Maleeshiyada Shabaab ayaa horjooge ka tirsan Xisbul-Islaam si bereer ah ugu toogtay Deegaan ka tirsan Gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.
Horjoogahan oo lagu magacaabi jiray Axmed Cali Cawaale islamarkaana maleeshiyada Xisbiga u qaabilsanaa Tuulada Garable ee gobolka Galgaduud ayaa xalay maleeshiyada Al Shabab ay dil ugu gaysteen isla tuuladasi.
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in koox hubeysan ay meel fagaare ah ku toogteen horjoogahaan oo maamulayay tuulooyin ay Xisbigu ay ka joogaan Galguduud, ayadoo tuulada Garable ay iskula sugan yihiin labada maleeshiyo ee Shabaab iyo Xisbul-Islaam.
Wararka laga helayo tuulada garable aya shegaya in xiisad colaadeed laga dareemayo, ayadoona ay maleeshiyaadku si dareen leh ugu wada sugan yihiin tuulada.
Falkaan lagu dilay horjoogaha ka tirsan Xisbul-Islaam ayaa ku soo aadaya xilli habeen hore dil loogu gaystay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose horjooge ka tirsan maleeshiyada Shabab, kaas oo la rumaysan yahay in dilkiisa ay ka dambeeyeen maleeshiyo taabacsan Xisbiga






