Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Madoobe Nuunoow Maxamed ayaa beeniyay eedeymo ay soo saareen Gudiga Q/midoobay u qaabilsan la socodka iyo kormeerka xaaladda Soomaaliya.
Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Madoobe Nuunow ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeeymaha loo soo jeediyay oo ku aadan in uu iibsaday fiisooyin dad ay ku tageen qaaradda Yurub sida dalka jarmalka warkaas oo lagu xusay warbixin ay soo saareen koox gaar ah oo Q/midoobay u qaabilsan la socodka xaaldaha Soomaaliya Gudigaas oo lagu magacaabo (Monitoring Group)
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa ku tilmaamay warbixintaasi in ay tahay mid wax loogu dhimayo sharaftiisa iyo tan dowlada, waxa uuna intaa ku daray in dadka uu geeyay dalka Jarmalka ay ahaayeen shaqaale ka tirsanaa wasaardiisa oo tababar halkaasi u jooga kadib markii ay arintaasi ogolaatay Dowlada KMG ah ee Soomaaiya,waxaa uuna qirtay in wiilkiisa uu ka mid ahaa dadka uu sheegay in ay tababr u joogaan Jarmalka, halka warbixinta Gudigaasi lagu xusay in dadkaasi uu ka mid ahaa wiil uu dhalay wasiirku.
Warbixin dheer oo dhinacyo badan taabaneeysay oo Gudigaasi ay soo saareen isla markaana la horgeeyay Q/midoobay ayaa lagu xusay in Wasiiro ka tirsan Dowlada K.M.G. ah ay iibsadaan Fiisooyiinka, isla markaana ay dad ku geeyaan wadamada reer Galbeedka qaab aan dowlli ahayn.
Dadka lagu eedeeyay in ay iibsadaan Fiisooyinka waxaa ka mid ah R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka kaluumeysiga iyo Kheeyraadka Badda Prof.C/raxmaan Xaji Aadan Ibbi.Wasiirka Dastuurka Arimaha Federaalka Madoobe Nuunoow maxamed. Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Fowsiya Maxamed Shiikh, Safiirka Somaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Ameerico, Xildhibaan ka tirsan barlamaanka oo lagu magacaabo C/casiis C/llaahi Maxamed (Xukun).






