WFP ayaa sheegtay, inay san shaqo kale oo cusub ama qandaraasyo cusub aysan la galeen sadex ganacsato Soomaali ah oo cuntada u keenta WFP.
Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayay ku sheegtay, in kala bar cuntada gargaarka la siiyo Somaaliya ay aado ganacsatada cuntada u qaada WFP, maleeshiyada islaamiyiinta, iyo shaqaalaha Qaramada Midoobay.
Warbixinta ayaa ku eedaynaysa dhibaatadan, habka ay hayadda cuntada ee Qaramada Midoobay WFP ay cuntada u qaybiso.
Warbixinta waxay aad uga hadashay, in dad yar oo ganacsato ah oo ay WFP siisay qandaraasyo ay cuntada ku keenaan, inay cuntada si sharci daro ah u sii iibiyaan






