Qarax ay dadi ku dhaawacmeen ayaa xalay waxa uu ka dhacay Masjid ku yaala degmada Goldogob ee gobolka Mudug sida ay sheegayan wararka halkaas naga soo gaaraya.
Qaraxani oo ahaa sida ay wararku sheegayaan mid la dhigay meel u dhow mid kamid ah Masjidyada ku yaala degmada Goldogob ee gobolka Mudug ayaa waxaa halkaasi ku sugnaa Culumaa’udiin katirsan Ahlu Sunna Waljamaaca kuwasi oo habeen walba oo Jimco soo galaysa halkaasi ku digriya.
Kooxaha la aaminsan yahay in ay ka soo horjeedan digriga ayaa laga yaaba in ay dhigeen miinadaas qaraxa ka dhashay.
Markii uu qaraxu dhacay kadib ayaa waxaa halkaasi soo gaaray Ciidamo ku suganaa degmada Goldogob ee gobolka Mudug kuwaasi oo howlgalo xoogan ka bilaabay deegaanada ku dhowdhow Masjidka iyadoo aysan ku guulaysan Ciidamadu in ay gacanta ku soo dhigaan dadkii qaraxaasi maleegayay.
Wararka ayaa sheegaya in afar ruux oo rayid ah ay ku dhaawacmeen qaraxaas laakiin laga yaabo in khasaaro intaa ka badan yahay.






