Midowga Yurub hawsha tababarka ciidamada Soomaaliya, ee uu wado waa qayb ka mid ah dadaal ballaaran oo caalami ah oo la doonayo in ay cagaheeda isku taagto dawladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.
Sida uu dhigayo qorshaha midowga yurub,ilaa 200 oo tababarayaal milatari oo reer yurub ah ayaa bisha May waxay bilaabayaan tababarida cutub ilaa 2000 askar Somaali ah oo lagu tabababarayo saldhig militrari oo ku yaal Uganda.
Maj gen Sherlock iyo ambassador Anthony Homes oo qaabilsan xafiiska arrimaha rayidka iyo militriga ee taliska ciidanka America ee Africa ayaa sheegay in ay u tageen Brussels, si ay ula kulmaan madax sar sare oo ka tirsan midowga yurub oo ay isula eegaan sida Mareykanku uga qayb qaadan karo tababarka iyo qalabeynta ciidamada Soomaliya.
Maj Gen Richard Sherlock wuxuu sheegay in mareykanku khibrad weyn u leeyahay xagga tababarida ciidamada. khaas ahaan saraakiisha dhexe oo halbowle u ah ciidan kasta.






