Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa goor dhow ka ambabaxay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, iyagoo ku wajahan dalka Ingiriiska.
Madaxweyne Shariif ayaa la filayaa inuu ku hakado magaalada Nairobi, halkaasoo uu kaga sii gudbayo dalka Ingiriiska oo caasumaad rasmi uga bilaabatay, waxaana safarka Madaxweynaha ku wehliya Wasiiro ka tirsan Xukuumadiisa.
Safarka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehliya Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Maaliyada Shariif Xasan, Wasiirka Boostada C/risaaq Jurile iyo Wasiirada Haweenka Fowziyo Maxamed Sheekh.
Booqashada Madaxweyne Shariif ku tagayo dalka Ingiriiska ayaa la sheegay in ay dambeysay kadib markii uu casuumaad ka helay Madaxda Dowladda Britian, isagoo kala hadlayay arrimo dhowr ah oo ay ugu weyn tahay Xaalada Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa la kulmi doono Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Gordon Brown iyo Wasiirka Arrimaha Dibada David Milliband, iyadoo la filayo in Dowladda KMG ay taageero caalami ka hesho Ingiriiska.
Sidoo kale Madaxweyne Shariif ayaa Soomaalida ku dhaqan Ingiriiska kula kulmi doono Magaalooyinka qaar, isagoo khudbado u jeedin doono, safarkiisana waxay u tahay mid ahmiyad gaar ah u ah.
Dhowaan ayay aheyd markii Dowladda Ingiriiska ay cunaqabateyn ku soo rogtay Alshabaab oo la dagaalanta Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Shariif, waxaana la ogeyn taageerada ay Dowladdiisa ka heli karto Ingiriiska






