Maxkamad ku taal dalka Mareykanka ayaa ku eedeysay nin u dhashay dalka Eriteria in uu dhaqaale ku taageero kooxda Alshabaab ee ka tirsan ururka Alqaacidda.
Xeer ilaaliyaha maxkamadda ayaa sheegay in Maxamed Ibraahim Axmed oo deggan dalka Sweden garsoore la hor geyn doono.
Ninkan oo lagu qabtay dalka Nigeria loona qaaday dalka Mareykanka, waxaa loo heystaa in uu dhaqaale ku taageeray kooxda Shabaab ee rabshadaha iyo dhibaatada ka wadda Somalia.
Ninkan Eriterian-ka ah, ayaa la sheegay in uu lacag dhan 3 kun oo Euro u soo ururiyay kooxda Shabaab, isagoo horayna tababarro ku saabsan fulinta falalka argagixinta ku qaatay xeryo ku yaalla gudaha Somalia oo ay maamusho Alqaacidda.
Bishii April ee sanadkii 2009 ninkan Eriterian-ka ah ee lagu magacaabo Maxmed Ibraahim Axmed oo ay wehliyaan Calooshood u shaqeystayaal shisheeyo oo ka tirsan Alqaacidda ayaa tababarro ku qaatay Somalia.
Haddii maxkamaddu ku hesho dambiyada loo heysto ninkan Eriterian-ka waxa uu muteysan doonaa 45 sano oo xarig ah






