WASHINGTON(OWN)-Jariirada Newyork Times ayaa sheegtay maanta in ciidamada Mareykanku ay weerar ku qaadi doonaan kooxaha islaamiga ee dowlada ka soo horjeeda iyagoo caawinaya ciidamada dowlada KMG isbuucyada soo socda.
Jariirada ayaa sheegtay in mas,uul u hadlay dowlada mareykanka oo diiday in magaciisa la sheego uu sheegay in dowlada soomaaliya ay isbuucyadan soo socda weerar xooga ku qaadi doonto kooxaha islaamiyiinta ah ee soomaaliya isagoo mas,uulkaasi intaa ku daray in ay dagaalkaa kala qeyb gali doonaan ciidamo gaar ah oo mareykan ah isla markaana ay hawada ka duqeyn doonaan kooxahaa,
Jariirada ayaa sheegtay in mas,uuliyiin askariyiin ah ay bilihii lasoo dhaafay ku mashquul sanaayeen sidii ay u tababari lahaayeen ciidamada dowlada soomaaliya,
Dowlada KMG ee soomaaliya ayaa ilaa dhamaadkii sanadkii hore 2009 ku balan qaadaysay inay weerar ku qaadi doonto kooxaha Al-shabaab iyo Xisbul islaam isla markaana ay ka nadiifin doonto magaalada caasimada ee Muqdisho.






