Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka degay magaalada London ee dalka Britain.
Madax ka tirsan xukuumadda Britain ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada London, wuxaana sodoo kale soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha ka qeyb qaatay wasiiro ka tirsan Dowladda KMG Soomaaliya, iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.
Madaxweynaha ayaa isla maanta la kulmi doona R/wasaaraha dalka Ingiriiska Golden Brown, iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Britain oo ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha Dibadda, wasiirka arimaha gudaha, wasiirka Iskaashiga, wasiirka arrimaha Afrika iyo xubno kale.
Xildhibaan Ugaas Bile oo ka mid ah wafdiga Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in qaar ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed oo wata calanka dalka ay soo dhaweeyeen madaxweynaha, ayagoo qeybaha ugu badan ee Jaaliyadduna ay ku sugan yihiin Hoteelka uu madaxweynhu ka degi doono dalkaasi Baritain, ayadoo waqtiga madaxweynhu gaaray halkaasi ay ahayd xilli hore oo ay inta bdan dadku hurdayeen.
Madaxweynuhu wuxuu booqashiisa London ka dib tagi doonaa magaalada Birmingham ee dalkaasi Ingiriiska oo ay ku nool yihiin dad badan oo Soomaali ah, kulamo ayuuna la qaadan doonaa






