`uuliyiinta kale ee Soomaaliyeed waana masuulka qaran ee taageerada ugu weyn mar kasta la garab taagan xulka Soomaaliya” ayuu yiri Caamir Cabdi Xasan.

“Mar waliba taageero hiil iyo hooba leh ayuu safiirku nala garab taagan yahay kaalin weyn oo muuqatana wuxuu kasoo qaatay horumarinta isboortiga dalka” ayuu munaasabada ka sheegay hogaamiyaha wafdiga Soomaaliya Caamir Cabdi Xasan.

Tababaraha qaranka Maxamed Cabdulle Farayare oo isna xaflada sagootinta ah ka hadlay ayaa sheegay in diyaarinta xulkan dhibaato badan lagasoo maray, wuxuuna amaan balaaran u jeediyay safiirka, xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo cid kasta oo gacan ka geysatay horumarinta kubada cagta Soomaaliyeed.

Sidoo kale safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) oo munaasbada soo xiray ayaa sheegay intii karaankiisa ah in uu wax kasta la garab taagan yahay xulka qaranka Soomaaliya.


“Magaca, calanka iyo sharafta Soomaaliya ayaad kor u qaadeen waana idinku bogaadinayaa howsha qaranka Soomaaliyeed aad u heysaan, waxaana idin sheegayaa in in dowlada soomaaliyeed ay ku faraxsan tahay kaalinta aad qaranimada Soomaaliya kaga jirtaan” ayuu yiri safiirka oo hadalkiisa ku wajahayay cayaartoyda xulka qaranka Soomaaliyeed.

“Anigoo og dhibaatada dalkeena ka taagan tahay, xaalada Xulka Soomaaliya ku sugan yahay dhan walba waxay qiyaasi waayay farxada guushan”ayuu yiri Maxamed Cali America.

Casha sharaftaas loo sameeyay xulka Qaranka Soomaaliya dadiisu ka yartahay 17 sano jirka una soo baxay wareega 2aad ee isreebreebka tartanka dhalinyaradda  qaaradda Africa ee CAF, kadib markii ay guul ka gaareen xulka Kenya ayaa waxaa ka soo qeybgalay marti sharaf kala duwan xubno ka tirsan Dowladda KMG ah, Jaaliyadda Soomaalida ee Kenya, Cayaartoy hore u soo martay Xulka iyo xubno kale oo aad u fara badan ayaa lagu qabtay Hotelka Barakaat ee Magaalada Nairobi.

Xubno ka tirsan Ganacsatada Soomaalida oo ay ka mid tahay haweenayda lagu magacabo Khadiijo Cosoble ayaa ka mid ahaa dadkii lagu casuumay xafladaas.

Tababaraha Xulka soomaaliya Mr Fare Yare oo ka hadlay munaasabadaas ayaa u mahad celiyay taageerayaasha kubadda Cagta ee Soomaaliya, gaar ahaan waxaa uu soo qaatay Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali America isagoo sheegay in Safiirka taageero ballaaran oo la ilaabi Karin u fidiyay Xulka.

Danjire Maxamed Cali America ayaa u sheegay Cayaartoyda Qaranka in aysan is dhigin oo ay sii laba laaban dadaalkooda ku aadan guusha, isagoo u ballan qaaday cayaarta soo socota ee Xulka Masar la yeelan doonaan taageero dhan walba leh, wuxuuna sheegay haddii xulka soomaaliya ay ka badiyaan Masar tababar loo geyn doono dal ka mid ah Qaaradda Yurub.

“Guul taariikhi ah ayaad keenteen, qof kasta oo Soomaali ahna guushaas meesha uu joogo ayuu kula naaloonayaa” ayuu hadalkiisa sii daba dhigay safiirka dalka soomaaliya ufadhiya dalka Kenya maxamed Cali Nuur (Ameeriko) oo ugu dambeyntiina lacago kaash ah oo dhiiri gelin ah guddoonsiiyay cayaartoyda iyo macalinka xulka qaranka Soomaaliyeed

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shabaab oo Magaalada Marka ka bilaabay inay dhalinyarada si xoog ah u dagaal geliyaan

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xabsiga magaaladas ay ku xiran yihiin dhalinyaro badan oo diiday in ay ka qeyb qaatan dagaalada ka socda soomaaliya ee shabaabka ku lugta leeyihiin.

Wararka ayaa sheegaya in xataa Shabaabka ay bilaabeen in baabuurta ku sii jeeda jubbooyinka ay kala soo degaan dhalinyarada saaran kadibna lagu qasbo in ay qaatan hubka oo ay la dagaalaman Dowladda KMG ah iyo cid kasta oo shabaab ka soo horjeeda.

Mid ka mid ah dadka degan Marka ayaa inoo xaqiijiyay in Xabsiga Magaalada ay ku xiran yihiin qiyaastii 70 dhalinyaro ah oo ka biya diideen amarka shabaab ee ah in ay ka qeyb qaatan dagaalada.

“Waxaa lagu leeyahay dagaalka ka qeyb qaado, oo Jihaadka aad haddii kale xabsi ama dil ayaa mudan tahay”sidaas ayay ku doodayan xubnaha shabaab ee magaalada Marka ku sugan.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Culumada ASWJ oo xalay Howl Gal ka fuliyay degmada Dooloow

Culumada Ahlu Sunna Waljamaaca ee ku sugan ee ku sugan gobolka Gedo ayaa howl gal amaanka lagu xaqiijinayo ka fuliyay degmada Dooloow ee gobolka Gedo.

Howl galkaasi ayaa lagu dilay hal qof oo ay Culimadu ku tilmaameen in uu ka tirsanaa Maleeshiyada Shabaab ee dhibaatada ka wada dalka Soomaaliya.

Madaxa Dacwada ee Ahlu Sunna Sh. Maxamed Abul Qaadi ayaa xaqiijiyay in ninkaan ay toogteen xoogagga ASWJ uu ku hubeysnaa Bastoolad, diidayna in uu u hogaansamo amarka Ciidanka.

Maleeshiyada Shabaab ee ku sugan Beled Xaawo ayaa bilaabay dhaqdhaqaaq noocaan oo kale ah oo ay ku baarayaan dadka shacabka ah.

Degamada  Doolow waxaa ku sugan masuuliyiin ka socda ASWJ iyo Dowladda KMG ee Soomaaliya waxaana sidoo kale jooga Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG Soomaaliya iyo Ahlu Sunna Waljamaaca

Posted in DhacdooyinComments (0)

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa La Kulmay Golaha Wasiirada

Villa Somalia, Muqdisho, Soomaaliya –  Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kulan dheer la qaatay Golaha Wasiirada ee Xukuumadda KMG ah.Kulankan waxa uu daba socdey kulamo uu maalmahaan Madaxweynuhu la lahaa Xildhibaanada, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha iyo masuuliyiinta kale ee Qaranka.

Ujeeddada kulanka maanta iyo kulamadii ka horreeyey waxa ay qayb ka yihiin doomid uu Madaxweynuhu doonayey in uu dhageysto Masuuliyiinta Qaranka iyo weliba dadaal uu ugu jiro habsami u socodka masuuliyadaha DFKM, mideynta aragtida masuuliyiinta dowladda iyo ka hor-marinta danta ummadda danaha siyaaasadda iyo kuwa shakhsiga.

Madaxweynuhu waxa uu ku adkeeyey xubnaha Golaha Wasiirada ee uu maanta la kulmay iyo Xildhibaanadii uu shalay la kulayba, in isku duubni looga bixi karo musuuliyadda-wadareed ee ay xubnaha DFKM xambaarsan yihiin, isaga oo Madaxweynuhu uu aad carrabka ugu adkeeyey in xiisadaha siyaasadda ee hadda jira la dejiyo, khilaaf kastana lagu xaliyo sida ugu mudan, maslaxadda Qarankuna ay ku jirto.

Madaxweynuhu waxa uu u sheegay dhammaan masuuliyiinta uu la kulmay in midnimo, dulqaad iyo naf-hurid looga gudbi karo culaysyada ammaan iyo bini’aadamnimo ee horyaal ummadda Soomaaliyeed, kuwaas oo ay tahay in juhdiga ugu weyn la geliyo sidii loo xallin lahaa.

Madaxa Xafiiska Madaxweynaha
Agaasinka Warfaafinta
War-Saxaafadeed
Sunday, April 25, 2010

Warfaafinta Madaxtooyada
Email: media@sompresidency.org

 

Posted in DhacdooyinComments (0)

Maleeshiyada Al Shabaab oo Afduub ku haysta Qoys laga gardaran yahay

Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay falkaan afduubka ah ee maleeshiyada Shabaaku ay gaysteen ayaa waxaa uu dhacay muddo Isbooc laga joogo, illaa hadana lama oga waxa ay rasmi ahaan ku sugan tahay xaaladda dadkaasi u gacan galay dablayda shabaab

Dadka ay qafaasheen Alshabaab ayaa waxaa ay dhamaantood ka soo jeedaan hal qoys, waxaana ay kala yihiin nin dhaqtar ah oo lagu magcaabo Dr. Xasan Cali Maxamuud oo loo yaqaan Caana Booro, labo wiil oo uu dhalay iyo wiil uu adeer u yahay.

Wararka ku saabsan sababta ka danbaysay afduubkooda ayaa sheegaya in markii hore uu salka ku hayay muran dhaqaale oo soo kala dhex galay mid ka mid ah ragga la afduubay iyo shaqsiyaad ka agdhaw kooxda Alshabaab horjoogayaal ka tirsan.

