Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ay gowraceen Maleeshiyaadka Shabab ayaa manta meydkooda laga helay deegaano ka tirsan Jubooyinka kadib markii la soo raaciyay meydkooda wabiga Jubba
Dadkaan oo gaaraya afar qofood oo ahaa dhalinyaro madaxa laga jaray (la gowracay) islamarkaana garba duub u xiran ayaa saakay waxaa maydkooda lagu arkay tuulada kumbareera oo u dhexeysa magaalooyinka Jilib iyo Bu’aale oo ka kala tirsan labada Jubbo.
Dhalinyaradaan ayaa la weysnaa in muddo ah kadib markii maleeshiyada kooxda Shabab ay ka kaxeysteen tuulooyin ku yaala gobolada Jubooyinka si ay ugu adeegsadaan dagaalada ay kula jiraan Dowlada KMG Soomaaliya.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in raggaan dhalinyarada ah oo si xun loo soo gowracay islamarkaana uu jirdil xoogan ka muuqdo ay maydkooda ka soo saareen wabiga Juba, ayagoo intaa raaciyay in ay ku aasayaan halkaasi.
Waxaa la rumaysan yahay in raggani ay ka biyo diideen ka qayb qaadashada dagallada maleeshiyaadkani ay ka wadaan Soomaaliya, taas oo keentay in la gowraco sida caadada u ah maleeshiyaadka Shabab ee dhibaatada ka wada dalkeena Soomaaliya.
Dhalinyaro badan ayaa bilaabay in ay isaga cararaan gobolada Jubooyinka iyo Sh/hoose iyagoo ka baqdin qaba in dagaal si xoog ah lagu galiyo, iyadoo kuwo kalena la waayay halka ay aadeen, lana rumaysan yahay in ay gacanta ku dhigeen Maleeshiyaadka Shabaab






