Wararka ka imaanaya deegaanada loo barakacay ayaa sheegaya in xalay rasaas xoogan laga maqlayay inta u dhaxeysa deegaanka Ceelasha Biyaha iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose.
Iska hor imaadka ayaa la sheegay inuu dhex maray maleeshiyo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam iyo dablay shabaab ah, kaasoo la isu adeegsaday Hubka fud fudud, waxaana uu wal wal iyo cabsi ku beeray dadka barakacayaasha.
Sida ay sheegayaan wararka Iska Hor imaadkan ayaa ka dhashay dhaawac labada dhinac soo gaaray, kaasoo aan si dhab ah loo ogeyn, waxaana Maamulka Xisbul Islaam ee deegaanada loo barakacay sheegeen in aanu wax qasaare ah ka soo gaarin.
Muranka labada koox ayaa waxaa uu salka ku haaya dhac gaadiid yar oo todobaadkii hore dablayda shabaab ka soo dhaceen degaanka Afgooye kaas oo sababay dhimashada askarta Shabaab oo afar ah .
Deegaanada loo barakacay ayaa mudooyinkii u dambeeyay waxaa ka jiray amaan daro iyo falal lagu kala dhacayay gaadiidka, waxaana xaaladaha ku soo kordhay deegaanadaas cabasho ka muujinayay dadka barakacayaasha ah






