Sheekh Xasan Turki ayaa qaadacay go’aan Shabaabka ka soo yeeray, kadib kulan ay ku yeesheen Magaalada Kismaayo, kaasoo gebi ahaanba ku dhamaaday fashil, waxaana Sheekhu ka hor yimid in Axmed Madoobe lagu tilmaamo Riddo sida Shabaabka ku adkeysteen.
Warar laga helayo magaalo xeebeedka Kismaayo ayaa sheegaya in Sheekh Xasan Turki iyo Saraakiil ka tirsan Shabaab oo maalmahii la soo dhaafay isugu tagay magaaladaas ay ku kala boodeen kulan ay wada yeesheen.
Saraakiisha Shabaab ayaa ku adkeystay in Axmed Madoobe uu ridoobay, hase ahaatee waxaa ay dhinaca kale sheegeen in ay soo dhoweynayaan Ciidamadiisa, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay ka mid noqdaan Shabaab.
Ilo wax gal ah ayaa sheegay in Sheekh Xasan Turki uu gebi ahaanba ka hor yimid qorshahaas, waxaa uu sidoo kale diiday heshiis Saraakiisha Shabaabka dhowaan magaalada Kismaayo kula gaareen Beesha uu ka dhashay ee Absame.
Wararka ayaa sheegaya in Sheekhu si aad ah uga carooday go’aanada ay iska qaateen Shabaabka, ee ku aadan arrinta Axmed Madoobe ee ay ku sheegeen inuu yahay Riddo.
Saraakiisha Shabaab ee ka qeyb galay kulanka fashilka ku dhamaaday ee ka dhacay Kismaayo ayaa waxaa ka mid ahaa Abuu Mansuur, Fu’aad Shongole iyo Sarkaalka Sheekh Xasan Turki gacanta midig u ah Dulyadeyn oo la dhacsan hab dhaqanka Shabaab.
Sheekh Axmed Madoobe ayaa horay Shabaab ku tilmaamay in ay yihiin Takfiiru Maslaxa, kadib markii dagaal qaraar ku dhex maray Magaalada Kismaayo, waxaana fatwo dhowana ka soo saareen ku sheegeen in Axmed Madoobe u adeegayo Itoobiya iyo Kenya.
Lama oga go’aan qaadashada Xasan Turki oo Seedigiis ah Axmed Madoobe inay la xiriirto hadalkii shalay ka soo yeeray Hogaamiyaha Xisbul Islaam Xasan Dahir oo uu ku tilmaamay Xasan Turki inuu Shabaabka ka celin waayay Axmed Madoobe






