Xoghayaha Wafaafinta ee Ururka Xisbul Islaam Sheekh Maxamed Macallin Cali ayaa ka hadlay dil loo geystay Barre Cali Barre oo ka mid ahaa saraakiisha Ururka Xisbul Islaam, kaasoo la rumeysan yahay in ay dileen maleeshiyada Shabaab.
“Allaha U Naxariistee Barre Cali Barre waxaa toogtay koox burcad ah isagoo ku sugan suuqa weyn ee Bakaaraha, waxaana socda baaritaanno lagu ogaanayo kuwii ka dambeeyay dilkiisa” ayuu yiri Sheekh Maxamed Macallin Cali.
Marxuumka ayaa la sheegay inay toogteen afar dhallinyaro ah oo ku hubeysan bastoolado xilli aysan la socon ilaalo, waxaaa uu u geeriyooday dhowr xabadood oo kaga dhacay qaybta sare ee jirkiisa.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dablayda shabaab ay dilkiisa ka dambeeyeen iyagoo muddo ku taamayay sidii ay u khaarajin lahaayen sarkaalkan.
“Xisbigu wuxuu kasoo saari doonaa war murtiyeed dilka Marxuum Barre Cali Barre oo maydkiisa ay kasoo qaadeen halkii lagu dilay saraakiil iyo ciidamo ururka ka tirsan” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Ururka Xisbul Islam oo isaguna saxaafadda si kooban ula hadlay dilka kaddib.
Marxuumka ayaa ka mid ahaa xubnaha ay sida weyn isugu dhow yihiin Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ah guddoomiyaha Ururka Xisbul Islaam, wuxuuna ka mid ahaa saraakiishii sida weyn uga soo horjeestay ku biiritaankii Sheekh Xasan Turki uu ku biiray maleeshiyada shabaab.