Afduubka dadkaan ayaa waxaa si gaar ah loola xiriirinayaa horjooge ku caanbaxay naxariis darro oo magaciisa lagu soo gaabiyay Mustaf Qoorgaab, kaas oo ka tirsan kooxda Alshabaab isaga gacantiisa ayaana dad ugu war dambaysay raga afduuban oo aan war iyo wacaal toona laga hayn muddo ka badan todobaad.

Aabaha isaga iyo caruurtiisa ay qafaaleen Alshabaab ayaa waxaa uu yahay shaqsi si wayn looga yaqaan degmada Huriwaa, oo uu muddo dheer ka mid ahaa waxgaradkeeda, goobo ganacsina ku lahaa, lagumana aqoon wax aan ahayn inuu ahaa nin jecel nabada iyo horumarka.

 

 

Posted in DhacdooyinComments (0)

Fu’aad Shongole oo Rideeyay Tifaftirayaasha Laamaha Afsoomaaliga BBC-da iyo VOA-da

Daaciga maleeshiyada Alshabaab Fu’aad Maxamed Khalaf (Shongole) ayaa markii u horeysay soo saaray Liis cusub oo shaqsiyaad saameyn ku leh siyaasada Soomaaliya ku Rideeyay, kadib khudbad uu jimcihii ka jeediyay Masaajid ku yaala Suuqa Daawada ee Bakaaraha.

Fu’aad Shongole ayaa khudbada uu ka jeediyay Masaajidka waxaa uu kaga hadlay shaqsiyaad uu sheegay in ay ka baxeen Diinta Islaamka iyo xukunka ay leeyihiin, isagoo ka magac dhabay Tifaftiraha Laanta Afsoomaaliga BBC-da Yuusuf Garaad Cumar iyo Tifaftiraha Laanta Afsoomaaliga ee VOA-da C/raxmaan Yabarow.

Khudbada Mr Shongole oo ay dhageysanayeen boqolaal ruux oo u badnaa dadkii Salaada Masaajidka ku tukanayeen ayaa ka sheegay Masaajidka in ay Ridoobeen shaqsiyaadkaas, waxaana cinwaanka khudbadiisa uu uga dhigay Murtadiin cusub.

Sababaha uu diinta uga saaray ragaasi Fu’aad Shongole ayaa waxaa ka mid ahaa in ay wadaan mu’aamaraad ka dhan Shabaab, dagaalo iyo borobagaando afka ah, wuxuuna si gaar u soo qaatay tallaabadii ay kaga joojiyeen dhageysiga Idaacadaha Fm-ka magaalooyinka ay maamulaan Waxaa uu sheegay in raggaas ay mudan yihiin in lagu qaado Xukunka alle, oo ugala jeeday in aragti lagu toogto, isagoo soo qaatay aayado iyo axaadiis uu soo daliishaday.

Sidoo kale waxaa uu khudbadiisa ku soo qaatay Siyaasiga caanka ah Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan iyo Gudoomiyaha Guud ee Ahlusuna Waljamaacah Macalin Maxamuud, kuwaasoo uu si cad u sheegay in ay Diinta ka baxeen, oo ay Murtadiin yihiin.

Fu’ad Shongole oo dhinaca wacyi gelinta iyo baraarujinta u qaabilsan Al-Shabaab ayaa sanadi 2008 ka soo saaray Magaalada Muqdisho fatwo uu ku gaaleysiiyay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Baarlamaanka, iyo dhamaan shaqaalaha dowladda waxay doonaan, isagoo ugu baaqay gabadhaha ay ka qabaan walaalahood in ay ka furtaan.

Wuxuu xilligaas ku sheegay in aragti lagu toogto xataa kan Baabuurka u wada Dowladda, iyo inaan la cuni karin xoolaha ay qalaan, caruurtii ay dhalaana ay yihiin kuwo aan xalaal ku dhalanin.

Laakiin Fatwadiisa cusub waxaa uu ku soo daray madaxda warbaahinta caalamiga, kuwaasoo uu ku sifeeyay in ay taageersan yihiin Reer galbeedka, waa sida uu hadalka u dhigay

Posted in DhacdooyinComments (0)

Afar Markab oo kuwa dagaalka ah ayaa weerar ku qaaday Dekedda Hobyo

Sida ay sheegayan wararka naga soo gaaraya Gobolada Dhexe ee Soomaaliya, Ciidamada Caalamiga ee ilaaliya xeebaha Soomaaliya oo sanadihii ugu dambeeyay ku bateen kooxaha burcad badeedka ayaa xalay 9 kii saac  weerar hubeysan ku qaaday xeebta ama dekadda hobyo, iyagoo burburiyay doonyo halkaas ku xirnaa.

Oday ka mid ah odayaasha degaanka Hobyo oo lagu magacabo Jimcaale Guuleed ayaa xaqiijiyay weerarkaas wuxuuna sheegay in si xoog ah ku soo galay Dekedda waxayna burburiyeen dhamaan doonyo ku xirnaa Dekedda iyagoo qaar kalena qaatay.

Jimcaale, ayaa sheegay in doonyaha la burburiyay ka sokow Ciidamadaas watay afar markab oo kuwa dagaalka ah horey u sii qaateen 3 doonyo oo sida uu sheegay odayga ay lahaayeen dad kalluumeysata ah.

Intaas kadib galabta abaarihii 11-kii saac ayay mar kale ku soo laabteen ciidamadaas Dekeda Hobyo, wuxuuna sheegay oday Jimcaale in markii ay soo laabteen ay rasaas ku fureen dekedda iyo magaalada.

Waana markii ugu horeysay oo ciidamada Caalamiga ee dagaalka kula jira kooxaha burcad badeeda soomaalida weerar ku qaadan degaanada la aaminsan yahay in kooxaha burcad badeeda ku badan yihiin.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Ciidamada Ahlu sunna oo heegan buuxa la geliyay

Ciidamada Ahlu sunna Waljameeca ayaa heegan buuxa la geliyay kadib markii degaanada ceeldheer iyo Masagawaay la wareegen maleeshiyada shabaab iyo dagaalyahano al qaacida ah.

Maleeshiyada Shabaab ayaa  sida la sheegay weerar ku ah Degmada Dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud iyo degaanka Guriceel.

 

Sida laga soo xigtay Saraakiisha Ahlu suna, waxaa heegan buuxa la geliyay ciidamada ku sugan degaanada Guriceel,Dhuusmareeb sidoo kalena waxaa la diyaariyay ciidamo kale oo iyagana ka saari doonaan degaanka Ceeldheer maleeshiyada shabaab.

Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan maleeshiyo alshabaab oo uu horkacayo Sheekh Muqtaar Roobow Abuu masnuur in ay usoo ruqaansadeen dhanka iyo Gobolka galgaduud si uu qeyb uga noqdo dagaalka alshabaab ku doonayaan in ay la wareegaan guud ahaan gacan ku heynta Gobolka

Dadka ka faalooda dagaalada soomaaliya ka socda ayaa waxay sheegayan in shabaabka jab weyn ka soo gaari doono dagaalada gobolada dhexe.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Ciidamo fara badan oo la geeyay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada oo bakooradooda diyaarsanaya

Iyadoo ay cirka isku sii shareereyso khilaafka u dhaxeeya Xubnaha Baarlamaanka ee ku aadan sharci ahaanshaha Xilka Gudoonka ayaa waxaa saacadihii u dambeeyay magaalada laga dareemay dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed.

Xarunta Golaha Shacabka oo berri lagu madlan yahay inuu ka furmo kalfadhiga Baarlamaanka ayaa waxaa la geeyay Ciidamo fara badan, kuwaasoo sugaya ammaanka xaruntaas.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada ay qeyb ka yihiin kuwo Nabad ilaalinta AMISOM, waxaana xarunta Baarlamaanka laga dhigay goob ciidan sida ay soo sheegeen wariyeyaasha oo maanta booqday.

Kalfadhiga berri lagu madlan yahay ayaa laga cabsi qabaa in ay ka dhacdo fowdo iyo rabshado dhex mara Mudanayaasha dhexdeeda, kadib markii qaar ka mid ah Xildhibaanada ay sheegeen in ay dagaalami doonaan hadii kulanka shir gudoomiyo Aadan Madoobe.

Aadan Madoobe oo maanta saxaafada Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay soo fara gelisay khilaafka, isagoo sheegay in hada ay jirto isu soo dhowaansho, isla markaana laga gudbi doono khilaafka Baarlamaanka sida uu hadalka u dhigay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Xildhibaanada qaar ay diyaarsadeen Bakooradooda, si ay uga dhiidhiyaan xeeladaha u degsan Gudoonka Baarlamaanka, waxaana Xildhibaanada ay yihiin kuwo aad u kala qeybsan.

Dadka reer Muqdisho ayaa il gaar ah ku haya kulanka berri Baarlamaanka oo ah maalin cabsi u ah, maadaama qolyaha Mucaaradka laga cabsi qabo in ay weeraro madaafiic la dhacaan.

Ka sokow xaaladaha iminka jira waxaa dad badan ay dhagahooda ku soo dhacayeen dhacdadii sanadkii 2005-tii Bishii Maarso ee Magaalada Nairobi ka dhacday, xilligaasoo Xildhibaanada Baarlamaanka ay isla dhaceen Kuraas iyo Bakoorado.

Laakiin dadka qaar ayaa sheegaya in xaalada hada taagan ay ka xun tahay sidii Nairobi ka dhacday, waxaana jira Xildhibaano badan oo Bastoolado heysta, kuwaasoo hadii aan kulanka berri loo ogolaan in ay la soo galaan Xarunta laga yaabo in fadhiga Baarlamaanka toogasho ka dhacdo.

