| C/raxmaan Maxamed Faroole Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayay saakay gaaray Magaalada Boosaaso ayaa halkaasi waxa uu ku qabtay shir jaraa’id oo inta badan uu uga hadlayay warkii Qaramada Midoobey ka soo baxay ee isaga eedeynta looga jeediyay.Madaxweyne Faroole waxaa uu sheegay in eedeynta loo jeediyay Dowlad Goboleedka Puntland, gaar ahaan isaga shaqsiyadiisa kadib markii lagu dhaliilay inuu la shaqeeyo kooxaha burcad badeeda Soomaalida.”Waxa beentaasi Qaramada Midoobey u hingaadiyay waan la soconaa, waxaa ka danbeeya |
waa wasiirka Kaluumeysiga Dowlada KMG Soomaaliya Prof. C/raxmaan Ibbi mana aha mid aan ka hari doono ” ayuu yiri Madaxweynaha maamulka puntland.
Madaxweyne faroole waxa uu si weyn ugu eedeeyay Ra’iisulwasaare ku xigeenka ahna wasiirka Kaluumeysiag inuu isagu ka danbeeyo warbixinta ka soo Baxday hay’ada daba galka hubka ee Qaramada Midoobey .
“Waa kuwo ka soo horjeeda oo kaliya nabada ka jirta maamulka Puntland, taas ayaana keeneysa in wararka nuucaani oo kale ah la soo abaabulo” ayuu yiri Madaxweyne Faroole oo sheegay in warbixintaasi ay tahay mid Been abuur ah.
Madaxweynaha Puntland waxa uu sheegay in warbixintaasi ay tahay mid Been abuur ah oo la soo dhoodhoobay oo aan waxba ka jirin, wuxuuna warbixinta Qaramada Midoobey ka soo baxday ee Dowlada Goboleedka Puntland lagu dhaliilay sheegay inay tahay been tii ugu weynayd oo maamulkaasi laga sheego






