Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dagaaladii maanta ka dhacay xaafadaha Waqooyiga Muqdisho oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda KMG iyo Shabaabka uu ku dhintay Sarkaal Ajnabi ah oo ka mid ah ajaaniibta ka bar bar dagaalanta Shabaab.
Sarkaalkan ayaa la sheegay inuu ahaa kuwo ugu caansan Shabaab ee dagaalada hogaamiya, waxaana uu ka mid ahaa labo kale ajaaniib ahaa oo saaka ku dhintay dagaalka, inkastoo aan wali kala cadeyn.
Wararka ayaa sheegaya in sarkaalkan oo lagu magacaabay Abuu Muscab Al-Jazaa’iri oo dhalashadiisa tahay dalka Algeria uu ku geeriyooday aaga degmada C/casiis oo dagaal kulul ka dhacay.
Sarkaalkan ayaa lagu soo waramayaa inuu xubin fir fircoon ku lahaa dhaq dhaqaaqa Alshabaab, waxaana bilihii u dambeeyay hogaaminayay dagaalada Muqdisho ka dhaca.
Dagaaladii ka dhacay Waqooyiga Muqdisho ayaa ahaa kuwii ugu cuslaa ee mudooyinka dhaca, waxaana ay soconayeen saacado xiriir ah, kadib markii weeraro lixaad leh ay soo qaadeen Shabaabka