Xiisada Baarlamaanka ka dhex holceysa ayaa waxay sii xoogeystay markii shalay in ka badan 300-xildhibaan ku dhawaaqeen in aanu shir gudoomin karin Aadan Madooba

Posted in DhacdooyinComments (0)

Xulka Somaliya oo u soo gudbay wareega Labaad tartanka 17 sano jirada CAF

Xulka Qaranka k/cagta Soomaaliya gaar ahaan ciyaartoyda da’dooda ay ka yartahay 17 sano jirka ayaa waxey soo gaareen wareega Labaad ee tartanka Xulalka 17 jirka ee Caf kadib markii lugtii labaad ee Cayaar ay la yeeshen Xulka dalka Kenya ku dhamaatay 0-0.

Cayaartaas oo galabta ka dhacday magaalada Nairobi ayaa 90-kii daqiiqo oo ay socotay waxay ku soo dhamaatay 0=0 taas oo natiijadeedu ku farxeen taageerayaasha Xulka soomaaliya maadama kulankii hore oo ka dhacay dalka Jabuuti ay soomaaliya ku soo badisay 3-1.

In kastoo kulankii galabta labada xul soo bandhigeen cayaar aad u xiiso badanayd haddana wax goolal ah la iskama dhalin.

Xulka Somaliya ayaa hadda u soo gudbay wareega labaad,Waxayna la cayaari doonaan xulka Masar ee 17 jirka ah

Posted in DhacdooyinComments (0)

Faallo: Geele oo Cagta Saaray Jidkii Keli talisnimada

Qalaalasaha iyo dagaallada sokeeye ee ka oogma Qaaradda Afrika waxaa sabab u ah madaxweyne inta la doorto ama ku yimaada afgembi milatari markeliya isku bedela kelitaliye macangag ah oo sheegta xukun ummad ka dhaxeeya dembiyana ku gala awoodda si aan ka fiirsasho lahayna ay u taageerto beesha uu ka soo jeedo oo eed u badheedha. Marka xaalad kelitalisnimo ku habsato dal, ummaddu muddo ayay samirtaa kuna dadaashaa inay furdaamiso xaaladda si looga hortago dhibaato guud oo dhacda. Haddii xukunka dulmiga ku dhisan uu diido furdaaminta iskana indhatiro u hoggaansanka dastuurka iyo maslaxadda guud ee ummadda, waxaa markaas qaraxda cadhada biirta ee dadweynaha waxaanay iska-badbaadisaa dulmiga. Sidaas ayuu ku dhashaa dagaalka sokeeye ee ka dhaca dal. Dastuurka oo lagu dhaqmaa waa danta iyo maslaxadda ummad waayo waxa uu horseedaa cadaalad, cadaaladuna waxay keentaa nabad iyo horumar halka cadaalad-xumada iyo dulmiga laga dhaxlo iska-horimaad, dagaal sokeeye, iyo burbur guud. Madaxda dalalka Afrika iyaga oo kelitalisnimadoodu iyo cadaalad-xumadoodu ka mas`uul tahay  dib-u-dhaca iyo dagaalada Sokeeye ee lagu hoobto ayay haddana dhibaatooyinkaas ku eedeeyaan waxay ugu yeedhaan isticmaar iyo dalal shisheeye.

Baarlamaanka dalka Jabuutii waxa uu Bishan April 2010 furay ama bedalay dastuurkii dalka  si madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle loogu doorto madaxweyne markasta cid kalena la tartamikarin mustaqbalka (Life President). Arrintan uu Baarlamaanka Jabuuti ku tallaabsaday waxay laashay doorasho xor ah oo dimoqraadi ah oo ka dhacda dalka Jabuuti waxayna dalka u sharciyaysay kelitalisnimo fool xun oo u horseedda dagaallo sokeeye iyo burbur la mid ah ta ka taagan Somalia. Xukun jacaylka madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo danaystinimada Baarlamaanka Jabuuti waxaa hore ugu kacay madaxweynayaal iyo baarlamaano dalal badan oo Afrikaan ah kuwaas oo kelitalisnimadii ay horseedeen dalalkaas dul keentay daruur madaw oo uu ka da`o dhiig badan sida ka dhacday dalalka  kala ah: Somalia, Uganda, Ethiopia, Rwanda, Liberia, Chad, Sierra Leone, Congo iwm. Madaxweynaha Jabuuti , Ismaaciil Cumar Geelle, oo ay hay`adaha xuquuqal insaanku (Amnesty International and African Watch) awelba ku eedeeyeen ku xad-gudubka joogtada ah ee xuquuqda muwaadiniinta Reer Jabuuti ayaa maanta u xuubsiibtay kelitaliye loona siiyay awood weyn inuu dembiyo culus ku galo xukun jacayl.

Dalka Jabuuti oo xoroobay July 27, 1977 waxa uu muddo 33 sano ah gacanta ugu jiraa Jilibka Mamaasan (Mamassen in French) ee ay ka dhasheen Xasan Guuleed Abtidoon oo muddo 22 sano ah (1977-1999) madaxweyne ka ahaa dalka Jabuuti iyo Ismaaciil Cumar Gheelle oo madaxweyne ka ah dalka Jabuuti laga soo bilaabo 1999. Dalka Jabuuti oo ah dal yar oo faqiir ah kuna noolyihiin qawmiyado kala duwan (Somali, Carab, iyo Canfar) waxaa dhaqaalaha yar ee dalka soo iyo awoodda siyaasaduba  gacanta ugu jiraan Jilibka Mamaasada iyada oo la ogyahay in ummaddu dhiig u wada daadisay xorayntiisa. Madaxweynihii hore ee dalka Jabuuti, Xasan Guuleed Abtidoon, ayaa xukunka u diyaariyay Ismaciil Cumar Geelle oo uu adeer u yahay si aan xukunka Jabuuti uga bixin gacanta jilibkooda.

Laga soo bilaabo 1979 waxay Jabuuti isku bedashay dal uu ka tasho hal xisbi oo lagu magacaabo RPP (The People’s Rally for Progress) (Rassemblement populaire pour le Progrès). Xisbigan xukun maroorsiga ku dhisan ee RPP waxaa aasaasay Xasan Guuleed Abtdoon si aan xukunka Jabuuti gacanta uga bixin Jilibkiisa. Baarlamaanka Jabuuti waxaa uu Ismaciil Cumar Geelle dhawaan u ansaxiyay inuu Xisbiga RPP u bedelo Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Somaliyeed (XHKS) ee Siyaad Barre si aan cid kale ugula tartamin jagada madaxweynanimada dalka Jabuuti. XHKS waa xisbigii Somalia u horseeday qaran-jabka iyo burburka ay ku jirto maanta. Somalia waxay gashay mustaqbal madaw markii la aasaasay XHKS sannadkii 1976 oo sidii Siyaad Barre ugu talogalay markiba u xuubsiibtay xisbi kelitalisnimo oo lagu dhiso qabiil. Sidaas waxaa Siyaad Barre ku dilay rajadii ummaddu ka qabtay in doorasho dimoqaraadi ahi ku soo laabato Jamhuuriyadii la odhanjiray Somalia sida uu caalamka u sheegijiray Siyaad Barre mar kasta. Cadaallad-xumadii iyo kelitalisnimadii XHKS horseeday waxay dhalisay dagaalladii sokeeye ee ka qarxay dalkii la odhanjiray Jamhuuriyadda Somalia taas oo ugu dambayntii keentay inay kala noqdaan Somaliland iyo Somalia sannadkii 1991 welina uu dabku ka holcayo Somalia.

Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday, Daahir Riyaale Kaahin, ayaa isna Xisbiga Udub ee talada dalka haya u bedalay Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Somaliyeed (XHKS) markii Huteelka Mansoor lagu qabtay Shirweynihii Labaad ee Xisbiga Udub  bishii February 2009 kadib markii uu gashaanka ku dhuftay in cid kale isku soo sharraxdo madaxweyne. Siyaasiyiintii iyo taageerayaashii Xisbiga Udub ayaa diiday oo fashiliyay kelitalisnimadaas Daahir Riyaale kadib markii ay ka baxeen xisbigaas kuna biireen Axsaabta Mucaaradka ah ee Kulmiye iyo Ucid. Ummadda Somaliland oo dhadhamisay naxariisdarrada kelitalisnimada xilligii Siyaad Barre marnaba ma aqbalayso kelitalisnimo dambe oo dalka iyo dadka burbur u keenta.

Kelitalisnimadu waa xukun maroorsi dulmi ku dhisan oo laga dhaxlo dagaallo sokeeye iyo burbur marka danta shakhsiga ah ama danta kooxeed iyo danta guud iska horyimaadaan. Kelitalisnimadu waxay muddo kooban kaga farxisaa kooxda yar ee ku adeegata waxayna kaga cadhaysiisaa ummadda oo aakhirataanka burburisa. Waxaa hubaal in dalka Faransiiska oo dusha ka ilaasha dalka Jabuuti aanu raalli ka ahayn dastuur furidda dalka Jabuuti oo buruburiyay rajadii laga qabay in nidaamka dimoqaraadiga ahi ka hirgalo dalkaas waxaanu walaac ka qabaa halista kelitalisnimada xukunka Ismaaciil Cumar Geelle u keenidoonto Jabuuti. Baarlamaanka dalka Jabuuti waxa uu noqday Golihii Dhexe ee XHKS oo u heesijiray una sacbinjiray kelitalisnimo ay intoodii badnayd eedeen. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ah cadowga kowaad ee qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu maantana  noqday cadowga kowaad ee ummadda dalka Jabuuti maadaama kelitalisnimada uu ku dhaqmayo burbur laga dhaxlidoono. 

