Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta shaaca ka qaaday in maalmaha dhow ay dib u qabsan doonaan degmooyinka gacantooda ka maqan, kuwaasoo ay maamulaan Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda KMG.
Duqa magaalada Muqdisho ahna Gudoomiyaha Gobolka Banaadir C/risaaq Maxamed Nuur (Eng. Nuune) ayaa hadalkan ka sheegay kulan Maamulkaas uu la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha, kaasoo looga hadlayay ammaanka.
Eng. Nuune ayaa sheegay in ay heystaan Ciidamo ku filan oo dib u hanan kara ammaanka Degmooyinka Gobolka Banaadir, isagoo sheegay in Ciidamadaas diyaar u yihiin soo celinta amniga.
“Waxaan heysanaa Ciidamo nagu filan oo Dowladda Dhexe ay howl gelineyso, waxayna diyaar u yihiin in ay dib u soo celiyaan ammaanka”ayuu yiri Eng. Nuune oo ugu baaqay Gudoomiyeyaasha 16-ka degmo in ay keenaan qorshahooda shaqo.
Inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka taliya Xoogaga ka soo horjeeda Dowladda, iyadoo Maamulka Gobolka Banaadir uu ka howl galo degmooyin kooban oo ka tirsan Gobolka Banaadir.






