Kooxo aan la garaneyin cida ay ka amar qaataan ayaa fiidnimadii xalay bam gacmeed ku tuuray hoyga ku xigeenka gudoomiyaha magaalada Boosaaso ee gobolka Bari oo ku yaala agagaarka xarunta Ex-shirkadii Isgaarsiinta NETCO ee bariga magaalada Boosaaso.
Qaraxyadan ayaa waxaa ku dhaawacmay gudoomiye ku-xigeenka magaalada Boosaaso C/qaadir Yuusuf Daahir iyo afar ka mid ah caruurtiisa oo xiligaasi ku sugnaa meel dusha ka furan oo ku dhex taala gurigiisa.
Dhaawacyada gudoomiye ku-xigeenka iyo afarka mid ah caruurtiisa oo ahaa kuwo aad u fudud ayaa laga saaray isla xalay isbitaalka magaalkada Boosaao oo markii uu qaraxu dhacay loola soo cararay, iyagoo haatana ku sugan hoygooda, xaaladooda caafimaadna la sheegayo iney fiican tahay
Ilaa iyo hadda ma jirto cid ama koox sheegatay qaraxyadan balse Maamulka Puntland ayaa waxaa uu tuhunsan yahay kooxda mayalka adag shabaab in ay soo abaabushay qaraxyadan.
Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa ku sugan waqtigan magaalada boosaaso.