Siyaasiyiinta, indheergaratada, ganacsatada, madaxda dhaqanka, iyo ummadda dalka Jabuuti waxaa lagula talinayaa in aanay marnaba aqbalin in dastuurka dalka Jabuuti loo furo ama loo bedalo danta shakhsiga ah ee kelitalisnimada ku salaysan ee Ismaaciil Cumar Geelle isla markaana ay xaqiijiyaan in doorasho xor ah oo xalaal ah ay ka dhacdo dalka oo ay madaxtooyada u tartamaan musharrixiin kale si ay uga badbaadaan cawaaqib-xumada kelitalisnimo. Beesha Ciisaha oo sharaf iyo sumcad wanaagsan ku leh Geeska Afrika waa in aanay maranaba oggolaan in kelitalisnimo ku salaysan danta shakhsiga ah ee Ismaaciil Cumar Geelle ay dhaawacdo sumcadeeda. Haddii ay lagama maarmaan noqoto waa in kelitalisnimada Ismaaciil Cumar Geelle looga hortagaa Kacdoon Dadweyne si xukunka dalka looga bedelo. Daahir Riyaale iyo kooxda yar ee maamusha Jamhuuriyadda Somaliland waxaa looga digayaa inay u hanqaltaagaan dastuur bedelidda u adeegaysa kelitalisnimada Ismaaciil Cumar Geelle (Constitutional amendment for Dictatorship) ee ka dhacday Jabuuti. Ummadda Somaliland waa in aanay marnaba oggolaan dastuur la furo iyo keltalisnimo dambe oo halis u soo jiidda. Dalka Jabuuti waxa uu cagta saaray Jidkii Kelitalisnimada waxaana ka badbaadinkara oo qudha dadkeeda.  

Ibrahim Hassan Gagale
Ibrahim_hg@yahoo.com

Posted in DhacdooyinComments (0)

Daawo Sawirada Shabaab lagu laayay degaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe

Kacdoon shacab oo ay ilaa iyo iminka ku gacan sareeyaan dadka deegaanka oo gacan ka helaya Ahlu-Sunnah Waljamaaca iyo dowladda Somaliya ayaa waxaa ay maalmihii u dambeeyay ka soconayeen magaalooyin iyo tuulooyin ku yaal gobolada Shabeelaha Dhexe iyo galgaduud kuwaasoo looga soo horjeedo maleeshiyaadka al-Shabaab oo la sheegay in ay dhibaato ku hayaan dadka ku dhaqan deegaanada ay goboladaasi ka joogaan.

Dagaaladii u dambeeyay ayaa waxa ay ka dheceen tuulooyinka Goddhurwaa, Bulacle, Masagawaay iyo Ceelgaras oo dhamaan ku wada yaal Gobolka Galgaduud, halka degmada Aadan Yabaal iyo tuulooyin hoos yimaadana iyo deegaano hoos yimaada magaalada Jowharna ay iyana ka bilowdeen kacdoon shacab.

 

Dhamaan deeganadii lagu dagaalamayay maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa la wareegay dadka deegaanka oo gacan ka helaya ciidamada Ahlu-Sunnah, waxaana ay dagaaladaasi reebeen khasaarooyin soo kala gaaray garbaha dagaalamaya iyo dad rayid ah.

Sidoo kale tuulooyinka qaar ayaa waxaa lagu arkayay odayaal iyo dad la bireeyay kuwaasoo ay dadka deegaanku sheegeen in ay horay usii qowreceen maleeshiyaadka al-Shabaab ka hor in aysan ka bixin tuulooyinka

Posted in DhacdooyinComments (0)

Malaria risk in Somalia declines by over 50 per cent

Nairobi, Kenya, 25 April 2010 – New research commissioned by UNICEF Somalia into estimates of malaria transmission in Somalia indicates a major decline in risk from the disease from 2005 to 2009. This decline has resulted in a nationwide reduction of over 50% in the number of Somalis getting sick or dying from malaria.

“UNICEF and its partners in the Global Fund Malaria Programme for Somalia have worked hard to prevent malaria cases and improve access to effective diagnosis and treatment.  While not all the decline in cases can be attributed to these efforts in improved control and treatment, it is gratifying to see that in such a difficult operating environment real positive change is possible,” said Rozanne Chorlton, UNICEF Representative for Somalia on the occasion of World Malaria Day today.

The Global Fund Malaria Programme has focused on community-based distribution of long lasting insecticide treated bed nets to those communities living in higher prevalence areas as well as increased training of health workers to enable them to provide effective diagnosis and treatment of malaria.

In most African countries where malaria is common, treatment is normally based on assumptions – without testing – that fever means malaria. More often individuals start taking action either by self medication with drugs bought over the counter or other local remedies from a herbalist. In response to this, it is imperative to devolve capacity to effectively diagnose and treat malaria.  But if a fever is not malaria it must also be treated otherwise medical staff are pressured to treat for malaria no matter what the test says.   

The approach to train health workers in fever management is aimed at building their capacity to manage other conditions that present themselves with fever that include measles, ear infections, sore throat or pneumonia. By being trained on how to conduct a simple 15-minute rapid diagnostic test, a health worker is able to conduct a blood test to detect if a patient has malaria parasites or not and to provide the appropriate treatment.  

 “In some instances the true cause of fever may not be malaria and by not getting tested for malaria, individuals can miss the opportunity to treat the real cause of fever,” says Ahmed Jama – Malaria Coordinator for the Global Fund Programme in Northwest Somalia (“Somaliland”). “Generally we see that 1% of persons tested in Northwest Somalia actually have malaria while the others are suffering from other illnesses that require different treatment. Our programme aims to ensure all those with fever are treated – but treated for the right disease. ”

Financial support to the programme has been made possible through the Global Fund to Fight AIDS, Tuberculosis and Malaria. In 2006, UNICEF introduced the WHO-approved Artemesinin-based Combination Therapy (ACT) to all health facilities across Somalia except health posts (the lowest level of facilities). Now the challenge is to devolve treatment further to the numerous health posts. This has proven a significant challenge in a country with no functioning health system and on-going conflict.  Training materials have been simplified to a level that can be understood by Community Health Workers.

In the past six months UNICEF has supported the training of 393 Community Health Workers in the management of fever-related illnesses. These workers serve 180 of the estimated 480 health posts across Somalia. Efforts are under-way to expand the network of effective treatment still further. In addition UNICEF has distributed 732,000 long lasting insecticide treated nets over the last two years in malaria prone districts across Somalia. This has contributed to reduction of malaria morbidity. A recent survey indicates that distribution of nets has enhanced coverage to about 45% of households.

 

“UNICEF will continue to train health workers and supply all health facilities with rapid diagnostic tests for malaria and effective drugs so that people who suspect they have malaria get tested and treated,” says Ms Chorlton. UNICEF is committed to the achievement of Millennium Development Goal 6 – Combat HIV/AIDS, malaria and other diseases – while guaranteeing universal access to malaria prevention and treatment by all the Somali people.

Malaria remains a major public health challenge in Somalia that requires a concerted partnership to maintain the reductions in risk seen since 2005 and prevent its resurgence.

About the Global Fund Malaria Programme

UNICEF is the Principal Recipient of the Global Fund Malaria Grant for Somalia.  The Global Fund to Fight AIDS, Tuberculosis and Malaria has committed $26 million over five years till 2012 for the malaria control programme covering activities such as malaria case management; malaria prevention through community education and distribution of insecticide-treated mosquito nets; and capacity building of local health authorities. UNICEF collaborates with technical support from WHO and FSNAU while disbursing funds to 12 sub-recipients – COSV, Mercy USA, Muslim Aid, Trocaire, Havoyoco, CCM, HIRDA, MENTOR,  AMREF and the three Health authorities of Northeast Somalia, Northwest Somalia and Transitional Federal Government that implement malaria control activities across Somalia. 

About UNICEF

UNICEF is on the ground in over 150 countries and territories to help children survive and thrive, from early childhood through adolescence.  The world’s largest provider of vaccines for developing countries, UNICEF supports child health and nutrition, good water and sanitation, quality basic education for all boys and girls, and the protection of children from violence, exploitation, and AIDS.  UNICEF is funded entirely by the voluntary contributions of individuals, businesses, foundations and governments.

For more information please contact:

 

  • Austen Davis, Chief, Accelerated Child Survival (a.i), UNICEF Somalia. Mobile: + 254 737 196 094. Email: adavis@unicef.org.

   

  • Denise Shepherd-Johnson, Communication Chief, UNICEF Somalia. Mobile: +254 722 719 867. Direct line: +254 20 7623958. Email: dshepherdjohnson@unicef.org.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Ehelada Gudoomiyaha Hay’adda Isha Baydhabo oo walaac ka muujiyay halka ay Shabaab ku hayaan Gudoomiyaha.

Ehelada gudoomiyaha Hay’adda Isha baydhabo Human Rights oo ay dhawaan afduubteen maleeshiyada Shabab  ayaa walaac ka muujiyay xaaladda uu ku sugan yahay gudomiyahaas oo lagu magacaabo caalin Hilowle xasan.

Mid ka mid ah ehelada Gudoomiyaha ayaa sheegtey in markii maleeshiyada kooxda Alshabaab ay afduubka u geysanayeen Caalin ay wateen labo baabuur oo kuwa dagaalka ah,  islamarkaana uu ku sugnaa isagu gurigiisa,  waxayna sheegtey in ay gacmaha iyo indhaha ka xereen ka dibna sidaasi ay ku kaxeyteen.

Qofka ah ehelka Gudoomiyaha ayaa hadashay waxayna sheegtay in xiligii ugu war danbeysey   loo sheegay  in maleeshiyada Kooxda Alshabaab ay ula dhaqaaqeen dhanka iyo Magaalada  Muqdisho.

