Gelinka dambe ee maanta ayaa lagu wadaa in Wafdiga Ahlu sunna garabka Godoomiyaha maamulka Culamaa’udiinka Ahlu Sunna waljamaaca Macalin Maxamuud Xasan gaaran Magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya halkaas oo ay ku sugan yihiin wafdigii ka socday Dowladda KMG ah.
Sida ay sheegayan wararka wafdiga Ahlu sunna ayaa dib u dhac ku yimid safarkii maalmo ka hor ay ku tagi lahaayeen Adis ababa sababo farsamo laakiin maanta gelinka dambe ayaa lagu wadaa in ay gaaran Magaalada Adis ababa.
Maalinta beri ayaa lagu wadaa in Magaalada adis ababa lagu qabto xaflad lagu maamusayo dhaqangalka heshiis dhex mari doono Dowladda KMG ah iyo Ahlu sunna Waljameeca garabka Macalin Maxamud, heshiiskaas oo dhigaya in Ahlu sunna ku biirto Dowladda iyadoo markaa la siinayo Wasiiro iyo jagooyin kale oo muhiim ah.
Adis ababa waxaa kaloo ku sugan xubno kale oo Ahlu sunna ka socda oo ay ka mid yihiin Sh Soomow iyo Yaxye Sh Aamir.






