Maleeshiyada Xisbul Islaam ee ku sugan degmada Buur hakaba ee gobolka Baay ayaa xalay dil u geystay nin rayid ah oo xilligii la dilayay ku sugnaa gudaha Masjid ku yaala Buurhakaba.
Dablayda uu madaxda ka yahay Sh Xasan Dahir Aweys ayaa dishay nin lagu magacaabi jiray Cali Bushkuleeti oo ka mid ah dadka deegaanka, kaa oo ay ugu galeen masjidka Jaamaca, xilli uu tukaneyey salaada cishaha.
Wararka ayaa sheegaya in afar ka mid ah maleeshiyada xisbul islaam ay gudaha u galeen masjidka kadibna ay bannaanka ula soo baxeen ninka raadinayay oo ahaa Cali Bushkuleeti kaas oo markii dambe ku dileen banaanka masjidka.
Dadka degaanka ayaa falkaas ku reebay naxdin iyo la yaab maadama ninka la dilay lagala soo baxay gudaha masjidka isagoo salaadiisa cisho tukaday.
Goobjoogahasi ayaa sidoo kale tilmaamay in ay u adkeysan waayeen falalka dilka iyo dhibaatooyinka kale isugu ee ay maleeshiyaadkasi u geysanayaan dadka ku nool degmada Buurhakabo.
Arintaani ayaa waxay ka mid tahay dhibaatooyinka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed maleeshiyaadka Dowladnimada Soomaaliya ka soo horjeeda ee ay ka midka yihiin dilka, boobka iyo tacadiyada kale ee lagula kacayo shacabka ku nool deegaanada kala duwan ee ay gacanta ku hayan maleeshiyaadkasi