Dad badan ayaa ka shakisan xaalada nolol ee uu hadda ku sugan yahay Sarkaalkaas, waayo kooxda shabaab ayaa dhaqan u leh in ay iska dilaan ama gowracaan cid walba oo waxtar u leh bulshada soomaaliyed.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Kulankii Baarlamaanka oo dib u dhac ku yimid iyo Bakaaraha oo aan la isku salaamin

Iyadoo saaka lagu waday in Guriga Umada uu ka furmo kalfadhigii Baarlamaanka ee maalmahan la qorsheynayay ayaa goor dhow Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka waxay shaaciyeen inuu dib u dhac ku yimid.

Mudane ka tirsan Baarlamaanka ayaa  sheegay inuu dib u dhacay Kulanka Baarlamaanka, sababo ku aadan xaga farsamo, waxaana uu sheegay in Kulanka laga dhigay maalinta sabtida.

Kulanka Baarlamaanka oo aad looga hadal haayay maalmahan Magaalada Muqdisho ayaa markii lagu dhawaaqay inuu dib u dhac ku yimid, waxaa dadka qaar ka soo booday neef, taasoo ku aadaneyn hadii kulanka maanta dhaco ay magaalada ka dhici lahaayeen dagaalo iyo duqeymo.

Cabsida xalay ilaa saaka laga dareemayay magaalada ayaa aheyd dagaalo iyo duqeyn la fisho, kadib markii Kooxaha Mucaaradka ay diyaarsadeen Madaafiicdooda goobta, isla markaana hubanti aheyd in ay qal qal geliyaan kulanka ama Madaafiic ku weeraraan.

Suuqa Bakaaraha oo shalay nin walba uu dhegta isugu sheegay in aan berri ay guryahooda ka soo tagin, ayaa saaka ahaa mid albaabada u laabnaa, ma jirin cid isku salaantay, xataa goobihii maqaayadaha ayaa ahaa mid xirnaa.

Goobaha ganacsiga albaabada ayay u wada laabnaayeen sababo ku aadanaa qabsoomida Baarlamaanka oo lagu waday maanta, waxaa kaloo ay saameyn ku yeelatay gaadiidka dadweynaha oo saaka si dhif uga shaqeynayay xaafadaha.

Khilaafka Xildhibaanada Baarlamaanka iyo xiisadaha u dhaxeeya ayaa waxaa dadka kaga darnaa hadii uu qabsoomi lahaa kulanka, taasoo ahaan laheyd maalin geeri ah, marka ay timaado in Kooxaha Mucaaradka weerareen halka kulanka ka dhacayo iyo jawaabo cul culus oo ay ka bixiyaan Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM

Posted in DhacdooyinComments (0)

Marathon-ka Rajada Soomaaliya

Xarunta barlamaanka Yurub ee magaalada Strasbourg ee ku taal dalka Fransiiska ayaa bishan April 20-dii lagu soo gebagebeeyey orod dheer oo marathon ah.

Waxaa orodkan loogu magacdaray “Rajada Soomaaliya”, waxaana qorshuhu yahay in indhaha caalamka lagu soo jeediyo Soomaaliya, oo ku sugan xaalad aad u murugeysan oo ey halligeen dagaalo aan dhamaat laheen, burbur iyo gaajo.

Orodka maratoonka oo daboolay masaafo dhan 609 km waxa uu ka soo billowday magaalada Alessandria ee ku taal waqooyiga Talyaaniga bishan April 16di, waxaana ka qeybqaatay 12 orodyahan, 9 nin iyo 3 dumar oo ilaa iyo magaalada Strasbourg isu dhiib dhiibayey toosh nooca olimbika ah oo ka sameysanaa calanka iyo khariidada Soomaaliya.

Waxaa iyagoo sida tooshka ay orod ku mareen dalalka Talyaaniga, Swizterland Jarmalka iyo Fransiiska. Dal kasta oo ay orod ku maraan waxa ay xusuusinayeen inaan la iloobiin soomaalida dhibaateysan.

Waxaana xarunta barlamaanka Yurub ee Strasbourg subaxnimadii ku soo dhaweeyey, wafdi ka socday barlaamaanka Yurub oo ay u badnaayeen kuwa ka socday dhinaca Talyaaniga.

Galabtiina waxaa qaabilay guddoomiyaha baarlamaanka Yurub, Jerzy Buzek, waxaana qeybgalayaasha maratoonka oo uu horscday duqa magaalada Alessandria Piercarlo Fabbio, ay u gudbiyeen codsigooda ah in laga dhiidhiyo oo wax laga qabto rafaadka iyo silica ay ku sugan yihiin dadweynaha Soomaliyeed.

Guddomiyaha baarlamanka Yurub, waxaa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay hawsha ay qabteen qabqanqaabiyeyaasha maratoonka nabadda, isagoo intaas ku daray in arrinta Soomaaliya ay isaga si gaar u taabaneyso, madaama gabar uu dhalay ay intii muddo ah ku hawshoon tahay hawlo samafal oo ka socda gobolo ka tirsan dalka Soomaaliya.

Baaqa ay abaabulayaasha marathonka soo aadiyeen baarlamaanka Yurub, waxaa ay ku codsanayaan in hey’adaha Midowga Yurub ay qaadaan tallaaboyin wax tar u leh Soomaaliya oo ah dal la maqlo oo kaliya, marka laga hadlaayo burcadeed iyo go’aano ka soo baxa kooxaha Islaamiga.

Waa aragti ayey leeyihiin aan si dhab ah uga tarjumeynin baahida dhabta ah ee ka jirta dalka Soomaaliya. Sidaasi darteed, ayaa waxa ay ka codsanayaan mudanayaasha ka tirsan barlamaanka Yurub in la dareemo oo loo gurmado dhibka heysta Soomaalida.

Qorshaha orodkan lagu taagersan yahay dib u soo nooleynta iyo nabadda Soomaaliya, waxaa abaabulay urur Talyaani ah oo lagu magacaabo STELLA BIANCA xidigta cad, oo saldhig ku leh magaalada Alessandria lana aasaasay sannadkii 2007.

Waa urur samafal ah oo uu wax ka aasaasay dhakhtar asalkiisu Soomaali yahay oo ku takhasusay cudurka dhimirka oo la yiraahdo Luigi Sartore.

Marathonka loogu ololeynayo nabadeynta Soomaaliya, waa kii labaad oo uu hirgaliyo ururka samafalka Stella Bianca.

Marathonkii ka horreeyey waxaa uu qabsoomay sannadki 2008, markaasi oo ka qeybgalayaasha ay orod ku mareen waddooyinka Talyaaniga, iyagoo orodkii ay ka soo billabeen magaalada Alessandria ku soo gebagebeeyey magaalada Roma

Posted in DhacdooyinComments (0)

Mooshan ka dhan ah Afhayeenka Baarlamaanka oo loo gudbiyay Madaxweyne Shariif

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya  Shariif Sheekh Axmed Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe Talaaladii shalay ahayd.

Mooshinkan oo ay saxiixeen 301-mudane ayaa lagu sheegay inuu dhammaaday xilligii shaqo ee Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo looga codsanayo Madaxweynaha Soomaaliya inuu faragelin ku sameeyo arrintan.

“Waxaan Madaxweynaha kula kulanay Aqalkiisa innagoo ah 150-mudane, waxaan ka codsanay in isagoo aan sharciga ka talaabsanayn uu soo dhexgalo khilaafka ka dhex taagan baarlamaanka Soomaaliya” ayuu yiri Xildhibaan Cumar Islow oo ah xoghayaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in Madaxweynaha aysan ugu tagin inuu ka eryo shaqada Guddoomiyaha Baarlamaanka, balse hadafkooda uu ahaa inay ogeysiiyaan sharciyada ay cuskanayaan iyo mooshinka sida uu u qoran yahay.

“Madaxweynuhu wuxuu inoo sheegay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan nagu siinayo Jawaab degdeg ah oo ku aadan Mooshinkeenna, waayo innagu waxaan qabnaa in xilligii shaqo ee Guddoonka Baarlamaanka uu dhammaaday” ayuu yiri Xildhibaan C/qaadir Shiddo oo ka mid ahaa mudanayaashii la kulmay Madaxweynaha.

Xildhibaanno kale oo ka tirsan baarlmaaanka ayaa iyaguna qaba inuusan waqtida shaqo ee guddoonka baarlamaanka uusan dhammaan, ayna dhacayso dowladda haddii guddoonka baarlamaanka uu dhaco.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa rumeysan inuusan xilligiisii shaqo dhamaan, waxaana firkadahan iska soo horjeeda ay imaanayaan iyadoo lagu wado in berri uu ka fumo Muqdisho kulankii Baarlamaanka Soomaaliya

Posted in DhacdooyinComments (0)

Kooxda Xiriirka Caalamiga ee arrimaha Somaliya oo shir uga furmaya Qaahira

Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay wada hadalo uga furmaan magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Sida ay sheegayan wararka hordhac ahaan looga helayo kulankan waxyaabaha la filayo in kooxda ay ka wada hadlaan waxaa ka mid ah xaaladaha qalafsan ee ka taagan gudaha dalka Soomaaliya iyo sida ay u taageeri karaan dawladda KMG ah ee Soomaaliya.

Kooxdaas oo uu shir gudoominayo Wakiilka Qaramada Midowbay ee arrimaha Soomaaliya Axmad Walad Cabdalla, ayaa dood adag ka yeelan doona xaalada dalka Soomaaliya, taageerada Dowladda KMG ah, waxyaabihii ka qabsoomay fadhigii kan ka horeeyay ee ka dhacay dalka Sacuudiga, kulan looga hadlayo dib u dhiska dalka soomaaliya oo bisha soo socota ka dhici doona dalka Turkiga iyo heshiis dhex maray Dowladda iyo kooxda Ahlu sunna.

