Maleeshiyada Al Shabaab ayaa waxa ay ka soo horjeesteen heshiiskii ay dhawaan kala saxiixdeen dowladda KMG ee Soomaaliya iyo Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljaamaca.
Ninka sheegta inuu yahay Wakiilka dablayda Al Shabaab ee Gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen ayaa sheegay in heshiiska dhex maray Dowladda KMG ah iyo Ahlu sunna uusan waxba u dhimi doonaan dagaalkooda ay kaga soo horjeedan labadaas dhinac.
Waxa uu sheegay Cali Maxamed Xuseen in hadii ay isku biiraan iyo aysan waxba u dhimi doonin Al Shabaab iyo waliba hadii ay keensadaan Ciidamo shisheeye, isagoo intaasi ku daray in ay dagaalka sii wadi doonaan.
“Anaga marna ma qaadan doono wax nabad ah dagaal mooye wax kale oo aan rabno ma jirto”ayuu yiri ninkaas oo hadda isku magacabay inuu yahay Sheekh balse ka mid ahaan jiray mooriyaanta degaanka balcad.






