Tan iyo markii ay Safaaradda soomaaliya ee Magaalada Nairobi shaacisay in cid kasta oo soomaaliya u socdaalaysa looga baahan yahay in ay fiisaha dal ku galka ka qaatan Safaaradda waxaa soo baxaya faa’idada ay leedahay qorshahaas oo muddo badan lagu dhaqaaqin sababo jira awgooda iyadoo muddo ku dhaw 20 sano dadka u socdaala soomaaliya aysan qaadanin wax dal ku gal ah maadaama nidaamkii dowladnimo uu burburay.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa uu sheegay in qorshahan looga dan leeyahay in lagu ogaado ujeedada dadka u socdaala soomaaliya ee sita baasaboorada ajanabiga,wuxuuna sheegay in tallaabadan ay tahay mid lagu xaqiijinayo amaanka dalka isla markaana lagu hubinayo shaqsiyaadka kala duwan ee soomaali taga waa sida uu hadalka u dhigay.
Haweenay 24 jir ah,degan magaalada Nairobi ayaa ii sheegtay in ay la yaabtay hadalka ka soo yeeray Safiirka soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali America,waxay tiri marna ma is dhaheynin qof soomaaliya u socda in looga baahan yahay fiisaha dal ku galka,waxaan is lahaa fiiso la’aan ayaa la tagi karaa soomaaliya, waxaase hadda ogaaday in tallaabadaas ay tahay mid muujinaysa dowladnimada.
Asli Maxamed Xasan,waxay sheegtay in ay ku faraxday go’aanka safaaradda soomaaliya ee dalka Kenya ku amartay dhamaan dadka u socdaalaya soomaaliya haddii ay haystaan baasabooro dalal kale.
Muddooyinkan dambe waxaa soo badanayay dhalinyaro soomaaliyed oo qurbaha ka yimid kuwaas oo sita baasabooro dalal kale,waxayna qeyb ka yihiin dagaalada ka socda soomaaliya, qaarkood waxay ka mid yihiin kooxo isku qarxiyay gudaha dalka sida Hargeysa iyo caasimada dalka ee muqdisho.
Sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinkaas waxaa muhiim ah in baaris lagu sameeyo dadka u socdaala soomaaliya ee ka baxa dalalka geeska afrika iyo Imaaraadka carabta,xataa haddii uu soomaali yahay waxaa wanaagsan in baaris lagu sameeyo ujeedada socdaalkiisa.
Ka sokow dadka dhalashooda asal ahaan tahay soomaaliya balse haysta baasaboorada dalalka ajanabiga waxaa jira shaqsiyaad shisheeye ah oo soomaaliya taga kuwaas oo qeyb ka ah kooxaha nabad diidka ah ee ka dagaalama soomaaliya.
Dadkaas waxay u dhasheen dalalka Carabta, Mareykanka, Afrika iyo Yurub, waxayna ku biiraan marka ay tagaan soomaaliya kooxaha dhibaatooyinka ka wada soomaaliya, iyagoo ka faa’ideysanaya kantarool la’aanta dalka ka jirta.
Sidoo kale shaqaalaha hay’adaha gargaarka, wariyaasha ajanabiga ee u socdaala soomaaliya ayaa ka mid ah dadka looga baahan yahay in ay ilaaliyaan go’aanka Safaaradda soomaaliya ee Nairobi ku gaartay in ay soo maraan dadkaas xarunta Safaarada si loo ogaado ujeedada socdaalkooda.
Hadaba si looga hortago arrimahaas tallaabada koowaad ee u furan Dowladda soomaaliya waxay tahay midka Safaaradda soomaaliya ee Kenya ka dhawaajisay oo ah in lala socda qof walba oo soomaaliya u socdaalaya.
Safiirka soomaaliya ee Nairobi, Danjire Maxamed Cali America,waxaa uu dib u soo nooleeyay nidaamkii looga bartay dowladnimada taas oo qalbiga soomaalida iyo shisheeyaha mar hore ka tirtirantay.
Safaaradda soomaaliya ee Kenya, waxay qaaday tallaabooyin dhawr ah oo u baahnaayen dhamaan soomaalida ku sugan Kenya, iyadoo adeegyo fara badan u qabta dadkeeda,ilaalisa, sharafta uu leeyahay qof walba oo soomaaliya,waxayna xabsiyada kala duwan ee Nairobi ka soo saartay dad fara badan oo soomaaliyed kuwaas oo markii hore haysanin cid u dooda hase yeeshe markan waxay heleen howl wadeeno u taagan qaranimadooda.
Dalalka geeska afrika ku yaala ee ka welwelsan xaaladda soomaaliya,waxay soo dhaweeyen qorshaha Safaaradda soomaaliya ee Nairobi ku xaqiijinayso dhamaan dadka u socdaalaya somaliya.
Dowladaha Kenya, Itoobiya,Jabuuti iyo Uganda waxay u arkaan tallaabadan mid muhiim ah oo wax ka taraysa amaanka somaliya iyo dalalkooda.
Haddii howshan cusub la adkeeyo fulinteeda waxaa la hubaa in wax badan iska bedeli doonaan xaaladda dalka soomaaliya.
Somalida qurbaha ku nool, iyagoo ilaalinaya magacooda iyo kan Qaranka soomaaliyed waxaa la gudboon in ay qaatan baasaboorka cusub ee soomaaliya maadama dastuurka dalka soomaaliya uu ogol yahay in muwaadanka soomaaliya uu yeelan karo labo baasaboor.
Adigoo soomaali ah, in aad haysato baasaboor ajanabi ah kana tagto midkii aad u dhalatay waa mid laga fiican yahay, sidoo kale in dalkaada hooyo aad ku tagto baasaboor ajanabi ah iyadoo uu shaqeynayo midkaada hooyo taasina waxay wax u dhimaysaa dadnimadaada iyo jiritaankaada.
Maalmahan sidaad la socotiin Dowladda Kenya waxay qabqabatay dad soomaaliyed oo sita baasabooro ajanabi ah kuwaas oo u kala dhashay dalalka Mareykanka iyo Itoobiya,waxayna sheegtay Kenya in ay ka hortagayso wax kasta oo wax u dhimaya nabadgalyadeeda.
Sidoo kale dadka u dhashay soomaaliya ee haysta baasaboorada ajanabiga waxaa lagu haaya il gaar ah, waxaana lala socda dhaqdhaqaaqoda, hase ahaate dadka sita baasaboorka soomaaliga ee Kenya ku sugan wax culeys ah oo lagu haayo ma jirto, waxayna taasi muujinaysaa kalsoonida lagu qabo baasaboorka soomaaliga.
Ugu dambeyntii Safiirka soomaalida ee Kenya u fadhiya Maxamed Cali America waxaa uu ugu baaqay dhamaan dadka soomaaliyed in ay qaatan baasaboorka dalkooda,wuxuuna sheegay in u furan tahay albaabka safaaradda cid walba oo soomaali ah.






