Madaxweynaha Dowladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed ayaa Maanta ka war bixiyay Arrimo faro badan oo ku saabsan Safarkiisi uu ku tagay Ingiriiska, iyo Heshiiskii Dowladda iyo Culuma’udiinka Ahlusunna Waljamaaca.
Shariif Sh. Axmed Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo Galabnimadii ayaa waxa uu uga hadlay arrimo faro badan kuwaas oo kala ahaa Booqashadii uu ku tagay Dalka Ingiriiska, Heshiiskii ay Dowladda iyo Culumaa’udiinka Ahlu-Sunna Waljamaaca ku kala saxiixdeen Magaalada Addis-Ababa ee Dalka Itoobiya iyo Warbixintii ay soo saartay Kooxda Monitoring Group.
Mar uu Madaxeyne Shariif Sh.Axmed ka hadlayay Heshiiskii ay Shalay Magaalada Addis-ababa kusoo kala saxiixdeen Dowladda Soomaaliya iyo Culumaa’udiinka Ahlu-Sunna waljamaaca ayuu tilmaamay in Heshiiskaasi ahaa guul balaaran oo u soo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed, islamarkasna loo bahan yahay in ay Shacbigu helaan Dowlad u adeegeysa Bulshada oo hanata Ammaanka, soona celisa Nidaamka iyo kala dambeynta Soomaaliya.
Waxa uu Madaxweynuhu xusay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii loo sii kordhin lahaa arrimaha Dib u heshiisiinta oo ay Cid walbo ugu soo biiri laheyd Dowladda, isagoo hadalkiisa ku daray in ay Dowladdu ka soo horjeedo Cid kasto oo aan daneyneyn in ay Nabad ka dhalato Gudaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowladda federaalka KMG-ka Soomaaliya Shariif Sh.Axmed ayaa ka hadlay wabixintii ay soo saartay Kooxda Monitoring Group, isagoo Qaar kamid ah Waxyaabihii lagu soo qoray warbixintaasi ku tilmaamay in ay yihiin kuwo xaqaa’iqa ka fog oo aysan ka muuqan Xog-ogaalnimo dheeri ah.
Waxa uu Madaxweynuhu soo hadal qaaday in Warbixintaasi ay Ciidamada Dowladdu ku eedeeysay in aysan dhisnayn, taasoo uu sheegay M/weyne Sh.Shariif inay tahay mid Meel ku dhac ku ah Dowladda KMG-ka Soomaaliya.
Mudane Sh.Shariif Sh.Axmed ayaa sidoo kale sheegay in ay Guddi u saarayaan la socodka Warbixintaasi, islamarkaasna Jawaab cad ay ka bixin doonto Dowladda Soomaaliya.






