Wasiirka Warfaafinta ee Puntland, Abdixakiim Axmad Guuleed, ayaa waxa uu ku tilmaamay eedaymahaasi qaar leh ujeeddo siyaasadeed oo magaca lagaga dilayo madaxda Puntland
Waxanu ugu baaqay Golaha Ammaanka ee UN inay soo diraan guddi madaxbannaan oo xaqiiqa-raadis ah
Warbixinta UN iyo Puntland
Warbixinta UN waxay sheegtay in, qiyaastii laba meelood marka loo qaybiyo meel ahaan, raashinka gargaarka ah ee WFP ee Somalia, in la leexsado oo loo duwo waxa ay ku tilmaantay shabakad isku xiran oo ah qandaraaslayaasha, kooxo mintid ah oo Islaamiyiin ah, budhcad-badeedda, iyo shaqaalaha WFP ee dalka gudaha, iyo weliba in maamul-goboleedyada qaarkood ay gacan siinayaan burcad badeedda.
Warbixintu waxay si gaar ah u xustay Madaxweynaha Puntland oo ay ku eedaysay inuu xiriir la leeyahay burcad badeedda deegaankaasi, kuwaasi oo siiya qaar ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka lacagta ay ka helaan maraakiibta ay afduubaan
Hase ahaatee, wasiirka warfaafintu waxa uu sheegay in madaxweynaha Puntland uu hore ugu baaqay in olole lagu qaado burcad-badeedda, lana sameeyey dedaal weyn oo Puntland ku soo qabqabatay ilaa 200 oo burcadbadeed ah, in ka badan 150-na ay xukuntay ilaa hadda. Waxanu intaasi ku daray in dedaalkaasi ka-hortagga burcadbadeedda in laga gaaray guulo waaweyn oo ay awodi kari waayeen ciidamada badda ee calamiga ah ee jooga xeebaha Somalia
Hadda ka horna, waxa magaalada Nairobi ka hadlay eedaymahani diblomaasi Somalia u jooga dalka Kenya, Mohamed Osman Adan. Diblomaasigu waxa uu beeniyey xiriirka laga dhaxaysiinayo burcadbadeedda iyo maamulka Puntland, waxanu sheegay in Puntland ay samaysay dedaal weyn, xabsigana u taxaabtay boqolaal burcad-badeed ah, isla markaana aanayna ku heli wax lacag ah