Dawladda KMG ah ee soomaaliya ayaa waxaa uga qeybgalaya shirka Wasiirkeeda arrimaha dibada Cali Axmed Jaamac, isagoo halkaas ka jeedin doona hadal ku aadan taageerida Dowladda.

Posted in DhacdooyinComments (0)

17 ka mid ah dablayda shabaab oo lagu dilay dagaal ka dhacay Maseggawaay

Dagaal ayaa maanta ka dhacay Meseggawaay iyo Galcad Shabaab ayaa la sheegay in ay ku duuleen oo ay qabsadeen geleinkii hore maanta iyadoo ciidamada Ahlu sunna isaga baxeen magaalada

Si kastaba ha ahaatee, Meseggawaay waxay hadda gacanta ugu jirtaa dadkii hore u joogay oo taabacsan Ahlu Sunna, sida ay xaqiijinayaan warar laga soo xigtay isla Meseggawaay.

Galcad ayaa iyadana waxaa qabsaday maleeshiyada Shabaab maanta geleinkii hore iyadoo halkaasi ka dhacay dagaal faraha looga gubtay oo lagu dilay maleeshiyo shabaab ah

Dagaalkaas waxaa ku dhintay 17 ruux oo ka mid ah dadka dagaallamayay, dhaawacuna waa 20, dhamaantood dadkaasi dhintay oo dhaawacmay waxay ka tirsan yihiin badankooda shabaab

Labada ciidan wey is hor fadhiyaan, labadabana waxaa la sheegayaa in gurmad ku sii qulqulayo.

Galcad iyo Meseggawaay waxay ku yaalliin gobolka Galguduud, meel aan ka fogeyn magaalada Ceel Dheer

Posted in DhacdooyinComments (0)

Wasaaradda warfaafinta oo Idaacadihii maanta la xayiray Ruqsad siisay

Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa maanta Jawaab ka bixisay xayiraad loo geystay qaar ka tirsan warbaahinta xorta ah ee ka shaqeysa Magaalada Muqdisho.
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle maanta ayaa lagu cadeeyay in wasaaradda warfaafinta Soomaaliyeed ay ka xun tahay dhibaatada guud ahaan lagu hayo Saxaafadda Soomaaliya iyo falkii maanta lagu xayiray qaar ka tirsan Idaacadaha ka howl gala Magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ay si xor ah u howl gili karaan Idaacadihii maanta shaqada laga joojiyay, iyagoo dhowrayo anshaxa iyo sharciga saxaafadda, sidoo kale waxaa war saxaafadeedka lagu faray Hay’adaha ammaanka dalka in ay wasaaradda warfaafinta ku war giliyaan tallaabo kasta oo ay qaadayaan oo ku wajahan saxaafadda.

Sidoo kale waxaa lagu cadeeyay warsaxaafadeedkaan in dowladda Soomaaliya ay ka xun tahay dhibaatada lagu hayo saxaafadda madaxa banaan ee Soomaaliya, wasaaradda warfaafintuna ay garab taagan tahay bahda warbaahinta dalka.

warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta oo nuqul ah waa kan

Posted in DhacdooyinComments (0)

Musharaxa Jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Mid ka mid ah Haweenka ku jira Baarlamaanka KMG ah ee Somaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay tahay musharaxa jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaanad Aamino Maxamed Mursal, oo dhawaan safar kaga soo laabtay dalka Liibiya ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in tixgelin gaar ah la siiyo haweenka Soomaalida maadama muddo badan haweenka xuquuqda ay u lahaayeen hoggaaminta dalka laga hortaagana.
 

“Waxaan ahay Musharaxa jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka, ujeedada aan isugu soo taagay tartanka guddoonka Baarlamaanka waxaa waaye in kor loo qaado awooda dumarka”ayay tiri Xildhibaanad Aamino Maxamed Mursal.
iyadoo ka hadlaysay aragtida beesha Caalamka ee ah in haweenka laga qeybgeliyo hoggaanka Siyaasadda dalka ayaa waxay sheegtay in beesha Caalamka looga baahan yahay in ay taageeran qorshaheeda ah in ay tahay musharaxa jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Waxay xustay in dumarka soomaalida ay yihiin kuwa ugu badan ee dhibaatada ka soo gaaray hogaan la’aanta dalka la degtay.

Mar wax laga weydiiyay in ay taageero ku helayso Xubnaha Baarlamaanka ayaa waxay sheegtay in ay ku kalsoon tahay xubnaha Baarlamaanka soomaaliya waxayna kula talisay in markan la tijaabo dumarka.

Aamino, oo la soo kulantay hoggaamiyaha Liibiya, ayaa sheegtay in ay uga mahad celinayso doorka Hoggaamiyaha Liibiya Col Mucamar al Qadaafi siiyay haweenka,isagoo ku tilmaantay in Qadaafi si weyn u taageeray haweenka iyo caruurta qaarada Afrika.

Waxay ka codsatay hoggaamiyaha Liibiya inuu gacan ka siiyo dadaalka ay uga jirto in ay ku guuleysato hogaaminta Guddoonka Baarlamaanka.

Xildhibaanad Aamino Maxamed Mursal waxay ka mid tahay xubnaha ugu muhiimsan haweenka Baarlamaanka Soomaaliya ka dhex muuqda,waxayna Wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska ka soo noqotay Xukuumaddii uu madaxda ka ahaa Prof Cali Maxamed Geeddi.

 

Posted in DhacdooyinComments (0)

Dowladda KMG oo albaabada isugu dhufatay qaar ka mid Idaacado ku yaala xeyndaabkeeda

Ciidamada Nabad Sugida Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa goordhow ku amray idacadaha ku yaala magaalada Muqdisho gaar ahaan Idaacada Tusmo, Xurmo iyo Codka Nabada oo ku yaala goobaha dowlada ka taliso.

Masuuliyiinta idacadaha Tusmo, Xurmo iyo Codka Nabada oo maanta dowlada ay albaabada u laabtay oo saxafada la hadlay ayaa sheegay in saaka kulan ay la qaateen saraakiisha ciidamada Nabad Sugida dowlada ka dib loo sheegay in idaacadahooda ay xiraan.

Waxaa ay sheegeen masuuliyiinta in eedeeymaha loo jeediyey idacadaha ay yihiin amaradii ka soo baxay Ururka Xisbul Islaam oo ahaa in la joojiyo heesaha iyo muusigada taasi oo ay u hogaansameen inta badan idacadaha ku yaala magaalada Muqdisho.

Ciidamada Nabad sugid ayaa masuuliyiinta idacadaha u sheegay in ay tahay wax aan dowlada KMG aysan qaadan Karin in amar ka soo baxay kooxaha mucaaradka uu ka dhaqan galo goobaha Muqdisho ay ka maamusho dowlada.

Arintaani ayaa waxa ay la daba socotaa hadal maalin ka hor ka soo baxay xoghaya maamulka gobolka Banaadir ee dowlada KMG kaasi oo sheegay in ay talaabo ka qaadayaan Idacadaha ku yaala gobaha Dowlada ee joojiyey muusigada iyo heesaha kuwaasi oo u hogaansamyey amarka kooxha mucaaradka.

Mar sii horersay ayey aheyd markii maamulka Xisbul Islaam ee Gobolka Banaadir uu soo saaray awaamiir uu ku mamnuucayey in Idacadaha Muqdisho ay baahiyaan heesaha iyo muusigada , waxaan amarkaasi u hogaansamay dhamaan idacaaha ku yaala magaalada Muqdisho marka laga reebo idacada ku hadashay afka dowlada iyo idacadaha Xurmo iyo Codka Nabada.

Lama oga ilaa iyo inta ay xirnaan doonaan Iadacaha Tusmo iyo Soomaaliweyn oo maanta lababada dowlada ay isugu dhifatay oo ku yaala goobaha dowlada waxa ayna idacahaani amarka Xisbul Islaam la qaatay Iadacaha kale eek u yaala goobaha mucaaradka sida Shabelle,Hornafrik,DananTismo, iyo kuwa kale

Posted in DhacdooyinComments (0)

Shabaabka Jowhar ku sugan oo cabsi soo wajahday

Iska hor imaad hubeysan ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana Iska hor imaadka uu ahaa mid ku dhufo oo ka dhaqaaq oo lagu qaaday Bar koontarool ay leeyihiin Shabaabka.

Wararka ayaa sheegaya in Maleeshiyo Hubeysan ay xalay saqdii dhexe weerar ku qaadeen Koontaroolka lagu magacaabo No Une ee Bariga magaalada Jowhar, halkaasoo ah fariisin Shabaab ku sugan yihiin.

Inkastoo aan la soo sheegin wax qasaare ah, ayaa hadana waxaa xalay guud ahaan laga maqlayay rasaasta culus ee ka dhacayay qoryaha daran dooriga u dhaca.

Xaafada Horseed oo u dhow Koontaroolka No Une ayaa waxaana dadka ku dhaqnaa xaafadaas ay hurdada kaga salaleen rasaasta la is weydaarsanayay, kaasoo ku reebay qal qal iyo cabsi.

Mid ka mid ah dadka degan Xaafada Horseed ayaa sheegay in ay mar kaliya ku tooseen qoryaha daran dooriga u dhaca iyo kuwa garbaha laga rido oo ahaa mid lagu weeraray dablayda Shabaab.

Habeenimadii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Jowhar ka jiray cabsi ku aadan dagaalo ka dhacay, kadib markii deegaanada Gobolka Sh/Dhexe ay ka curteen kacdoono dadka deegaanka ay uga soo horjeedaan Al-Shabaab.

Posted in DhacdooyinComments (0)

Dagaalo ka bilowday deegaanada Galcad iyo Messega-way

Wararka ka imaanaya Deegaanada Galcad iyo Messega-way oo ka tirsan Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaalo ay ka qarxeen, kadib markii deegaanadaas ay gudaha u soo galeen maleeshiyada  Alshabaab.

