Wasaaradda Garsoorka iyo caddaaladda Dowladda Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay dhibaatooyin ka imaan karta maraakiibta shisheyaha ah ee ku sugan biyaha Soomaaliya, isagoo sharci darro ku tilmaantay in dalka dibaddiisa lagu maxkamadeeyo burcad badeeda.
C/raxmaan Maxamuud Faarax janaqoow ayaa sheegay in kooxaha burcad badeeddu ay dalka u soo hooyeen dhibaato aysan xalkeeda ayagu gaaari Karin, isagoo is barbar dhig ku sameeyay sababta ay u abuurmeen burcad badeedu iyo siyaasaddaha burcad la dirirka loogu magac daray ee boqolaalka markab keentay biyaha Soomaaliya.
Wasaaradda Garsoorka iyo caddaaladda Dowladda Soomaaliya Sh. C/raxmaan ayaa sheegay in maraakiibta shisheeyaha ee ku sugan Soomaaliya ay dalka ka leeyihiin hadafyo dhowr ah oo kala fog, taas oo dhamaantood ku imaan karta in ay sii shaqeeyaan kooxaha burcad badeeda oo dowr muhiim ah ka qaadan karo dhaca lagu hayo kheyraadka badda Soomaaliya.
Wasiirka ayaan burcad badeeda ku tilmaamay koox kaluumaysato ah oo laga hor istaagay in ay si nabad ah u raadsadaan kheyraadka dalkooda, kadibna u istaagay in ay iska qabtaan kuwo dhaca ku haya dalka una diiday in ay shaqeystaan, hase yeeshee taasi waxay sababtay in Qatar ka weyn tii hore ay soo wajahdo dalka oo markii hore marka la fiiriyo qatarta ay mustaqbalka dhow keeni karaan maraakiibta sida xad dhaafka ah u guranaysa kheyraadka dalka, taasina wuxuu ku eedeeyay burcad badeeda oo sababtay imaanshaha ciidamadaan.






