Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kana soo jeeda deegaanada Maamulka Puntland ayaa maanta sheegay inuu iska casilay xubinimadiisa Baarlamaanka, kadib shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Boosaaso.
Mudanahan oo lagu magacaabo Saciid Xasan Shire oo ka soo jeeda Gobolka Sanaag ayaa ka mid ah Xildhibaano uu horkacayay Xasan Abshir Faarax oo dhowaan ku laabtay Puntland.
Waxaa uu sheegay inuu gebi ahaanba isaga baxay ka mid ahaanshihiisa Baarlamaanka, waxaana uu si cad u qeexay in maanta iyo wixii ka dambeeyay aanu aheyn mas’uul dowladeed sida uu hadalka u dhigay.
Xildhibaankan ayaa waxaa uu noqonayaa kii labaad ee si cad u sheega in xilkani ay isaga tageen, waxaana ka horeeyay Xildhibaan Saalax Badbaado oo markii uu ka baxay dowladda iska degay Bakaaro isaga oo aanan weli cidna ku biirin, balse muujiyay ku dhowaansho dhinaca kooxaha Mucaaradka






