Madaxweynaha Soomaaliya Sh. Shariif Sh. Axmed iyo wafdi uu hogaminayo ayaa ka degay magaalada Adiss Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.
Madaxweynaha Shariif aya kulan ay albaabadu u xiran yihiin Adis kula leh galabta R/wasaraha Ethiopia Meles Zanawi, waxayna warar shirka ku dhow sheegayaan in ay ka wada hadlayaan arrrimo badan oo labada dal quseeya.
Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Meles Zanawi ayaa madaxweynaha Somaaliya ku soo dhaweeyay garoonka diyaarada ee magaalada Adis Ababa.
Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya Sh. Shariif Sh. Axmed uu hogaaminayo waxaa ka mid ah R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Sh. Aadan, safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Iiraan C/raxmaan Guulwade, la taliyaha Madaxweynaha Mustafa Dhuxuloow iyo xubno kale.
Wafdigaan ayaa galabta ka ambobaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo uu madaxweynuhu uu kulamo kula qaatay Mas’uuliyiin ka socota Beesha caalamka iyo wakiilo ka socda Safaaradaha ay qaar ka tirsan wadamada Caalamku ku leeyihiin magaalada Nairobi.
Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa kenya kula kulmay Ergayga gaarka ah ee Q/mdoobay u qabilsan Soomaaliya Axmad Olad Cabdalla.