Sida ay wararku sheegayaan dagaaladan oo goor dhow bilowday ayaa ka dambeeyay markii Shabaab oo ka soo duulay dhinaca Sh/Dhexe ay galeen deegaanadaas, waxaana saaka lagala hortagayu iska caabin adag.

Wararka laga helayo Deegaanka Messega-way ayaa sheegaya in rasaas culus ay ka dhaxeyso nawaaxiga deegaankaas, waxaana soo rogaal celiyay Ciidamada Ahlu Sunah oo deegaanka ku sugnaa, kuwaasoo sida la sheegay isaga baxay markii Shabaab soo galeen deegaanka.

Dagaalka oo xowli ku socda ayaa la soo sheegayaa in la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dadkii deegaanka ay bilaabeen in ay isaga qaxaan, iyagoo ka baqdin qaba in ay ku waxyeeloobaan dagaalka.

Haweeney ka mid aheyd dadka deegaanka oo caruurteeda kala carartay ayaa sheegay in deegaanka Galcad aanu wax dagaal ah ka jirin, hase ahaatee meel u dhow Messega-way, taasoo muujineysa in Shabaab laga soo saaray.

Muddo haatan laga joogo 10-bilood ayaa dagaalo lagu hoobtay ka dhacay deegaanka Galcad, waxaana dagaalkaas ahaa mid Shabaab jab culus lagu gaarsiiyay

Posted in DhacdooyinComments (0)

Al-shabaab oo iibsaday Lafaha Culimadii ay qabuuraha ka soo saareen

Sheekh Nuur  Cali Aadan  oo ah Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in Al-Shabaab ay iibsadeen Lafiihii Mashaa’iikhda ee ay ka soo saareen qabuuraha, islamarkaana ay lafahaasi ay u iib geeyeen qaar ka mid ah wadamada caalamka .

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya  ayaa waxa uu sheegay in Al-Shabaab qabuurihii ay faageen oo ay ka soo saareen Mashaa’iiqda caanka ku ahayd faafinta diinta Isaamka ay si qarsoodi ah u iib geeyeen qaar ka mid wadamada caalamka

Sheekh Nuur Cali Aadan ayaa sidoo kale tilmaamay in qabuuro faagistii Al-Shabaab aysan ka ahayn diin, balse ay ka ahayd  qandaraas ay soo qaateen waa sida uu hadalka u dhigee Wasiirka.

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta ayaa hadalkiisa waxa uu ku soo aadayaa xilli qabuurihii ay Al-Shabaab faageen oo ay ka soo saareen lafihii Mashaa’iiqdii caanka ka ahayd dalka Somaaliya ay dhaliyeen murano xaga diinta ah, islamarkaana ay yimaadeen dad si aad ah arrintaasi uga soo horjeeda

Posted in DhacdooyinComments (0)

Djibouti oo dastuurka beddeshay

Baarlamaanka Jamhuriyadda Djibouti ayaa maanta go’aansaday in xilka Madaxweynenimada la hayn karo saddex xilli oo xiriir ah.

Taas uu Macanaheedu yahay in Madaxweynaha hadda xilka haya, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, uu mar saddexaad u tartami karo jagada Madaxweynenimada oo hadda uga eg sannadka soo socda.

Dad ayaa ayaguna ku bannaan baxay baarlamaanka hortiisa, kuwaas oo taageersan in dastuurka wax laga beddelo si madaxweynuhu uu mar saddexaad ugu tartami karo xilka.

Waxay ku dhawaaqayeen erayo muujinaya waxqabadka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, isla markaana ay ku dalbayaan in uu xilka ku soo laabto.

Baarlamaanka Djibouti oo ka kooban 63 mudane, si buuxda ayuu isugu raacay wax ka beddelka dastuurka Jamhuriyadda Djibouti.

Fadhiga maanta waxaa goob joog ahaa 59 Mudane dhammaantood Haa ku codeeyay

Posted in DhacdooyinComments (0)

Somalia: Al-Shabaab Metes Out Repression in the South

Indiscriminate Attacks by Opposition, Government, and African Union Forces Devastate Mogadishu

New York – The Islamist armed group al-Shabaab is subjecting inhabitants of southern Somalia to killings, cruel punishments, and repressive social control, Human Rights Watch said in a report released today. Al-Shabaab, the Transitional Federal Government (TFG), and African Union (AU) forces in the war-torn capital, Mogadishu, continue to conduct indiscriminate attacks, killing and wounding numerous civilians.

The 62-page report, “Harsh War, Harsh Peace: Abuses by al-Shabaab, the Transitional Federal Government, and AMISOM in Somalia,” finds that al-Shabaab forces have brought greater stability to many areas in southern Somalia, but at a high cost for the local population – especially women. Based on over 70 interviews with victims and witnesses, the report describes harsh punishments including amputations and floggings, which are meted out regularly and without due process. People accused of being traitors or government sympathizers – often on flimsy pretexts – face execution or assassination. Al-Shabaab fighters had threatened some of those interviewed with death simply because they lived in government-controlled areas of Mogadishu.

“While al-Shabaab has brought stability to some areas long plagued by violence, it has used unrelenting repression and brutality,” said Georgette Gagnon, Africa director at Human Rights Watch. “The population under al-Shabaab’s control is paying a very steep price.”

Key international actors have often played a counterproductive role in the crisis and have played down abuses by AU troops deployed to Mogadishu to protect Somalia’s weak transitional government, Human Rights Watch said.

Many local al-Shabaab authorities devote extraordinary energy to policing the personal lives of women and preventing any mingling of the sexes. Several women told Human Rights Watch that they had been beaten, flogged, or jailed for selling tea to support their families because the work brought them into contact with men. In other cases, women were beaten for failing to wear the precise type of abaya – a bulky head-to-toe garment – prescribed by local edicts. Women often fail to wear the abaya not out of defiance but because their families simply cannot afford them.

“He was raising his hand back and counting, ‘One, two, three, four, five …. ’”  one woman told Human Rights Watch, describing the beating she got when she ran out of her house after her toddler without an abaya. “It felt so painful that if I had a gun I would have killed that man.”

Al-Shabaab has subjected young men and boys to abuses that include forced military recruitment and strict social control. Human Rights Watch interviewed one young man who saw his uncle murdered by al-Shabaab fighters because he refused to reveal the whereabouts of another nephew, a 15-year-old, who had deserted their ranks after being wounded in combat. Beatings or public humiliations are commonly meted out to men for a broad range of offenses such as failing to go to mosque, having long hair, or wearing clothes that al-Shabaab considers Western.

“Alongside abuses in al-Shabaab-controlled areas, all sides are responsible for laws-of-war violations that continue unabated in Mogadishu,” Gagnon said. “Many Somalis confront indiscriminate warfare, terrifying patterns of repression, and brutal acts of targeted violence on a daily basis.”

In Mogadishu, the transitional government and the 5,300-member African Union Mission in Somalia (AMISOM) are squared off against a powerful opposition dominated by al-Shabaab.

Opposition fighters regularly fire mortar rounds indiscriminately into populated neighborhoods controlled by the transitional government. They frequently fire from residential areas in apparent hope of attracting retaliatory attacks that will damage the image of the transitional government and AU forces. All too often these forces oblige, responding to indiscriminate attacks in kind. AU forces have fired mortar shells into densely populated areas without taking precautions to discriminate between civilians and military targets. Human Rights Watch interviewed people on both sides of the lines who witnessed family members being torn to pieces in such attacks, which violate the laws of war.

Al-Shabaab and other opposition fighters threaten and kill civilians they see as sympathetic to the transitional government. Al-Shabaab has also carried out devastating suicide attacks against civilians, including one at a university graduation ceremony in Mogadishu that killed at least 22 people in December 2009.

The intervention of outside powers in Somalia has often proved counterproductive to restoring security. The strong backing for the transitional government by the US, the EU, the AU, and the UN Political Office for Somalia has led these actors to quickly condemn serious abuses by al-Shabaab, but effectively turn a blind eye to abuses by transitional government and AU forces. The US government has sent mortars to transitional government forces in Mogadishu even though no party to the fighting has used the weapons in accordance with the laws of war.

Neighboring Kenya has under false pretenses helped recruit Somali youths from refugee camps to be fighters, contravening the humanitarian status of the camps. Eritrea, in an effort to undermine the regional interests of its political foe, Ethiopia, has helped al-Shabaab procure weapons. Human Rights Watch urgently calls on foreign actors to re-evaluate their policies toward Somalia and help end the impunity that fuels the worst abuses.

“There is no easy, obvious way to solve the crisis in Somalia,” Gagnon said. “But outside powers should address abuses by all sides instead of ignoring those committed by their allies.”

Somalia has been plagued by armed conflict since the collapse of its last functioning government in 1991. But the situation dramatically worsened in late 2006, when Ethiopian military forces intervened to smash a coalition of Sharia (Islamic law) courts that had taken control of Mogadishu.

The resulting conflict pitted Ethiopian forces and their transitional government allies against an array of insurgent groups, including al-Shabaab, who sprang up to fight them. The fighting devastated Mogadishu, drove hundreds of thousands of Somalis from their homes, and spawned a massive humanitarian crisis that continues to worsen. Ethiopian forces withdrew by the beginning of 2009, but the violence continues unabated.

