Gobolka Shabeelaha Dhexe, ayaa dhowaan gacmaha iyo lugaha looga gooyay ugu yaraar 2 qof oo lagu eedeeyay howlo burcadnimo ah.
Maleeshiyada al-Shabaab, oo iyadu gacanta ku haysa maamulka gobolkaasi, ayaa xukunka ku fulisay ragga la soo eedeeyay iyadoo aan la soo bandhigin marqaatayaal
Hase yeeshee, waxaa tallaabooyinka laga qaaday eedaysanayaasha si xoog leh uga soo horjeestay Cali Sheekh oo ah guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe ee dhowaan ay dowladdu halkaa su magacawday.
Cali Sheekh, ayaa sheegay in lagu deg degay xukunka gacan iyo lug goyska ah ee ka dhacay Shabeelaha Dhexe, isagoo duray aqoonta dhinaca diinta ay u leeyihiin kooxda xukunka fulisay.
Waxaa uu sheegay in Shabaabka ay xoog ku haystaan gobolkaas sidaas darteedna aysan xaq u lahayn in ay dad xukuman maadama ay iyaguba xaaran ku joogan gobolka