Quotes from Victims and Witnesses Interviewed in “Harsh War, Harsh Peace”:

“My husband was then asked, ‘Are you going to take the 10 lashes normally prescribed for women who are supposed to wear the abaya?’ He refused, and they said, ‘Okay, then your wife will take it.’ A young man gave me 10 lashes with the whip. He beat me so much that I felt heat and pain throughout my body. He was raising his hand back and counting, ‘One, two, three, four, five …. ‘ It felt so painful that if I had a gun I would have killed that man.”
–Woman from Mogadishu who had been chasing after her toddler who had wandered from her house to the street, and was arrested by al-Shabaab fighters for failing to don her abaya.

“If they find you without [an abaya], they will beat and flog you. This happened to me two months ago. I was standing in front of my compound. When I saw them with whips and guns, I rushed back inside. But a man chased me and whipped me three times. He used a stick from a marer [a berry tree]. He said, ‘Why are you not wearing a hijab?’ I said, ‘I cannot afford it.’ He said, ‘That is not possible; get into your house.’ So you either have to have it or stay in your house, hungry.”
–Woman from a farm near the town of Jilib, north of Kismayo.

“One day when I came home from duksi [Quranic school] I found our house had been hit by a [mortar shell]. The house was pulverized. My mother and father were killed. I think my four brothers were killed as well – I saw pieces of their hands and legs near the part of the house that we used for resting. I am in such shock, I barely know who I am.”
–14-year-old boy whose family in Mogadishu was wiped out by a mortar strike in September 2009.

“They [al-Shabaab] use mortars. They sit at a specific place and launch one, five, or even ten mortar rounds. Then they pack and go immediately. We have no way to complain to them [and tell them to stop]. Even if you look at them, you can be killed. Now a counterattack comes, without discrimination. One day some of my relatives were buried in their house after a mortar hit a nearby house – three people died there. My house was blocked by the rubble of that house. We had to dig them out.”
–Former resident of an opposition-controlled neighborhood of Mogadishu.

To read “Harsh War, Harsh Peace: Abuses by al-Shabaab, the Transitional Federal Government, and AMISOM in Somalia,” please visit:

14_YR_OLD_FLEEING.mp3   13-Apr-2010 14:52  685K�
HRW_SOMALIA_AUDIO.doc   13-Apr-2010 14:52   29K �
SOMALIA_WOMAN_BEATEN.. 13-Apr-2010 14:52  499K �
SOMALIA_WOMAN_HIJAB.mp3 13-Apr-2010 14:53  334K �
SOMALIA_WOMAN_SHABAB.. 13-Apr-2010 14:53  337K�
http://www.hrw.org/node/89646

Posted in DhacdooyinComments (0)

advert

Waaxyaha

fiirin bog

Pictures

PHVsPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZHNfcm90YXRlPC9zdHJvbmc+IC0gdHJ1ZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX2ltYWdlXzE8L3N0cm9uZz4gLSAgaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3VwbG9hZHMvMjAwOS8xMC9zb21hbGktcGlyYXRlczIuanBnPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfaW1hZ2VfMjwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMTAvZmFyb2xlMi5qcGc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF9pbWFnZV8zPC9zdHJvbmc+IC0gIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMTAvc2hhYmFiZGFsa2EyNDEuanBnPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfaW1hZ2VfNDwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMTAvYW1pcl9hcnRzMTIuanBnPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfbXB1X2Fkc2Vuc2U8L3N0cm9uZz4gLSA8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF9tcHVfZGlzYWJsZTwvc3Ryb25nPiAtIGZhbHNlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfbXB1X2ltYWdlPC9zdHJvbmc+IC0gIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMTAvMDUveGFuYWZpMTMtMTUweDE1MC5qcGc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF9tcHVfdXJsPC9zdHJvbmc+IC0gIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vaW5kZXgucGhwLzIwMTAvMDUvYWxsYWhhLXUtbmF4YXJpaXN0by1zaC1udXItbWF4ZWQtYWJrZXktb28tcmFkaW8tbXVxZGlzaG8ta2EtdGlyc2FuYWEtYXlhYS1jYWF3YS1rb294ZGEtc2hhYmFhYi1rdS1kaWxlZW4tc3V1cWEtYmFrYWFyYWhhLzwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3RvcF9hZHNlbnNlPC9zdHJvbmc+IC0gPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfdG9wX2Rpc2FibGU8L3N0cm9uZz4gLSBmYWxzZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3RvcF9pbWFnZTwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC91cGxvYWRzLzIwMDkvMDkvYWQuZ2lmPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfdG9wX3VybDwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cud29vdGhlbWVzLmNvbTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3VybF8xPC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy53b290aGVtZXMuY29tPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYWRfdXJsXzI8L3N0cm9uZz4gLSAgaHR0cDovL3d3dy5hbGxwdW50bGFuZC5jb20vYXJ0aWNsZS9hbm12aWV3ZXIuYXNwP2E9NjI0MSZ6PTI8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hZF91cmxfMzwvc3Ryb25nPiAtIGh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vaW5kZXgucGhwLzIwMDkvMTAvc2hhYmFhYi1vby1hYWQtdWdhLXFhcnNhbmF5YS1zaXJ0b29kYS14aXNidWwtaXNsYWFtLzwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2FkX3VybF80PC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy5hbWluYXJ0cy5jb208L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19hbHRfc3R5bGVzaGVldDwvc3Ryb25nPiAtIGdyZWVuLmNzczwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2F1dGhvcjwvc3Ryb25nPiAtIGZhbHNlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fYXV0b19pbWc8L3N0cm9uZz4gLSB0cnVlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fY3VzdG9tX2Nzczwvc3Ryb25nPiAtIDwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2N1c3RvbV9mYXZpY29uPC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3dvb191cGxvYWRzLzMtZmF2aWNvbi5pY288L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19mZWF0dXJlZF9jYXRlZ29yeTwvc3Ryb25nPiAtIFdhcmFya2Ega29vd2FhZDwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2ZlYXRfZW50cmllczwvc3Ryb25nPiAtIDE5PC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fZmVlZGJ1cm5lcl9pZDwvc3Ryb25nPiAtIDwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2ZlZWRidXJuZXJfdXJsPC9zdHJvbmc+IC0gPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fZ29vZ2xlX2FuYWx5dGljczwvc3Ryb25nPiAtIDxzY3JpcHQgdHlwZT1cInRleHQvamF2YXNjcmlwdFwiPg0KdmFyIGdhSnNIb3N0ID0gKChcImh0dHBzOlwiID09IGRvY3VtZW50LmxvY2F0aW9uLnByb3RvY29sKSA/IFwiaHR0cHM6Ly9zc2wuXCIgOiBcImh0dHA6Ly93d3cuXCIpOw0KZG9jdW1lbnQud3JpdGUodW5lc2NhcGUoXCIlM0NzY3JpcHQgc3JjPVwnXCIgKyBnYUpzSG9zdCArIFwiZ29vZ2xlLWFuYWx5dGljcy5jb20vZ2EuanNcJyB0eXBlPVwndGV4dC9qYXZhc2NyaXB0XCclM0UlM0Mvc2NyaXB0JTNFXCIpKTsNCjwvc2NyaXB0Pg0KPHNjcmlwdCB0eXBlPVwidGV4dC9qYXZhc2NyaXB0XCI+DQp0cnkgew0KdmFyIHBhZ2VUcmFja2VyID0gX2dhdC5fZ2V0VHJhY2tlcihcIlVBLTc1Nzc0Ny0xOFwiKTsNCnBhZ2VUcmFja2VyLl90cmFja1BhZ2V2aWV3KCk7DQp9IGNhdGNoKGVycikge308L3NjcmlwdD48L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19ob21lPC9zdHJvbmc+IC0gdHJ1ZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX2hvbWVfdGh1bWJfaGVpZ2h0PC9zdHJvbmc+IC0gNTc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19ob21lX3RodW1iX3dpZHRoPC9zdHJvbmc+IC0gMTAwPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29faW1hZ2Vfc2luZ2xlPC9zdHJvbmc+IC0gZmFsc2U8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19sb2dvPC9zdHJvbmc+IC0gaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3dvb191cGxvYWRzLzQtZGFsa2FfbG9nby5wbmc8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19tYW51YWw8L3N0cm9uZz4gLSBodHRwOi8vd3d3Lndvb3RoZW1lcy5jb20vc3VwcG9ydC90aGVtZS1kb2N1bWVudGF0aW9uL2dhemV0dGUtZWRpdGlvbi88L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19yZXNpemU8L3N0cm9uZz4gLSB0cnVlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fc2hvcnRuYW1lPC9zdHJvbmc+IC0gd29vPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fc2hvd19jYXJvdXNlbDwvc3Ryb25nPiAtIHRydWU8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19zaG93X3ZpZGVvPC9zdHJvbmc+IC0gdHJ1ZTwvbGk+PGxpPjxzdHJvbmc+d29vX3NpbmdsZV9oZWlnaHQ8L3N0cm9uZz4gLSAxODA8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb19zaW5nbGVfd2lkdGg8L3N0cm9uZz4gLSAyNTA8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb190YWJzPC9zdHJvbmc+IC0gZmFsc2U8L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb190aGVtZW5hbWU8L3N0cm9uZz4gLSBHYXpldHRlPC9saT48bGk+PHN0cm9uZz53b29fdXBsb2Fkczwvc3Ryb25nPiAtIGE6Mjp7aTowO3M6NjI6Imh0dHA6Ly93d3cuZGFsa2EyNC5jb20vd3AtY29udGVudC93b29fdXBsb2Fkcy80LWRhbGthX2xvZ28ucG5nIjtpOjE7czo1OToiaHR0cDovL3d3dy5kYWxrYTI0LmNvbS93cC1jb250ZW50L3dvb191cGxvYWRzLzMtZmF2aWNvbi5pY28iO308L2xpPjxsaT48c3Ryb25nPndvb192aWRlb19jYXRlZ29yeTwvc3Ryb25nPiAtIFZpZGVvPC9saT48L3VsPg==